Maxay tahay warbixinta ka careeysiiyay dadweynaha Sucuudiga ee ku saabsan Sheekh Naasiru-Diin Albany?

Warka baxay teleefishinka

Xigashada Sawirka, @herealryadh Twitter

Qoraalka sawirka, Warka baxay teleefishinka

Caro xooggan ayaa ka dhalatay baraha bulshada dalka Sucuudiga kadib markii magaca Sheekh Nasir Al Din Al Bani lagu xusay warbixin uu tebiyay telefishinka Al Ekhbaariyah ee kasoo baxa dalkaas kaas oo ka hadlayay warbixin ku saabsan 'kooxo argagixiso ah'

Warbixinta ayaa sidatan u digneyd, "Naasiru-Diin Albany waa aasisihii kooxda Alhul Xadith kaas oo ay ka fircameen kooxo kale, waxaana kamid ah Al Salafiyaha Muxtasibah oo ka qeyb qaadatay in lagu xaadgudbo howlaha dowladda isla markaana ka shaqeyn jirtay in dadka ay faraan waxa wanaagsan oo ay xumaha ka reebaan"

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu xusay koox la yiraahdo 'Juheyman' ama 'Jamaacatu Salafiyah' , xubnaha ka tirsanaa kooxdaas waxay doorbideen in loogu yeero 'Ahlu Xadiith' waxay bilaabeen firkrad ku saabsan dacwada markii dambana waxay ku dambeeyeen inay qabsadaan masjidka barakeysan ee Xaramka.

Hadal heynta ka dhalatay

Markii warbixinta laga sii daayay teleefishinka waxay baraha bulshada ka billaabeen hal ku dhigyo ay kaga soo horjeeda warbaahintaas iyagoo ka careysan warbixinta.

Dadkan intooda badan waxay kasoo jeedeen Sacuudi Carabiya iyo Aljeeriya

Waxay dowladda Sucuudiga ka codsadeen in teleefishinka lagala xisaabtamo arrintaas.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Sidoo kale, waxaa warbixinta ka hadlay amiir ka tirsan boqortooyada Sucuudiga oo la yiraahdo Saddaam Bin Khaalid Aal Sacuud, "Magac Sheekh Maxamed Al Baani Allaha u naxaristee waxaa lagu xusay warbixinta ka hadleysay ururada aragagixsada uu baahiyay teleefishinka Al-Ekhbariya, waxaa guuldarro iyo mas'uuliyad xumo ay soo wajahday dadkii soo diyaariyay warbixinta"

Wuxuu sheegay in dadka soo diyaariyay warbixinta ay aheyd inay bartaan taariikhda sheekha intii ay baahin lahaayeen wax lasoo dhoobay.

Saddaam ayaa intaas ku daray in Sheekh Albany uu kaalin ka qaatay ka hortagga 'takfiirka iyo argagixisada'

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Waa kuma Sheekh Naasiru- Diin Albany?

Sheekha waxaa lagu tilmaamaa mid kamid ah culimadii sida weyn ugu caan aheyd barashada Xadiithka Nebiga(SCW).

Wuxuu ku dhashay caasimadda dalka Albania sanadkii 1914.

Wuxuu kasoo jeeday qoys sabool ah, aabihii wuxuu ahaa sheekh dacwada fidiya.

Sheekha wuxuu aabihii ka bartay xirfadda hagaajinta saacadaha, wuxuu markii dambe ku caan baxay hagaajinta saacadaha si noloshiisa uu ugu maareeyo.

Waxay xirfaddan u horseeday in marka uusan wax howl heynin uu cilmiga barto.

Markii dambe waxay usoo wareegeen dhulka Shaam halkaas uu ka bartay cilmiga shareecada Islaamka iyo luqadda Carabiga.

Wuxuu qoray kutubo badan oo ku saabsan cilmiga Xadiithka oo ay kamid yihiin 'Silsilatul Axaadiith Al Saxeexa' iyo 'Silsilatul Axaadiith Daciifa'.

Sanadkii 1999, boqor Feysal ayaa siiyay abaalmarin ku saabsan barashada diinta Islaamka isla sanadkaas ayuu Sheekha geeriyooday.