Fayraska korona: 'Waan ku qasbannahay in aan daawano bukaanka oo dhimanaya maalin walaba'

Haan ogsajiin ah oo lagu buuxinayo goob ku taal magaalo madaxda Nepal ee Kathmandu

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Haan ogsajiin ah oo lagu buuxinayo goob ku taal magaalo madaxda Nepal ee Kathmandu

Waxa jiro "dhibaato sii kordhaya" oo ah ogsajiin la'aan ba'an oo ka jirta dalalka aadka saboolka u ah, oo keenaysa dhimasho laga baaqsan karo, ayey ka digeen wakaaladaha caafimaadka iyo xirafadleyaashu.

khubaradu waxay sheegeen in dalalka dakhligoodu hooseeyo ay aad u saameysay ogsijiin la'aanta, sababtuna tahay in goobaha asaasiga ah ee soo saara ogsajiinta oo aanba jirin iyo in aanay helin tallaalka cudurka ama wax koobani ka gaadhay iyada oo tirada dadka uu ku dhacaya ay sii kordhayso.

Every Breath Counts, oo ah urur ay ku bahoobeen dad u ololeeyaha caafmaadka oo heer caalami ah, oo doonaya in la hagaajiyo wax soo saarka ogsajiinta dalalka dakhilooda uu hooseeyo, ayaa sheegay in 18 ka mid ah dalalkaas ay haatan haysato ogsajiin yaraan, badankooduna waxay ku yaallaan Afrika.

Jesssica Winn oo ka sitran Save the Children ayaa tidhi: "baahida ogsajiinta ee dalalka aad bay u badan tahay degdegna way tahay. waxa jira duruuf ka sii daraysa".

Ma jirto xog rasmi ah oo la hayo oo muujinaysa korodhka dhimashada laga hortagi karo. Laakiin daraasad lagu baahiyey bishii hore, wargeyska Lancet, ayaa lagu sheegaysa in dad ka badan kala badh bukaannada uu Covid ku dhacay ay ku dhintay 64 isbitaal oo ku yaal 10 dal oo Afrikaan ah, aanan la siin ogsajiin.

BBC-da ayaa la hadashay qaar ka mid ah dadka ku nool wadamadaa dakhligooda uu hooseeyo ee ay saamaysay ogsajiin yaraanta la sheegay.

'Bukaanku ogsajiin la'aan bay u dhintaan maalin walba'

Dakhtar ka hawl gala isbitaal lagu daweeyo bukaanka Covid oo ku yaal Puntaland, Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Dr. Jama Mahamud

Qoraalka sawirka, Dakhtar ka hawl gala isbitaal lagu daweeyo bukaanka Covid oo ku yaal Puntaland, Soomaaliya

Dr Jaamac Cabdi Maxamuud, wuxu yidhi isaga iyo kooxdiisa isbitaalka guud ee Qardho in culays badani haysto.

"Waxaanu aragnay inta u dhaxaysa shan ilaa toban bukaan oo Covid uu ku dhacay oo u dhammaanaya ogsajiin la'aan, maalin walba, waana arrin xanuun badan," ayuuyiri.

"Kuwaasi waxay noqon lahaayeen dhimasho laga hortagi karo haddii aanu haysan lahayn ogsajiin nagu filan".

1px transparent line

Sida ay sheegtay hay'ada Caafimaadka adduunka ee WHO, illaa 774 in ay Soomaaliya ugu dhinteen Coronavirus, illaa 15-kii June. Waxaana dalka oo dhan laga soo sheegay 14,817 xaaladood oo cudurkan ah.

Xirfadleyaasha caafimaadka ayaa sheegay in tiradu ka badan tahay intaa, sababtoo ah, ma jiro qaab haboon oo lagu diiwaan geliyo geerida ka dhacda tuulooyinka.

"Bukaannada Covid badankooda waxay ku dhintaan wadada, inta lagu sii waday isbitaallada u jira boqollaalka kiiloomitir. Sababta oo ah isbitaalada yaryari ma hayaan ogsajiin," ayuu yidhi Dr Joseph Sriki oo ah sarkaal sare oo ka tirsan hay'adda Save the Children oo Muqdisho ku sugan.

"Dadka jooga meelaha qaar sida Somaliland iyo Puntland, waxay u dhimanayaan ogsajiin la'aan, in kasta oo tirada dhimashada ay hoos u dhacday marka la barbardhigo bishii February iyo March. Xilligaas waxaa Soomaaliya ka jiray mawjada labaad," ayay tidhi Dr Ubax Faarax Axmed, oo ah agaasimaha waaxda caafimaadka qoyska ee wasaarada caafimaadka federaalka.

"Isbitaallada dowlada ay maamusho ma lahan wershad ogsajiin. Waxaa jiro saddex isbitaal oo gaar ah oo ku yaal magaalo madaxda Muqdisho oo leh qalabkan. Balse anigoo taakulo ka heleynay hay'adaha gargaarka qaarkood, waxaanu dhawaan isbitalada dawlada qaarkood ka dhisi doonaa goobo ogsajiin laga helo".

'Walaalkay wuxu i waydiistay in aan ogalaado inuu dhinto'

Prem Chapagain

Xigashada Sawirka, Deepak Chapagain

Qoraalka sawirka, Prem Chapagain

Tikaram Chapagain oo ah saajin hawl gab oo militariga ka tirsanaan jiray, oo ku nool degmada galbeedka Nepal ee Kailali, ayaa laga helay Covid 16 May.

heerka ogsajiinta ee jidhkiisa ayaa hoos ugu dhacday, waxayna hoos u dhacday 60%, markii dalka ay mawjado labadaad ee Covid-19 ah ay ka bilowdeen, halkii ugu saraysay ay maraysay.

Heerka caadiga ah ee ogsajiinta waa inta u dhaxaysa 95% ilaa 100% marka lagu cabiro qalabka pulse oximeter.

"Waxaanu u qaadnay sadex isbitaal oo gaara, laakiin midna ogsajiin ma hayn," ayuu yidhi walaalkii Prem Chapagain.

"Waxaanu haddana tagnay isbtaal dawladeed oo berendaha la jiifiyey madaama ay sariirha wada buuxeen".

Si ogsajiin loo helo qoyska iyo saaxiibadu in ay safaf dhaahdeer u galeen goobta laga buuxiyo haama ayay noqotay.

"Walaalkay waxaa dhibayay neef la'aan oo wuxuu u baahnaa ogsajiin badan. Waxaanu ka fikirnay in aan u qaadno Kathmandu, laakiin waxaanu ogayn in ay ka jirto ogsajiin yaraan badani.

"Walaalkay wuxuu yidhi 'kama halayno ogsajiin meel dhibaato ka jirto, markaa ma jirto sabab aan u sii raadinaaba. Aan iska dhintee i daa'. sida dhagaxa ayuu u adkaa. ma rumaysan karo inuu dhintay."

1px transparent line

"Ogsajiin la'aanta waa dhibaato weyn oo keentay dhimasho badan, ka dib markii ay billowdeen mowjadihii labaad," ayuu yidhi Dr Samir Adhikari oo ah xarunta hawlaha degdega ah ee caafimaad ee wax ka qabashada covid.

'Sadex isbitaal baan isku daynay laakiin walaalkay wuu dhintay'

Estefania Rejala,

Xigashada Sawirka, Estefania Rejala

Qoraalka sawirka, Estefania Rejala

Markii uu hoos u dhacday heerka neefsiga ee Rejala, 10 May, ninkaas oo 28 sano jir ahaa qoyskiisa waxay bilaabeen in ay ogsajiin u raadiyaan.

"Qalabka neefta meelna waan uga heli waynay," ayay tidhi walaashii Estefanie Rejala.

"Waxaan isku daynay laba isbitaal laakiin midkooda in la dhigo wuu diiday.

"Heerka ogsajiintiisu waxay hoos ugu dhacday 85% iyo 87%, laakiin qof buka uma eekayn bukaan badan oo ku jiray goobta sugitaanka isbitaal kasta. Dadka dhimashada qarka u saaran uun baa la ogolaa in la dhigo".

Subaxii xigay, waxaa sii xumaatay xaaladdii Rejala isagoo ku jiray isbitaal ku yaal magaalo madaxda Paraguay oo loo qaaday.

"Xanuunka hayey ayaa dhibayey oo wuu qaylinayey. Dhakhaatiirta ayaa baryey in ay u helaan ogsajiin oo ay dhigaan qolka daryeelka dadka liita, laakiin waxay ii sheegeen in aanay waxba qaban karin".

Waxoogaa yar ka dib ayuu Rejala dhacay oo uu dhintay.

1px transparent line

In kasta oo sheekooyinkaas la sheegay, haddana xukuumadda Paraguay waxay sheegtay in aanay dhibaato jirin.

"Baahida qalabka neefta waxay kor u kacday 400%. Wax soo saarka dalka gudihiisuna wuu kaafiyaa illaa 70%, inta kalena waanu soo dejinsanaa", ayuu yidhi agaasima guud ee wasaarada caafimaadka, Dr Derlis Leon.

Wuu beeniyey in bukaan dhinta gaar ahaan neef la'aan.

Ogsajiinta caalamiga ah 'barta aan la arki karin'

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Tirada la xaqiijiyey dadka uu ku dhacay Covid-19 ee Paraguay ilaa 15 June waxay ahayd 391,436 oo qof, waxaana dhintay in kala badh ka badan, labadii bilood ee la soo dhaafay.

Khubarada caafimaadku waxay sheegeen in dalal badan oo dakhiligooda uu hooseeyo in aanay haysanin wershadaha soo saara ogsajiinta ganacsiga ah ka yareyn kara culayska isbitaalada.

"Dhibaadata taagani waxay ahayd barta aan la arkayn ee ka dahsoon beesha caafimaadka caalamka," ayuu yidhi Leith Greensdale, oo ka tirsan Every Breath Counts.

Wakaaladaha Maaliyada dunida sida Global Fund, ayaa sheegay in ay haatan dardar galinayaan sidii ay u maalgelin lahaayeen in ay qalabka neefta helaan dalalka dakhilijoogda uu hooseeyo.