Saca cilinka ah ee caanka noqday ee ay dadka u tartamayaan in ay sawir la galaan!

Xigashada Sawirka, Getty Images
Beer ku taala dalka Bangladesh waxaa ku sii qulqulaya boqollaal qof, si ay u arkaan sac caan ah oo cilin ah, kaas oo loo yaqaano Rani.
Neefkan lo'da ah oo aad u baryar, wuxuu jiraa 23-bilood, wuxuuna dheererkiisu yahay 51 sentimitar oo keliya, culeyskiisuna waa 28 kilo gram.
In kasta oo ay jiraan xayiraadaha 'Covid- 19 ah, hadana in ka badan 15,000 oo qof ayaa lagu soo waramayaa in saca ay ku booqdeen beerta uu ku sugan yahay oo ku taal Charigram, oo u dhow caasimadda Dhaka.
Maamulaha beerta Xasan Howladar ayaa dalbaday in lagu daro Buugga diiwaanka mucjisooyiinka ee Guinness, isagoo sheegay in neefka Rani ay tahay lo'da ugu gaaban adduunka.
"Weligey ma arkin wax sidan oo kale ah," waxaa sidaasi BBC Bangla u sheegay qof booqday saca cilinka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xasan Howladar ayaa sannadkii hore saca ka soo iibsaday beer ku taalla waqooyi galbeed ee Bangladesh, gaar ahaan degmada Naogaon.
Waxa uu sheegaya in saca uu la daalaa dhacayay socodka, sidoo kalana ka baqayay lo'da kale ee la joogtay beerta Shikor Agro, sidaa darteed wuu iska gooni yeelayay lo'da kale.
"Saca waxa badan ma cuno, keliya wuxuu cunaa wax yar oo caws ah, laba goor maailintii," ayuu yiri Howladar.
Wuxuu sacaan jecel yahay inuu bannaanka dhex mushaaxo, waxayna umuuqataa inuu ku faraxsanyahay markaan gacmaheena ku qabanno.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Howladar ayaa BBC-da u sheegay in baarayaasha Buugga Diiwaanka ee World Guinness ay sannakan gudihii soo booqan doonaan beertiisa si ay u arkaan saca una qiimeeyaan in uu yahay neefka lo'da ugu gaaban caalamka.
Iyadoo ay uun toddobaadyo ka harsan tahay munaasabadda Ciidul Adxa, waxaa jiray warar sheegaya in saca la iibiyo oo loo isticmaalo udxiyada, Laakiin maamulka beerta ayaa diiday arrintaas.















