Duqeyntii Hargeysa: Taallada diyaaradda oo la dayactiray

Qoraalka Codka, DHAGEYSO: Diyaaraddii Hargeysa oo la dayactiray

Caasimadda Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ee Hargeysa waxaa laga daahfuray taallada diyaaradda oo maalmahanba uu dayactir ku socday.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in ay taallada u taagan tahay xusuusta dhibkii tobannaan sanadood ka hor ay dowladdii militariga u gaysatay dadkii waagaas Hargeysa ku noolaa oo ay sheegeen in tobannaan kun lagu dilay.

Haddaba waxaan khadka taleefanka ee Hargeysa kula xiriiray Maxamed Cali Bile, agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland oo BBC Somali uga warramay taalladaas iyo dayactirkeeda.