Coronavirus: Cudurka corona ma aad buu ugu daran yahay dadka cayilan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cayilka waxaa horay loogu yaqaannay inuu kordhiyo halista uu qofka ugu jiro inay ku dhacaan cudurrada khatarta ah, oo ay ka mid yihiin wadne-xanuunka, kansarka iyo sokorowga ama macaanka.
Daraasad laga sameeyay cudurka safmarka ah ee hadda socda ayaa muujisay in dadka buuran ay suuragal tahay in ay dhibaato weyn kala kulmi karaan cudurka Covid-19, laakiin maxaa arrintan loo hadal hayaa?
Caddeyn ma loo hayaa in cayilka uu si gaar ah usoo jiito khatarta fayraska?
Su'aashan waxay saldhig u ahayd daraasado badan, iyadoo khubaradu ay isku dayayaan inay jawaab sax ah u helaan.
- Cilmibaaris lagu sameeyay ku dhawaad 17,000 oo ruux, oo ku sugan UK, ayaa lagu ogaaday in dadka uu miisaanka jirkoodu sarreeyo ay halis ugu jiraan in ay 33% u geeriyoodaan cudurka marka la barbardhigo dadka aan cayilneyn.
- Daraasad taas ka madax-bannaan oo laga sameeyay xarunta Qaran ee Caafimaadka UK (NHS) ayaa iyana lagu helay labanlaabka khatarta dhimashada ee ay dadka cayilan ugu jiraan Covid-19. Haddii cudurrada kale ee lala xiriiriyay cayilka, sida xanuunnada wadnaha iyo macaanka uu qofka sii qabana halistu intaas way kasii weynaaneysaa, sida ay cilmi baareyaasha sheegeen.
- Daraasad kale oo lagu sameeyay bukaannada UK ee ku jira qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaallada (ICU) ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 34.5% ay yihiin dad uu miisaankooda xad-dhaaf yahay, in 31% ay yihiin dad cayilan, in dadka cayilka u dhowna ay yihiin 7% (taasoo marka la isku daro noqoneysa 73%) halka dadka jirkooda uusan baruurta lahaynna ay yihii 26%.
Tiradan waxay qeyb ka tahay dadka miisaankoodu sarreeyo ama cayilan oo bulshada UK ka ah 64% - kuwaasoo isugu jira 35% uu jirkooda cabirkiisa yahay 25-29 iyo 29% uu yahay 30 iyo wixii ka sarreeya.
Cabirka miisaanka dadka waxaa lagu saleeyaa culeyska qofka iyo dhirirkiisa.
Iyadoo la ogyahay in dadka cayilan ay ku badan yihiin caalamka, ayaa Hay'adda Arrimaha cayilka ee Adduunka waxay sheegtay in dadka ugu badan ee coronavirus uu sida ba'an dhulka u dhigo ay yihiin kuwa uu cabirka miisaanka jirkoodu ka sarreeyo 25.
Goor sii horreysayna daraasado laga sameeyay dalalka Mareykanka, Talyaaniga iyo Shiinaha ayaa muujiyay in khatartaasi ay tahay mid weyn.
Dadka da'da ah, ragga iyo kuwa xanuunno hore qabay ayaa u badan bukaannada halista weyn kala kulma cudurka Covid-19.


Maxay halis u tahay in la cayilnaado?
Hadba sida uu hilibka jirkaaga u badan yahay ayey u badan tahay baruurta korkaaga fuuleysa, taas micnaheeduna waa in markaas ay yaraaneyso awoodda sanbabbadaada.
Marba haddii sambabbadaadu ay tabartooda yaraato - culeyska jirkaaga awgiis - waxaa ku adkaaneysa inay neefta bannaanka qaataan, wareegga dhiigguna uu saxnaado.
Saameyntan waxay markaas taabaneysaa shaqada wadnaha.
"Qofka cayilan wuxuu u baahan yahay hawo dheeraad ah. Taasi waxay ka dhigan tahay in habka shaqada jirkooda uu wajahayo cadaadis xoog leh," ayuu yiri Prof Naveed Sattar, oo ka tirsan Jaamacadda Glasgow.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo xaaladdu ay sidaas tahay, marka uu qofku ku dhaco cudur sida coronavirus oo kale ah, waxaa soo wajahesa halis aad u weyn.
"Ugu dambeyntii jirka cayilan wuu howlgabayaa marka uu waayo hawada kala socodsiineysay unugyada muhiimka ah," ayuu yiri Dr Dyan Sellayah, oo ka tirsan Jaamacadda Reading.
Tani waa sababta ay dadka cayilan ee ku jira qeybaha daryeelka gaarka ah ee isbitaallada ugu baahan yihiin hawo iyo caawinaad dhinaca shaqada kalyaha ah.
Saameyntu ma gaareysaa unugyada difaaca jirka?
Marka wax kasta laga soo tago, dadka cayilan ma heystaan awoodda unugyada difaaca jirka oo ku filan inay uga hortagaan fayraska.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taas waxaa keenta cadaadiska gudaha jirka ka socda oo saameynaya unugyada difaaca qudhooda.
Sida laga soo xigtay seynisyahannada, waxay arrintaas halis galin kartaa nolosha qofka, maadaama uu jahwareer ku dhacayo habka uu u shaqeeyo difaaca jirka.
Maxaan ku wanaajin karaa caafimaadkeyga?
Sida ugu fiican ee aad fayo-qabkaaga ku xoojin karto waa inaad cunto raashin isku dheellitiran oo caafimaad leh, sidoo kalena sameyso jimicsi joogto ah.
Socod boobsiiska, orodka rucleynta ah iyo waditaanka baaskiisla ayaa ah waxyaabaha ugu fiican ee sahlan.
Haddii kale, isku day inaad cuntada iska yareyso, iskana ilaaliso waxyaabaha kugu khasbaya inaad raashinka iska badiso.










