Kangana Ranaut: Muxuu yahay khaladka ay xiddigta Bollywood sameysay ee looga xirtay Twitter?

Bollywood actor Kangana Ranaut poses for photographs during the trailer launch of the upcoming sports drama Hindi film Panga in Mumbai on December 23, 2019.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shirkadda Twitter ayaa xirtay cinwaankii ay xiddigta Bollywood Kangana Ranaut ku lahayd kaddib markii ay atariishadu soo dhigtay qoraal loo arkay inuu yahay mid qalalaase kicinaya.

Qoraalkaas ayay Kangana ku weydiisay Ra'iisul Wasaare Narendra Modi inuu "edbiyo" hoggaamiye ka tirsan mucaaradka isagoo adeegsanaya xeeladihiisii hoggaamineed ee "horaantii sanadihii 2000" - taasoo dad badan ay u fasirteen rabshadihii maareynayay ee dhacay xilligaas, ayna ku dhinteen dad kor u dhaafaya 1,000 oo u badnaa Muslimiin.

Farriinta Twitterka ee Ranaut ayaa si deg deg ah u abuurtay caro iyo hadal-heyn ku baahday baraha bulshada.

Maamulka shirkadda Twitter wali wax bayaan ah kama aysan soo saarin arrintan.

Laakiin wakiil ka tirsan shirkaddaas ayaa BBC-da u sheegay in Ranaut ay marar badan ku tumatay shuruucda Twitter iyadoo ku shaacisay hadallo naceynb abuuraya iyo hab dhaqanno kale oo xumaato ah.

Kangana oo la hadleysay warbaahinta ANI ayaa tallaabada ay Twitter qaadday ku tilmaantay cunsuriyad.

"Twiiter wuxuu caddeeyay arrintii aan horay u sheegay oo ahayd in ay yihiin Mareykan dhalad ah, qof caddaan ahna wuxuu aaminsan yahay inuu xukumo qof midabkiisu uusan caddaan ahayn, waxay doonayaan inay kuu sheegaan sida aad u fikireyso iyo waxa aad ku hadleyso ama sameyneyso.

"Waxaan leeyahay meelo badan oo aan codkeyga kusoo bandhigi karo, waxaana ka mid ah habkeyga gaarka ah ee wararka shaleemooyinka," ayay raacisay hadalkeeda.

Ma aha markii ugu horreysay ee Ranaut ay dhalisay muran iyo hadal heyn. Markii ay ka baxday Bollywood-ka waxay shaacisay eedeymo la xiriira in shirkaddaas dhexdeeda uu ka jiro tacaddi qof jecleysi ah oo dadka shaqada la siiyo lagu kala xusho.

Laakiin durbadiiba waxay noqotay qof cod dheer oo laga dhex maqlo shirkadaha filimada dhexdooda iyo bannaankooda labadaba. Inta badan waxay baraha bulshada, sida Twitter iyo Instagram u adeegsataa gudbinta eedeymaha aan xaqiiqdooda la hubin, waxayna weerartaa dadkii jilista kala soo shaqeeyay iyo shakhsiyaadka caanka ah.

Waxay hadallo aflagaaddo ah horay ugu tiri atariishooyinka kala ah Sonam Kapoor, Urmila Matondkar iyo Deepika Padukonne.

Sidoo kale wuxuu dagaal adag dhex maray saaxiibkeedii hore Hrithik Roshan oo isagana ka mid ah atooreyaasha ugu magaca weyn Bollywood-ka.

.

Xigashada Sawirka, IndiaTv

Sonam Kapoor ayay ku tilmaantay "burcadda maafiyada", halka Urmilla ay ugu yeertay haweenka jirkooda ka ganacsada. Sidoo kale Deepika ayay ku sheegtay qof dagaal kula jira xanuun dhinaca dhimirka ah.

Qoraallada ay Twitterka soo dhigto ayaa marka laga soo tago inay muran abuuraan waxay u badan yihiin kuwo mararka qaar aan laga fiirsanin oo jah wareer ah.

Maalmahan waxay dhexda uga jirtay wararka ku saabsan xaaladda Covid-19 ee Hindiya, iyadoo dagaal kula jirtay dadka ka cabanaya inaan waxba loo qabanin xilli ay Hindi badan u dhimanayeen neef la'aan awgeed.

Bishii February ayay sheegtay in adduunka aysan joogin atariisho iyada xirfaddeeda oo kale leh.

Ranaut's suspended Twitter account
Qoraalka sawirka, Twiiter ayaa cinwaankii Ranuat xirtay Talaadadii

Laakiin Mr Modi iyo xisbigiisa talada haya ee BJP mar walba way ka nabad qabeen dhaliilaha ay jeediso. Dadka iyada kasoo horjeeda waxay ku tilmaamaan inay tahay qof taageersan garabka midig ee xisbiga BJP.

Inta badan waxay hadallo kulul ugu jawaabtaa dadka kasoo horjeesta Ra'iisul Wasaaraha oo ay amaan joogto ah ugu jeediso baraha bulshada.

Actor Kangana Ranaut arrives at Bandra police station to record her statement in a sedition case filed against her, on January 8, 2021 in Mumbai, India

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ranaut waxaa lagu tilmaamaa inay tahay qof mar walba muran kiciya

Tusaale ahaan, qoraalkeedii Twitter-ka ee ugu dambeeyay waxay ku bartilmaameedsatay Mamata Banerjee oo ah madaxa golaha wasiirrada ee maamul goboleedka Galbeedka Bengal, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay siyaasiga ugu weyn ku jira mucaaradka Mr Modi.

Qiraalkeeda wuxuu yimid hal maalin kaddib xisbiga BJP ay ku guul darreysteen doorashooyinkii gobolkaas ee sida xoogga leh loogu tartamay, inkastoo xitaa Modi uu tagay isagoo ololeynaya.

Sanadkii lasoo dhaafay waxay hormuud ka ahayd hadalladii muranka dhaliyay ee ku xeernaa geeridii atoorihii Bollywood-ka ee lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput, oo boolisku ay sheegeen inuu isdilay.

Laakiin Kangana waxay sheegtay in dhimashadiisa ay ka dambeyso shirkadda Bollywood-ka, waxayna bartilmaameed ka dhigatay atariishadii saaxiibaddiisa ahayd, Rhea Chakraborty.