You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sawirrada munaasabadda Ciida iyo Soomaalida
Ciid wanaagsan, meel kasta oo dunida aad ka joogtaa. Deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika ayaa si wayn looga ciiday maanta oo ah munaasabadda ciidul fitriga tahay.
Balse meelaha qaar, sida deegaannada Soomaalida ee Kenya iyo Nairobi ayaan sidii hore looga ciidin, sababo la xiriira xayiraadaha jira iyo in dowladda aysan ogoleyn isu imaatinka shacabka, taas oo looga hortagayo cudurka COVID-19. Masaajidda iyo goobo kooban ayey dad tiro yar isugu tageen oo ku tukadeen salaadda ciidda.
Waa kuwan sawirrada munaasabadda ciida ee Soomaalida iyo madaxdooda.