You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Joog kabo ah oo la kala siistay $1.8 milyan
Joog kabo ah oo uu xidhnaa, islamarkaasna uu naqshadeeyay heesaaga Maraykanka Kanye West ayaa lagu iibiyay lacag dhan $1.8 milyan oo doolar kadib markii la keenay goob xaraash ah.
Kabahan oo magacoodu yahay Nike Air Yeezy, oo waliba ah nooc tijaabo ahaan loo sameeyay ayaa ka qiimo batay kabo kale oo horey loogu iibiyay $515,000 sanadkii hore.
"Iibka kabahan ayaa ka dhigan in ay noqonayaan kabahii ugu horeeyay oo qiimahooda uu kor u dhaafo hal milyan oo doolar" ayaa laga soo xigtay Rugta Xaraashka ee Sotheby's.
Heesaaga ayaa kabahan u xidhay bandhiggii abaalmarinada ee Grammys sanadkii 2008-dii, cabbirkoodana waa 12 marka laga hadlayo halbeegga Maraykanka ee cabbirka kabaha (oo dabkan ka duwan adduunka intiisa kale).
Waxaa kabaha iibsatay shirkad lagu magacaabo RARES oo dhanka Internetka qaabilsan, taas oo la sheegay in ay maalgaliso kabaha noocoodu dhifka iyo naadirka yahay.
Sida kabahani bildheer uga dhigeen Kanye West
Kanye West ayaa naqshadaynta kabahani bilaabay sanadkii 2007-dii, isaga oo qandaraas la galay shirkadda Nike, balse 2013-kii ayuu burburay heshiiskii kadib marii uu heesaaga sheegay in qoondada kusoo aadaysa ay aad u yartahay.
Waxa uu kadib heshiis la galay shirkadda kale ee Addidas, waxaana laga macaashay lacag dhan $1.7 bilyan oo doolar sida ay faafisay majaladda Forbes sanadkii hore.