Covid: Maxaa laga yeeli doonaa tallaalka aan la isticmaalin?

Hong Kong ayaa ka digtay in meesha laga saaro bakhaarrada waaweyn ee lagu keydiyo tallaalka coronavirus sababo la xiriira dadka oo diiddan inay qaataan tallaal.

Geyigaas, ayaa hadda wuxuu heystaa ku dhowaad labo milyan oo tallaalka Pfizer ah oo dhici doona seddax bilood gudahood.

In ka yar boqolkiiba 20 qof ayaa qaatay tallaalka, inkastoo Hong Kong ay heysato xirmooyin tallaal oo ku filan dhammaan shacabka ku nool halkaas.

Qiyaasta qaadashada yar ee tallaaka, ayaa loo eedeeyay tirada yar ee caabuqa iyo kalsooni darro dhanka dowladda ah.

Sarkaal ka tirsan guddiga tallaalka dowladda, ayaa ka digay in dadka reer Hong Kong ay kaliya haystaan muddo saddex bilood ah, ka hor inta aanu qeybtii ugu horreysay ee tallaalka Pfizer-BioNTech dhicin.

''Lama isticmaali karo kaddib taariikhda dhicitaankooda xarumaha tallaalka bulshada ee BioNTech, marka la eego qorshooyinka haatan, way joojin doonaan shaqada kaddib September," Thomas Tsang oo hore uga tirsanaa Xarunta Fayadhowrka Caafimaadka ayaa sidaas u sheegay raadiyaha RTHK.

Wuxuu sheegay inaysan habbooneyn in Hong Kong ay heysato xirmooyin badan oo tallaalka ah iyadoo dunida inteeda kalena ay u baahan tahay tallaalka. Xirmooyinka cusub ee tallaalka ayaan macquul ahayn in halkaa la geeyo kahor dhammaadka sanadka, ayuu intaasi ku daray.

Hong Kong oo shacabkeedu ay yihiin 7.5 milyan, ayaa iibsatay, 7.5 milyan oo xirmooyin tallaallada Pfizer-BioNTech iyo Sinovac oo uu Shiinuhu sameeyo ah. Iyada oo ay arrintan jirto, ayaa haddana dadka reer Hong Kong waxaa keliya la siiyay 14% oo xirmooyin ah.

Xitaa waaxda caafimaadka ee dhulka, ayaa ka gaabisay qaadashada tallaallada, iyada oo maamulka isbitaalka ay shaaca ka qaadeen horraantii bishan in keliya seddex meelood meel shaqaalaheeda la tallaalay.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gudaha, ayaa soo jeediyay in Hong Kong ay u dhoofin karto tallaallada aan la isticmaalin dalalka u baahan, haddii qaadashada aysan sidii la rabay ahayn.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo kalsoonida shacabka ee dowladda Hong Kong ay si weyn hoos ugu dhacday tan iyo markii la xakameeyay mudaaharaadyadii dimuqraadiyadda lagu taageerayay ee 2019.

Sannadkii hore, Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday sharciga ammaanka ee Hong Kong, sharcigan ayaa mamnuucaya khiyaamo qaran, kacdoon, kicin shacab iyo goonni u goosad. Dhinacyada sharcigan cambaareeyeyna waxay sheegeen inuu xaddidayo xorriyadda shacabka magaalada Hong Kong.