Laascaanood: Waalidiin ka cawday in gabdho ay dhaleen 'calanka Soomaaliya' dartii loogu xiray Somaliland

Hooyo ku labisan calanka Soomaaliya

Qaar ka mid ah walaadiin carruur ay dhaleen lagu xiray magaalada Laascaanood 'calanka Soomaaliya oo ay isku sawriyeen awadeed', ayaa BBC-da u sheegay in carruurtoodaas laga qaaday magaaladii ay ku dhasheen laguna xiray magaalo aad uga fog.

Hooyo Faadumo Axmed oo dhashay mid ka mid ah gabdhaha lagu xiray magaalaga Laascaanood dabayaaqadii bishii Juun ayaa sheegtay in gabadheeda ay ugu war dambaysay 26-kii markaas oo ah markii la xiray.

Waxa ay xasuusataa sida uu ku soo gaaray warka sheegayay in gabadheeda ay xireen ciidammada booliska ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland.

"Annagu gabdhaha waxaan moodaynay inay iska joogaan meelahoodan iyo xaafadda, markii abaare 8-dii habeennimo aheyd yaa islaan ordaysa ii timid say tiri gabdhihii waa la xirxiray, oo maxaa lagu xiray oo ay sameeyeen? Calankii Soomaaliya ayey wateen oo ay isku sawirayeen kabacdina waa la xirxiray ayey tiri," waxaa sidaas ku calaacashay Hooyo Faadumo.

Calanka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, TELEFISHINKA QARANKA SOOMAALIYEED

Faadumo waxa ay sharaxday habeenkii gabadheeda iyo gabdho kale oo ay saaxiibbo yihiin xabsiga loo taxaabay.

"Maalintii 26-kii Juun ayaa inanyar oo aan dhalay ay iga tagtay, dabeetana habla kale oo meel kale joogo ayey u tagtay, adigu calanka Soomaaliya ayey isku sawireen," ayey tiri Faaduma Axmed.

"Markaa kaddibna gabdhihii oo meesha jooga - annagu markaa maynaan aragee - ayey askar u timid oo la qabqabtay."

Hooyo Faadumo waxa ay sheegtay inay ugu darnayd markii ay ogaatay in gabadheeda iyo gabdhihii kale ee lala xiray oo markii hore ku xirnaa meel aanan gurigeeda sidaas uga fogayn halkaas laga qaaday oo magaalo kale xabsi ku yaal loo dhaadhiciyay.

"Laba habeen ayaa lagu hayay Laascaanood, kaddibna subaxii dambe ayaa la qaaday oo waxaa la geeyay Buurta Sayidka, halkii bay habeen u hoyden, isla habeennimadii ayaa lala tagay oo waxaa la geeyay magaalada Berbera," ayey tiri Faadumo.

Xiriirka qoysaskaas iyo gabdhahaas xiran

Faadumo Axmed ayaa waxa ay sheegtay in gabadheeda iyo gabdhaha kalaba aanan wax war ah laga helin tan iyo 26-kii Juun markaas oo ah waqtigii laga qabtay magaalada Laascood.

Waxa ay ku calaacashay in aanay markaas kaddib wax xiriir toos ah la samayn gabadheeda, hasayeeshee hooyooyinka kale ee ay carruurtu ka maqan yihiin ay iskala qaybiyeen "Hooyooyinkii baa iskala qaybiyay qaarkood ay yiraahdaan halkan Laascaanood maamulka joogo aan la hadalno oo aan dhahno gabdhaha soo daaya, qaarna aan gabdhaha ka daba dirno, marka islaamo afar ah ayaa la joogo gabdhaha oo cuntada u geeya, qarashka iyo waxaasna annagaa iska bixinna,"

Hooyo Faadumo waxa ay sheegtay in loo sheegay in gabdhaha ay u xiran yihiin khalad ay galeen oo ah in 'calanka Soomaaliya ay xirteen' maadaama ay Somaliland ku noo yihiinna inay xirtaan ma ahayn ayaa loo sheegay.

Dhankooda waxa ay sheegeen in gabdhahooda aanay qaddiyad ahaan u xiran calanka ee ay ilmo-nimo qaadday sidaas daraadeedna ay codsanayaan in loo sii daayo, arrintaas oo Faadumo ay sheegtay in laga aqbalay, hayeeshee aanay weli gacan ku hayn gabdhihii.

Calanka Soomaaliya

Walaac laga muujiyay gabdho calanka Soomaaliya dartii loogu xiray Somaliland

Xafiiska Xuquuqul aadanaha ee Somaliland ayaa Jimcihii walaac ka muujiyey xaaladda 35 gabdhood oo laga soo qabtay magaalada Boorama kuwaas oo loo xiray calanka Soomaaliya oo ay wateen 26 bisha June oo ku aadnayd markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi.

Booliska Somaliland ayaa horay u xaqiijiyay in ciidaanka boolliska Gobolka Awdal ay xabsiga u taxaabeen ku dhawaad kontan dhallinyaro (50) ah kuwaas oo la soo baxay calanka Soomaalya.

Dhalinyaradan ayaa xilligii la qabtay qaarkood ku labisnayeen calanka halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen meel ka baxsan magaalada Boorama.

Dhalinyaradan ayaa hadda ku kala xiran xabsiyada Somaliland waxaana la hor gayn doonaa maxkamadda iyo xeer ilaalinta si ay uga gutaan waajibaadkoga, sida ay sheegeen booliska Somaliland.

Balse warbixin ka soo baxday Xafiiska Xuquuqul Aadanaha ee Jamhuuriyadda Iskeed Madax-banaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland oo booqasho ugu tagay gabdhahan oo laga soo qabtay magaalada Boorama ayaa walaac ka muujiyey xaaladda ay ku suganyihiin.

bbc

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Haweenay sidata calanka Soomaaliya

Komishanka ayaa walaac ka muujiyay in gabdhaha xabsiga ku jira qaar ka mid ah ku jireen xilliga imtaxaanaadka ee Jaamacadaha. Waxayna sidoo kale cabasho ka muujiyeen goobaha ay gabdhaha seexdan ah ku xiran yihiin oo ciriiri ah.

Xafiiska ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegay in gabdhaha ay hadda ku xiran yihiin xabsiga magaalada Gabilay, waxayna tiradooda gaaraysaa 35 iyada oo aan ilaa hadda la maxkamadaynin.

"Hablahan oo tiradoodu tahay 35 gabdhood ayaa 26 June laga soo qabtay magaalada Boorama ee gobolka Awdal iyaga oo lagu soo xiray inay xirnaayeen calanka Soomaaliya. Ilaa hadda aan la maxkamadaynin." ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saareen komishanka xuquuqal Aaadanaha ee Somaliland.

Calanka Jamhuuriyadda Iskeed Madax-banaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland

Xubnaha ka socday Komishanka ayaa sheegay inay waraysi la yeesheen gabdhaha xiran oo ay u xaqiijiyeen in si wanaagsan ula dhaqmeen ciidamada kala duwan ee gacanta ku haya iyaga oo sidoo kale sheegay in aanay jirin wax xadgudub ah oo ay ciidanku kula kaceen muddadii ay xabsiga ku jireen.

Komishanka ayaa hay'addaha ay khusayso arrintan ugu baaqday inay gabdhaha maxaabiista ah "sida ugu dhakhsiyaha badan kiiska uso gabagabeysaan si ay u helaan xuquuqdooda cadaaladeed."

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa waraysi uu shalay siiyay telefishinka Horn Cable waxa uu Jamhuuriyadda Iskeed Madax-banaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland ka codsaday in qofkii lagu arko isaga oo xiran ama wato calanka Soomaaliya xeer ama sharci laga soo saaro.

"Dowladda waxaan ka rabnaa calanka Soomaaliya qofkii qabto waa in sharci laga soo saaro, waa in xeer la soo saara cinqaabteeda ku cadahay maxaa yeelay way nagu diganayeen". Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID.