Hargeysa: Maalgashiga waayadii hore

Qoraalka Codka, Hargeysa: Maalgashiga waayadii hore

Cabdiqaadir Xaashi Cilmi wuxuu Hargaysa tagay horraantii sagaashameeyadii iyadoo markaas uun ka soo doogaysa dagaalkii ay ku duntay ee 1988. Magaaladu ma lahayn adeegyo nololeed oo aasaasi ah ganacsi buuranna hadalkiiba daa.

Duruufahaa oo jira ayaa Cabdiqaadir wuxuu u badheedhay in uu boqolaal kun oo doollar geliyo dhul cidlo ah oo xiligaa aad uga fogaa magaalada oo uu ka taagaay jiingado yaryar, waxaana halkaa ka bilaabmay dhismaha Hudheelka Maansoor oo ka mid ah kuwa ugu magaca dheer dhulka Soomaalidu degto.

Bashkas Jugsoodhacay ayuu uga waramay sidii uu ku bilaabay hudheelkaas oo waagaa ku yaallay meel aan Hargaysaba ahayn, haatan se magaaladu dhan walba u dhaaftay.