You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sawirro: Wehelkii iyo Wadajirkii Bill iyo Melinda Gates
Bill iyo Melinda Gates ayaa ku dhowaaqay in ay soo afjarayaan guurkoodii 27-da sano, sababtoo ah waxa ay sheegeen in uusan jirin wax horumar ah oo u dhiman oo ay hadda kadib nolosha si wadajir ah uga samayn karaan.
Lammaanahan ayaa sanadkii 2000 asaasay hay'adda samofalka ee Bill iyo Melinda Gates Foundation ee la dagaalanka saboolnimada, cudurada iyo sinnaan la'aanta adduunka.
Mudane Gates ayaa lacagta ka sameeyay barnaamijyada ay kumbuyuutaraadka ku shaqeeyaan ee ay soo saarto shirkaddiisa Microsoft , isaga oo shaqadiisa maalinlaha ee shirkadda ka fariistay sanadkii 2008-dii.
Waxa ay qoyskani kulmeen sanadihii sideetanaadkii, xiligaas oo Melinda ay ka hawlgali jirtay shirkadda Microsoft.
Mudane Gates ayaa ah ninka afraaf ee ugu hodansan adduunka, wuxuuna haystaa lacag dhan $124 bilyan oo doolar.