Doorashada Soomaaliya: Sidee wax looga bedelayaa shaqsiyaadka cabashada laga muujiyay ee guddiga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Guddiga Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya u saaray lafagurka cabashada ay mucaaradka ka qabaan shakhsiyaad ku jira gudida doorashada ee heer federaal iyo mid dowlad goboleed ba, ayaa soo saaray diiwaanka shakhsiyaadkaasi ay cabashada ka qabaan mucaaradka iyo madaxda kale ee dhaliilayeyba.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka tirsan gudidaas, ayaa sheegay in illaa hadda la soo gaarsiiyay magacayada 67 qof, kuwaas oo ay baarayaan, natiijadana ay dhawaan soo gudbin doonaan. Tiradan ayay xusid mudantahay in ay yihiin wax ka badan kala bar tirada guud ee guddiga doorashooyinka.
Wuxuu sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay guddigan ay kamid yihiin inay ka tirsan ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.
"Eedaha loo soo jeediyay waxay ka kooban yihiin saddex qeybood, qeyb lagu eedeeyay in ciidamada ay ka tirsan yihiin, qeyb lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin shaqaalaha heerarka kala duwan ee dowladda, qeybna waxaa lagu eedeeyay inay yihiin taageerayaal siyaasadeed ama siyaasadda si toos ah ugu jiro".
Yaa leh go'aanka shaqsiyaadka laga saarayo guddiga?
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa sheegay in xubnaha ay ku caddaato eedeymaha loo jeediyay laga saari doono guddiga halka lagu waayana wax dambi ah ay kasii mid ahaan doonaan guddiga.
Hase yeeshee afhayeenka Midoowga Musharixiinta ayaa ka cago jiiday in uu toos uga jawaabo su'aal ay BBC-da weeydiisay oo ahayd in ay aqbalayaan go'aanka xukuumadda iyo in kale
Maamulka Jubaland ayaa soo gudbbiyay liiska guddiga uga mid noqonayo guddiyada doorashooyinka heer federaal, dowlad goboleed iyo xallinta khilaafaadka. Xubnaha lasoo magacaabay ayaa waxaa ka dhex muuqdo xubnihii ay horey uu horey u gudbiyay maamulka. Halka maamulka Puntland uusan weli gudbinin.
Baaritanka guddiga

Xigashada Sawirka, Guddiga Doorashada
Dowladda waxay sheegtay in baaritaano ay ku sameyneyso eedeymaha loo jeediyay guddiga balse haddii ay soo baxaana caddeymaha in meesha laga saari doono xubnaha lagu helo caddeymaha.
"Shaqada aan hadda bilaabeyno ayaa ah in aan baaritaan ku sameyno eedeymahaas , caddeymo aan u raadinno kadibna ciddii caddeymo ku filan loo helo isla markaana buuxin weyso shuruudaha ku xusan 17-ka September heshiiskii la gaaray iyo awaamiirta uu Ra'iisul Wasaaraha na siiyay in cid kamid ah shaqaalaha rayidka ama ciidamada aanay kamid noqon ciddii ku habboonaan wayso habraacaas ayaan ka saari doonaa" ayuu yiri Al Caddaala.
"Waxaan kulamo toos ah iyo xiriiro iyo wadatashi la sameynay dhammaan dhinacyada ay arrintan khuseyso haddii ay ahaan laheyd musharraxiinta, guddoonka Aqalka Sare, Golaha Shacabka, dowlad goboleedyada , ilaa hadda si mideysan oo la dhan yahay ayaan ku wadnaa, natiijo lagu qanco oo ku saleysan wixii lagu heshiiyay ayaana rajeyneynaa in aan soo saarno" ayuu yiri wasiirka.
Diiwaanka Xubnaha Cabashada Ka jirto
Xafiiska Ra'isulwasaaraha waxa uu warbaahinta la wadaagay diiwaanka magacyada dadka cabashada laga qabo, waxaana ka wada muuqda dhammaan heerarka kala duwan ee uu guddiga ka koobanyahay, sida kan heer federaalka, dhammaan dowlad goboleedyada iyo kan xalinta khilaafaadka.
Waxaase xusid mudan in xubin ka mid ah dadka ku qoran diiwaanka xafiiska Ra'isulwasaaraha uu soo gudbiyay uu geeriyooday bishii April ee sanadkan. Cabdicasiis Sheekh Dhayib ayaa ka mid ahaa xubnihii ay soo gudbisay dowlad goboleedka Jubbaland.
Musharixiinta iyo dowlad goboleedyada qaar oo kaliya ma ahan kuwa cabashada ka qabay guddiga, balse waxa ay u egtahay in xitaa dowladda federaalka ay cabasho ka qabtay qaar ka mid ah xubnaha kasoo gudbay maamul goboleedyada qaar.
Dhanka kale Golaha Midoowga Musharraxiinta ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si qoto dheer u turxaanbixiyeen xubnaha ay durayeen ee ku jira guddiyada doorashooyinka ee Soomaaliya, kuwaas oo ay liiskooda u gudbiyeen xafiiska Ra'iisul wasaare Rooble.

Xigashada Sawirka, OPM Somalia
Midowga ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin in xafiiska ra'iisul wasaaruhu u si adag arrintaas u eegi doono wixii ka soo baxana ay qaadan doonaan.
Arrintaas ayaa waxa ay qeyb ka aheyd heshiisii dhawaan laga gaaray arrimaha doorashada ee Soomaaliya.
Rai'isal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed kana tirsan golaha midowga musharaxiinta, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa BBC u sheegay in arrimaha ay ka cawdeen ay aheyd in guddiga doorashada ay ka mid ahaayeen shaqalaaha dowladda iyo ciidamada sidaas darteedna ay ku diidanayeen.
Wuxuu sheegay in eedeymaha si wanaagsan loo gorfeeyay isla markaana cabashadooda ay u gudbiyeen xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
"Waxaan uga cabaneynaa, guddiga doorashada waa inay dhexdhexaad ka noqota dadka la dooranayo, waa inay dhexdhexaadin karaan, waa inay garsoor u noqon karaan..waxaa kale oo ku jiray dad dowladeeda shaqaalaheeda kamid ah oo aan sax aheyn"
Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sidoo kale sheegay inay sugi doonaan go'aanka kasoo baxa xafiiska Ra'iisul wasaaraha.
"Anagu waxaan aaminsanahay in la xalliyo oo hannaanka doorashada hore u socota, oo aanan la carqaladeyn, anagu waxaan ku kalsoonahay si dalkan ay uga dhacdo doorasho xor oo xalaal ah in hannaanka doorashada la saxo" ayuu yiri Ridwaan.
BBC-da oo Ridhwaan wax ka weeydiisay in sababta xubnaha ay cabashada uga qabaan ay tahay in ay xidid la yihiin madaxda qaar iyo in aragtidooda ay baraha bulshada ka taagaareen dowladda, ayuu iska fogeeyay arrintaas. Wuxuuna ku adkaystay in sababta ugu weyn ay tahay in ay ka tirsanyihiin ciidanka nabad sugidda iyo shaqaalaha rayidka dowladda.














