You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Turkiga oo dalkiisa ka tarxiilay Israa'iili ku kacay fal laga carooday
Dalxiise u dhashay Israa'iil ayaa laga tarxiilay Turkiga, kadib markii uu soo shaac baxay muuqaal uu diif isaga tirayo lacagta waddankaas, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.
Ninka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Nader Badrana, ahna Carab haysta dhalashada Israa'iil ayaa la arkayay isagoo sankiisa ku nadiifinaya 20-ka Lira, xilli uu ku sugnaa maqaayad ku taal Istanbul.
Muuqaalka ayaa loogu baahiyay baraha bulshada ee Turkiga, sida uu ku warramay wargeyska Turkish Independent.
Laamaha ammaanka Turkiga ayaa Jimcihii gacanta ku dhigay Maxamed, waxaana ay ku eedeeyeen inuu "ku xadgudbay astaan qaran" sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.
Sabtidii ayaa la sheegay in Turkiga uu ninkaas u tarxiilay Israa'iil. Hase yeeshee wasaaradda arrimaha dibedda ee Israa'iil ayaa sheegay in Maxamed uu weli ku xiran yahay Turkiga oo uu sugayo maxkamadeyn.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dalxiisaha uu doonayay inuu ku maadeysto hoos u dhaca ku yimid lacagta Turkiga oo uu saameyn xooggan ku yeeshay sicir bararka dalkaas ka taagan iyo cudurka Covid-19.
Xiriirka diblomaasi ee Turkiga iyo Israa'iil ayaa sanadihii la soo dhaafay ahaa mid hooseeya, waxaana madaxweyne Rajab Tayib Erdogan uu hadallo kulul ku weerarri jiray ra'iisal wasaarihii xilka ka degay ee Israa'iil, Benjamin Netanyahu.
Dadka ka faallooda arimaha bariga dhexe ayaa rumaysan in xukuumadda cusub ee Israa'iil ay fursad u noqon karto Ankara, isla markaana ay labada waddan si buuxda caadi ugu soo celin karaan xiriirkooda diblomaasi.
Lataliye ka tirsan madaxtooyada Turkiga ayaa horraantii sanadkan sheegay in labada waddan ay ku dhaw yihiin inay dib u soo celiyaan safiiraddii ay horay u kala qaateen.