Cudurka Covid: Hindiya waxaa korono u wehliya cudur ay dadka indhaha ku beelayaan

Caabuq naadir ah oo laga helay bukaanada ka soo kacay korona

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sabtida, Dr Akshay Nair, oo ah dhakhtar qalliinka indhaha ah oo ka howlagala magaalada Mumbai, ayaa sugayey haweeney 25 sano jir ah oo ka soo kabsatay cudurka safmarka ee Covid-19, saddex toddobaad ka hor.

Ka dib markii uu baaritaanada dhameeyay, Dr Nair wuxuu sameeyay qalliin seddex saac qaatay oo indhaha looga sameeyay bukaanka.

"Waxaan ka saarayaa indhaha si aan u badbaadiyo nolosheeda. Taasi waa sida uu cudurkan u shaqeeyo," ayuu yiri sheegay Dr Nair.

Dalka Hindiya oo uu ku soo rogaal celiyay xanuunka Covid-19, waxay dhakhaatiirta dalkaas baahiyeen kiisas cusub oo lala xiriiriyay caabuq naadir ah oo laga helay bukaanada ka soo kacay korona fayras oo loogu magacdaray 'cambaarta madow'.

Hindiya waxay bilihii la soo dhaafay u muuqatay mid xakameysay faafidda cudurka. Balse Covid-19 ayaa dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyay aad ugu faafay shacabka dalkaas ee tiradoodu ka badan tahay 1.3 bilyan oo qof.

Isbitaallada ayaa wajahaya xaalad adag, waxaana buux dhaafay sariiraha bukaannnada, iyadoo ay gabaabsi tahay oksijiinta. Waxaa dib loo celiyay dad xanuunsan, halka dadka qaar ay dawooyinka ka soo iibsanayaan suuq madow.

Caabuqan ayaa la sheegay inuu yahay mid dhif ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muxuu yahay cubuqan?

Caabuqan ayaa la sheegay inuu yahay mid naadir ah sida ay khubarada caafimaadka ay tilmameen. Waxaa sababa oo badanaa laga hela ciida ama carada, dhirta, digada xoolaha, miraha iyo qudaarta halowday.

Wuxuu saameeya ama ku dhacaa sanka, maskaxda iyo sambabada, wuxuuna khatar gelin karaa nolosha dadka qaba cudurka macaanka ama dadka uu difaaca jirkooda yaryahay, sida bukaannada kansarka qaba ama dadka qaba cudurka HIV / AIDS.

Dhakhaatiirta ayaa aaminsan in caabuqan uu sababi karo dhimasho boqolkiiba 50%, saamaynta ugu badanna uu u gaysan karo bukaanada isticmaalay daawooyinka lagu dabiibo dadka uu soo ritay koroona.

Dr Nair oo ka howlgalo isbitaal ku yaala magaalada Mumbai, oo ka mid ah magaalooyinka uu sida xun u saameeyay korona, ayaa sheegay inuu ilaa hadda la kulmay bukaanno gaaraya afartan, oo uu ku dhacay caabuqan indhaha tiraya dadka.

Kuwa badan oo ka mid ah bukaanadaas ayaa qabay cudurka macaanka, waxayna ka soo bogsadeen covid-19. Illaa 11 ka mid ah bukaannadaas ayaa indhaha laga saaray ama laga bixiyay.

Intii u dhexeysay Disembar iyo Febraayo, keliya lix ka mid shan magaalo, sida Mumbai, Bangalore, Hyderabad, Delhi iyo Pune, ayaa laga helay 58 kiis oo cudurka ah.

Bukaannada badankood uu ku dhacay cudurka, waxay covid-19 ka bogsadeen inta u dhexeysa 12 illaa 15 maalmood, ka hor inta indhaha aysan beelin.

Magaalada Mumbai ayaa diwaan geliyay 24 kiis labadii bilood ee la soo dhaafay

Xigashada Sawirka, EPA

Isbitaalka Sion, ee ku yaala magaalada Mumbai ayaa diwaan geliyay 24 kiis, labadii bilood ee la soo dhaafay, 11 ka mid ah bukaanadaas waxay beeleen indhaha lix ka mid ahna wey u geeriyoodeen.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in ay la yaabanyihiin soo noqnoqoshada iyo tirada sii kordhaysa ee caabuqa cusub ee daba socda korona fayras, inta lagu gudajiray mowjaddii labaad ee Covid-19.

Dr Nair ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay oo kaliye uu la kulmay toban kiis, balse "sanadkan waa wax kale," ayuu yiri.

Bukaanada la xanuunsanaya caabuqan astaamaha lagu garto waxa ka mid ah sanka oo barara iyo dhiig bax, barar iyo xanuun indhaha ah iyo araga oo luma. Waxaa laga yaaba inuu maqaarka isku badelo madow, gaar ahaan hareeraha sanka.

Dhanka kale bukaanada badankood ayaa isbitaallada tago xilli uu waxyeello badan gaarsiiyay caabuqa, qaar ka mid ahna horay ayey qalliin u galayaan, si indhaha looga saaro oo caabuqanna uusan maskaxda ugu gudbin.

Sarkaal sare oo dowladda Hindiya ka tirsan ayaa sheegay in "uusan jirin cudur weyn oo dillaacay". Hase yeeshee way adag tahay in la sheego sababta tirada sii kordheysa ee cubuqa laga soo sheegayo dalkaas oo dhan.

"Waxaana layaab leh, in caabuqa uu kudhacay dhalinyaro badan," ayuu yiri Dr Hegde.

Bukaankiisii ​​ugu yaraa wuxuu ahaa nin 27 sano jir ah, oo aan xitaa qabin cudurka macaanka. "Waxaan ku samaynay qalliin, indhaha ayaana ka saarnay. Waa arrin aad u adag."