Sawirro: Madxafka dagaalka Azerbaijan ee khilaafka dhaliyay

A mannequin of an Armenian soldier in a captured tank

Xigashada Sawirka, Getty Images

Azerbaijan waxay furtay madxaf meel bannaan ah ku yaalla oo lagu xusayo dagaalkii lixda isbuuc ee ay ku qabsatay gobolka Nagorno-Karabakh, sannadkii hore.

Waa jardiin lagu sameeyay waxyaabo la xiriira dagaalkaas oo laga furay caasimadda, Baku. Waxaa la dhigay hubka iyo gawaarida dagaalka ee laga soo qabsaday ciidamada Armenia.

Arrintan waxay ka careysiisay dalka Armenia, oo Azerbaijan ku eedeysay "dulqaad la'aan iyo abuuridda naceyb bulsho".

Dagaalkii sannadkii hore waxaa ku dhimatay in ka badan 5,000 oo qof, kumannaan kalena way ku barakeceen. Bishii November, waxay labada dhinac waxa saxiixdeen heshiis nabadeed lagu soo afjaray colaadda.

Nagorno-Karabakh waxaa loo aqoonsan yahay in ay ka tirsan tahay Azerbaijan, balse inta badan dadka ku nool waa Armeniyiin.

Sannadkii 1990-maadkii, Armenia waxay qabsatay gobolkaas. Balse dagaal cusub ayaa ka dhex qarxay bishii September, Azerbaijan ayaana dib u qabsatay inta badan dhulkaas. Hadda ciidamada nabad ilaalinta Ruushka ayaa la kala dhex dhigay labada dal.

An Armenian tank on view at the Spoils of War open-air museum, containing weapons and armored vehicles captured from the Armenian army

Xigashada Sawirka, Getty Images

Goobta laga dhigay madxafka waxaa lagu dhejiyay astaamo. Midda ku dheggan halka laga galo waxaa ku qoran "Karabakh inagaa leh!"

Gudahana beertan waxaa yaalla, taangiyada, hubka iyo dharka ciidamada Armenia. Sidoo kale, kartoonno dad loo ekeysiiyay oo loo xiray dharka askarta Armenia ayaa la dhigay goobo, qolal iyo hoolal ku yaalla meeshan.

A mannequin of a Armenian soldier at the Spoils Of War Park on April 13, 2021 in Baku, Azerbaijan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Helmets are displayed at the Spoils of War open air museum in Baku, Azerbaijan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xaruntan waxaa si rasmi ah u furay madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, horraantii bishan.

President Ilham Aliyev is seen during the opening ceremony of Spoils of War Museum

Xigashada Sawirka, Azerbaijani Presidency/ Handout

Armenia waxay sheegtay in ujeedada arrintan ay tahay "in si aan qarsoodi ahayn loo sharaf dilayo" askartii ku dhimatay ama lagu qabtay dagaalka.

Dowladda Azerbaijan ayaa beenisay arrintaas. Waxay tilmaamtay in ay xaq u leedahay in ay soo nooleyso guusheedii dagaalka ay ka gaartay.

Sawirrada oo dhan waxay leeyihiin xuquuq lahaansho.

line