Armenia iyo Azerbaijan: Sheekada dagaalka ay jiilasha kala dhaxleen

.

Hooyooyinka Armenia ayaa waxa ay ka hadleen walaaca ay ka qabaan carruurtooda ku sugan jiidda hore ee dagaalka ka soconaya Nagorno Karabakh, halkaas oo la sheegay in khasaare lixaad leh uu labada dhinacba ka soo gaaray.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa haatan waxa ay dagaalamayeen muddo bil ka badan labadaasi dalba waxaa la sheegayaa inuu khasaare wayn soo gaaray.

Colaadda u dhaxeysa labada dal ayaa waxa ay soo bilaabatay in ka badan 30 sanadood ka hor waxaana udub dhexaad u aheyd gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Qoyska Erdogan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qoyska Erdogan

Dowladda Turkiga ayaa wacad ku martay in dowladda Azerbaijan ay ka caawin doonto dagaalka ay kula jirto Armenia.

Waxa ay sheegtay in haddii Azerbaijan ay ka codsato kaalmo milateri ay sida ugu dhakhsiyaha badan ugu diri doonto, iyadoon taasna cidina ugu aaba-yeelayn.

Turkiga ayaa lagu eedeeyay inuu ciidamo u diray waddanka Azerbaijan si ay uga dhinac dagaallamaan kuwa dalkaasi, arrintaas oo si xooggan uu gaashaanka ugu dhufutay dowladda Turkiga.

Hooyooyinka labadaasi dal ayaa waxaa ka dhintay xaasaskoodii, walaalahood iyo wiilashoodii, haatanna jiilka cusub ee labadaasi dal ayaa waxa ay u jihaysteen dhinacaas iyo jiidda hore ee dagaalka.

Burburka uu dagaalku ka tagay
Qoraalka sawirka, Burburka uu dagaalku ka tagay
.
Qoraalka sawirka, Hooyo dhaawac ah oo dhibka haysta la murugaysan

Hooyooyinka ku sugan goobaha ka ag meesha uu dagaalka ka socdo ayaa waxa ay maciin bidaan goobo dhulka hoostiisa laga qoday, iyadoo haweenkaasi qaarkood ay halkaas maciin bideen markii saddexaad muddo 30 sanadood gudahood ah.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa ku dagaalamaya gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno Karabakh.

Dagaalka halkaas labadaas dal ku dhexmaray intii u dhaxaysay 1988 illaa 1994 waxa uu galaaftay nolosha in ka badan 30 kun oo qof oo labada dhinac ah, halka hal milyan oo qof oo Armenia iyo Azerbaijan u dhashayna ay ku barakaceen.

.

Boqollaal qof ayaa lagu dilay dagaal afar maalmood socday oo labadaas dhexmaray bishii Abriil ee 2016,

Haatanna waxaa dagaalka ka qeybqaadanaya jiil cusub oo labadaasi dal ka soo kala jeeda oo u jihaystay dagaal cusub.

Dagaalkan mudada dheer soo taagnaa ayey dadka deegaanku ka walwalsan yihiin inuusan mar dhaw dhammaanayn.

Hooyooyin reer Armenia ah
Qoraalka sawirka, Hooyooyin reer Armenia ah oo raggoodii, walaalahood iyo wiilashoodii ku waayay dagaalka

Haween reer Armenia ah ayaa ku calaacalay in rag badan ay dagaallada kaga maqanyihiin, oo qaarkood ayaa sheegaya in raggii qabay, walaalahood iyo carruurtoodaba ay halkaas ku dhinteen waqtiyo kala duwan, qaarkood ayey sheegeen inay ka tageen carruur aad u yaryar.

Armeniyiinta iyo dadka Azerbaijan ayaa waxa ay muddo tobannaan sanadood ah la soo noolaayeen dagaal socday muddo 30 sanadood ah. Colaaddaasna waxa ay saamaysay nolosha qoyskasta ee labadaas dal ku nool.

Dhufaysyada jiidda hore ee dagaalka
Qoraalka sawirka, Dhufaysyada jiidda hore ee dagaalka

Marka aad eegtid jiidda hore ee dagaalka waxaa kuu soo baxaysa in Armeeniyiinta iyo dadka Azerbaijan ay gondaha kula jiraan dagaal culus oo aan waxba la isu reebanayn.

Labada dhinac ayaa tan iyo markii uu dagaalkan soo cusboonaaday waxa ay isu adeegsadeen madaafiic culculus, iyadoo illaa hadda aanan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee uu dagaalkan ugu dambeeyay gaystay.

Armenia ayaa dhinaceeda waxa ay qirtay in laga dilay 1100 qof, Azerbaijan ayaa sheegtay in dad rayid ah laga dilay hasayeeshee ma aanay shaacin tirada dadka dagaallada uga dhintay.