Fayriska Korona: Sidee loo hakiyey cudurkii safmarka ee hargabkii Spanishka 1918

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa halis in la isbarbar dhigo Coronavirus iyo cudurkii faafay sannadkii 1918 ee loogu magac daray Hargabkii Spain, kaas oo dilay ugu yaraan 50 milyan oo dad ah oo adduunka ku nool.
Covid-19 waa cudur cusub, kaas oo si aan caadi aheyn u saameeya dadka da'da ah. Cudurka dilaaga ah ee hargabkana ah ee ku dhuftay dunida 1918 ayaa ku dhacayey dadka da'doodu u dhaxayso 20 iyo 30, ee leh hababka difaaca ee xooggan.
Laakiin tallaabooyinka ay qaadeen dowladaha iyo shaqsiyaadka ka hortaga faafida cudurrada ayay ka muuqataa inay si fiican u garanayaan xanuunkan.
Waaxda Caafimaadka Dadweynaha England waxay wax ka barteen cudurkaas faafay ee Isbaanishka si ay isugu diyaariyaan qorshihiisa bilowga ah ee cudurka coronavirus, casharka ugu muhiimsan ayaa ah in laba kaclaynta cudurkaasi, dayrtii 1918, ay muujisay inay aad halis badan tahay wejiga hore.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waddanku weli xaalad dagaal ayuu ku jiray, markii la diwaan geliyey kiiskii ugu horreeyey, bishii May sannadkii 1918. Dawladda UK, sida kuwa kale oo farabadan, waxay ay ku soo boodday xagga sare, Waxayna u muuqataa inay go'aamisay in dadaallada dagaalka ee hargabkaas ay ka horreeyaan ka hortagidda dhimashadiisa.
Cudurku wuxuu ugu faafay sida dab kayn qabsaday gaadiidka dadweynaha ee basaska iyo tareennada, sida lagu sheegay warbixin 1919 uu soo saaray Sir Arthur Newsholme oo lagu faafiyey Royal Society of Medicine.
Laakiin "Xasuustii isticmaalka gaadiidka dadweynaha' oo uu qoray 1918, waxa uu kula taliyey dadka inay guryahooda joogaan, haddii ay xanuustaan ay iska joojiyaan imaanshaha meelaha lagu badan yahay.
Mudane Arthur, ayaa ku dooday in nafo badani badbaadi doonaan haddii la hirgeliyo talooyinkan uu soo jeediyey: " Waxaa jira caqabado waaweyn oo ay tahay waajibaad muhiima in loo hoggaansamaa, maaddaama caafimaadkeennii iyo nolosheennii khatar ku jirto"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadkii 1918, ma ay jirin dawo lagula tacaalo hargabka, isla sida oo kalena ma ay jirin mid loogu talagalay oofwareenka. Cisbitaalladuna waxay ahaayeen kuwa markaba buuxsama.
Ma jirin bandaw udub-dhexaad u ahaa xakameynta faafitaanka cudurka, in kasta oo tiyaatarro badan, hoolalka qoob ka ciyaarka, shineemooyinka iyo kaniisadaha la xiray, xaalad gaara awgood bilooyin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Farriimaha caafimaadka bulshada ayaa lagu jahawareeray- iyadoo sida maanta oo kale, warar been abuur ah iyo aragtiyaha aan jirin la badiyay, in kasta oo heerka jaahilnimada guud ee ku saabsan qaab nololeedka caafimaad uusan caawin.
Warshadaha qaar, xeerarka sigaar-cabista ayaa la dejiyay, iyadoo la aamisanaa sigaar-cabbista ay gacan ka geysaneyso ka-hortagga cudurka.
Intii lagu gudajiray dood ku saabsan faafida cuduradda safmarka ah, xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka ah Claude Lowther ayaa weydiiyay: "Ma runbaa in ka hortagga hargabka loo qaato maalintii seddex jeer midhaha geedka lagu magacaabo cocoa"
Ololaha la isusoo wada baxayo ayaa laga digay, iyadoo laga hortagayo faafista cudurka oo ku faafayey qufaca iyo hindhisada.
Bishii Nofeembar 1918, News of World wuxuu akhristayaasheeda kula taliyay inay: "Sanka gudihiisa ku nadiifiyaan saabuun iyo biyo habeen iyo maalinba; naftaada ku qasab inaad hindhisto habeen iyo maalin, ka dibna si qoto dheer u neefso. Guriga u lugee markaad shaqada ka tagto; Boorash badan cun.

Xigashada Sawirka, Mirrorpix

Ma jirin dal aanu gaadhin sannadkii 1918, in kasta oo ay la egtahay saamaynta uu gaadhsiiyey, iyo dadaalka ay dowladuhu ugu jiraan sidii ay u ilaalin lahayeen dadkooda, si weyn ayey ugu kala duwanaayeen.
Dalka Mareykanka, gobollada qaarkood waxay soo rogeen inay karantiimaan muwaadiniintooda, halka kuwo kale ay isku dayeen inay ku qasbaan xidhashada maaskarka wejiga. Shineemooyinka, tiyaatarada iyo meelaha kale ee lagu madadaasho ayaa laga xidhay guud ahaan dalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images



New Yorka, waxay ahayd magaalada keliya ee sida fiican uga diyaargarawday marka loo eego kuwa kale ee Maraykanka, iyagoo awelba labatan oo olole iyo wacyigelin ku aaddan TB-da taas oo natiijadeedii noqotay in tirada dhimashadu aad u yarayd.
S kastaba, gudoomiyaha caafimadka magaalada ayaa culeys kaga yimid ganacsiyadu inay sii furnaadaan, gaar ahaan tiyaatarada filimada iyo meelaha kale ee lagu madadaasho.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Arrintaas kaddib, waxaa hawo laga dareemay suuqyada, maadaama halisitii yaraatay waxaana la sii waday xalalkii lagu badbaaday.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laakiin waxa ay caddaysay inay suurtagal aysan ahayn in laga hortago isu-imaatinka ballaadhan ee magaalooyin badan oo Mareykanka ah, gaar ahaan meelaha lagu cibaadeysto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhamaadkii safmarkaas , dhimashada dadka ku dhintay Ingiriiska waxay ahayd 228,000, halka rubuc ka mid ah dadka loo haystay inay qabeen cudurkaas.
Dadaalo lagu dilayo fayraska ayaa socday in muddo ah, dadkuna waxay aad uga warqabaan waligeed suurtagalnimada hargab dilaa oo xilliyo gaara yimaadda.

Xigashada Sawirka, Getty Images











