Maxay gorodda iskugula jiraan Aadan Ducaale iyo barasaabka Gaarissa?

Xigashada Sawirka, Aadan Barre
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa hadallo kulul hawada isu marinayay Aadan Barre Ducaale oo ah xildhibaanka laga soo doorto bartamaha magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, isla markaana ahaa guddomiyihi hore ee aqlabiyadda baarlamaanka Gaarissa iyo Barasaabka Gaarissa Cali Bunnow Qorane.
Doodda labada hoggaamiye ayaa bilaabatay labo isbuuc ka hor kaddib markii wakiillada baarlamaanka hoose ee Gaarissa ay soo bandhigeen mooshin xilka looga qaadayo afhayeenka baarlamaanka hoose ee Gaarissa, Ibraahim Cabaas.
Wakiillada baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Ibrahim Cabaaas in uu ku takri falay awooddiisa iyo in uu ku fashilmay hoggaaminta baarlamaanka.Maalmo kaddib wakiillada barlamaankaasi ayaa ka laabtay mooshinkaasi markii waanwaan ay sameeyeen odayaasha Gaarissa oo nabad dhex dhigay afhayeenka iyo wakiillada.
Hase ahaatee, barasaabka Gaarissa Cali Bunnow Qorane ayaa sheegay in mooshinka xilka looga qaadayo afhayeenka baarlamaanka ay ka dambeeyaan siyaasiyiin reer Gaarisa ah oo magaalad Nairobi ku sugan."Labadan beri waad maqasheen arrimaha baarlamaanka ka socday ee ah in xilka laga qaado afhayeenka barlamaanka, arrintaas waa fitno oo na dhex taallo wax dan ahna oo ku jirana ma laha" ayuu yiri Cali Bunnow Qorane.
Barasaabka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in siyaasiinta arrintan ka dambeeya ay doonayan in shacabka ay kala qeybiyaan. Cali Qorane ayaa sheegay in dowladda Gaarisa loo wada siman yahay oo si wada jir ah dadka ay ku soo doorteen oo qabaa'il walba uu ka muuqdo.
Waxaa uuna carrabaabay siyaasiinta iyo madaxda uu sheegay inay mooshinka ka dambeeyaan."Afar nin oo siyaasi ah ayaa fitnadan ka dambeysa, waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale (xildhibanka la ga soo doorto bartamaha Gaarissa), Nadiif Jaamac (barasaabkii hore ee Gaarissa intii u dhexeysay sanadkii 2013kii ilaa 2017kii), Dr Maxamed Daahiye Ducaale( xildhibaanka laga soo doorto degmada Dhaddaab) iyo Deeqow Barrow oo haatan u tartamaya kursiga barasaabka Gaarissa," ayuu yiri Cali Qorane.
Dhanka kale Aadan Barre Ducaale oo eedeymahaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in wax gacan ah uusan ku lahayn arrintaasi oo waxbana aysan ka jirin.Ducaale ayaa sheegay in isaga iyo barasaabka Gaarissa xifaaltanka ka dhexeyo uu yahay oo keli ah in Cali Bunnow Qorane uu kasoo baxo ballamihii uu ka qaaday Gaarissa oo uu shacabka u adeego."Aniga waxaan u dhaxeeyaa ummadda reer Gaarissa iyo Soomaalida magaalada deggan. Dadka markay dulman yihiin lama qariyo oo lama aamuso. Gabdho iskuma haysanno, dhaxal iskuma haysanno, lacag iskuma haysanno, waxa keli ah oo aynu isku haysanno ayaa ah sidii lacagtii dowladda dadka wax loogu qaban lahaa oo si caddaalad ah loogu shaqeyn lahaa," ayuu yiri Aadan Bare Ducaale.
Hoggaamiyihi hore ee aqlabiyada barlamaanka dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in adeegyada asaasiga ah ay magaalada Garissa ka maqan yihiin taasna aysan macquul ahayn."Macquul ma aha in webigii ugu weynaa Kenya ee Ganaane maro (Webiga Tana) uu marayo darafta Gaarissa islamarkaana magaalada Garissa ay oomman tahay, markaas waxaad leedihiin Ducaale yuusan hadlin," ayuu intaas ku daray.
Maxaa kale oo la isku heystaa?

Xigashada Sawirka, Cali Bunnow Qorane
Arrinta kale oo Qorane iyo Ducaale ay isku hayaan waxaa ka mid ah arrimaha caafimaadka oo maamulkeeda dowladda sare ay u soo dedajiysay dowlad goboleedka, arrintaas oo Ducaale uu sheegay in maamulka barasaabka aysan waxba ka qaban."Been yaan la isku sheegin qabriga keligaa ayaad galeysaa, arrinta caafimaadka 21 qof oo reer Gaarissa ah ayaa iyagoo loo sii wado magaalada Nairobi si caafimaad ay u helaan waddada ku dhintay, sababtoo ah isbitaalka Gaarissa ma lahayn qalabka oksijiinta. Dadkaasi waxaa kamid ah dhaqaatiir caafimaad iyo ganacsato caan ah".
Xildhibaanka lag asoo doorto bartamaha Gaarissa ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in isbitaalka guud ee Gaarissa oo ah midka ugu weyn Waqooyi Bari Kenya uu dhaqaale badan ka helo dowladda dhexe, balse nasiib darro adeegyadii laga filayay aanan laga helin.
"Cisbitaalkan waxaa uu dowladda sare sanad walba ka helaa lacag dhan shan milyan iyo afar boqol oo kun oo doollarka Maraykanka ah, marka sideen ku aamusnaa? Ummadda xoolaheeda waa in lagu xisaabtamaa," ayuu yiri Ducaale.
Dhanka kale xafiiska barasaabka Gaarissa ayaa eedeymaha Ducaale ku tilmaamay waxba kama jiran oo adeegyada bulshada uu siyaasadeynayo, waxayna xadaladda Ducaale ku tilmaamen kuwo fitno ah oo dadka isku dirayo.
"Innagu fitna ma doonayno wax qabadkeenna waa uu iska cad yahay, ciddii doonaysa inay nala xisaabtanto ha imaaddo, xafisyada dowlad-goboleedka way furan yihiin, suuqyada iyo shirarka iyo masraxa siyaasadda yaan laga hadlin oo xisaabtan yaan lagu marmarsiyoonin," ayuu yiri barasaabka Gaarissa Cali Bunnow Qorane.
Arrinta kale ee doodda abuurtay ayaa ah ballanqaadkii barasaabkii Gaarissa oo laba sano kahor uu sheegay in labo kun oo kiloomitar oo laami ah laga dhisi doono dhammaan lixda degmo ee gobolka Gaarissa ka kooban yahay.
"Barasaabka wuxuu magaalada keenay rag iyo dumar caddaan ah oo Denmark laga keenay kuwaas oo la sheegay in ay dhisi doonaan labo kun oo kiilo mitir oo laami ah. Laga soo bilaabo magaalada Booday, magaalada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya ee Dhoobley ilaa Gaarissa oo dhan laba kun oo kiilo mitir ma dhammo haddii aan xisaabiyay. Dowladii hore ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta waa shantii sano oo ugu horeeysay oo ka dhaqaalo badan tan dowladda goboleedka Garissa. Waxaan dhisnay 5 kun oo kiilo mitir dalka Kenya oo idil, marka walaalayaalow aaway ballanqaadkii? dadka beenta halaga daayo," ayuu intaas ku daray Ducaale.
Si kastaba xafiiska barasaabka Garissa Cali Bunnow ayaa sheegay in dhamaan riyoyinkaas iyo hamigaas magaalada Garissa laga hirgilin lahaa balse caqabad ay ku noqotay dowladd goboledkiisa waayo mashrucaasi waxaa hor istaagay siyaasiin ay ducaale kamid yihiin oo danta shacabka kasoo horjeedo.
Doodda kale ee u dhexeysa labadan hoggaamiye ayaa ah fikrad u soo jeediyay barasaabka Gaarissa oo ahayd in deegaanka Lagdheera oo ah goob abaar ah ay aad u saameeyaan biyo la'aan ay ka jirto in qaab tiknoolajiyad ah biyaha hawada looga soo saarayo."Waxaan ku fikirnay in aan keenno mashiin qiimaheedu gaarayo 380 kun oo doollar taas oo biyo hawada ka keenayso qaab tiknoloji oo cadceedu iyo dabeesha awoodeeda biyo dhulka uga dhalinayso". Ayuu yiri , Balse Aadan Ducaale oo filayo in ballantaasi la oofiyo ayaa sheegay in biyaha webiga iyo dhulka laga soo saaro balse uu la yaabban yahay qaabka hawada biyo looga keenayo.
"Barasaabka magaalada Modogashe ayuu tagay wuxuu sheegay in biyo hawada sare laga keenayo, waxaan maqli jiray biyo ama waa webi, ama waa lag ama waa bad amaba waa ceel. Anigu waan yaabay cajaa'ib!,"waxaa sidaasi sheegay Ducaale
Barasaabka Garissa ayaa sheegay in balamihiisa uu kasoo baxay waxyaabaha aan dhaqangelina ay caqabad ama dhuun laf gashay ku noqdeen xilibhaanada Garissa oo Aadan Bare Ducaale uu kamid yahay, kuwaas oo lagu eedeyay inay hor istaagen lesenkii ama shahadooyiinka qalabyadaasi lagu soo iibin lahaa iyo shatigii ay ku shaqeyn lahayeen dadkii maal gelin lahaa wadooyiinka 2kun ee kiloomitar ee la dhisi lahaa.
Cali Qorane ayaa sheegay in madaxda Gaarissa ay siyaasadda ka hormariyeen danta shacabka soo doortay taasna ay sababtay in dowladdiisa ay waajibadkeeda gudan weydo.
Si kastaba, xifaaltanka u dhaxeeya Aadan Barre Ducaale iyo Cali Qorane ayaa hadal hayn weyn ka abuurtay baraha bulshada iyo shacabka Gaarissa kuwaas oo ugu baaqay in ay xaaladda dejiyaan.
Ducaale iyo Qorane ayaa heshiis ahaa kahor doorashadii sanadkii 2017kii, waxayna labaduba ahayeen isku xisbi iyadoo midba midka kale uu u ololaynayay si ay ugu soo baxaan kuraasta ay doonayeen.
Muddo 14 bilood ayaa ka harsan doorashada guud ee Kenya. Ducaale weli maa uusan sheegin in uu kursiga barasaabka ama kursi kale u tartami doono halka Cali Bunnow Qorane uu sheegay in uu donaayo in dib loogu soo doorto kursiga barasaabka Gaarissa.
Xaqiiqada waxaa la ogaan doonaa bilooyinka ka harsan doorashada.










