Maxaa keenay in muddo lagu kordhiyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada Itoobiya?

Guddiga doorashooyinka ee madaxa bannaan ee dalka Itoobiya ayaa sheegay 18 malyan oo qof iney iisu diiwaangeliyeen codbixinta doorashada bisha June 2021 dalkaasi ka dhaceyso, balse muddada ay diiwaangelinta soconeyso la kordhiyey.

Guddiga bayaan uu xalay soo saaray ayuu ku sheegay muddada ay diiwaangelinta codbixiyeyaasha soconeyso 2-3 toddobaad in lagu kordhiyey.

Guddiga wuxuu horay u qorsheeyey codbixiyeyaal gaaraya 50 malyan iney codbixinta iisu diiwaangalinayaan, iyada oo dalkaasi ay ka jiraan 41,659 goobood oo loo diyaariyey codbixiyeyaasha in lagu diiwaangeliyo.

Wuxuuna guddigu sheegay ilaa iyo Khamiisti iney ay isdiiwaangeliyeen 18 malyan 427 kun iyo 239, balse goobaha diiwaangelinta ay weli wadaan diiwaangelinta codbixiyeeyaasha.

Diiwaangelinta oo soo billaabatay March 25/2021 oo muddo bil ah socotay sida uu ahaa jadwalka diiwaangelinta uu guddigu horay u soo saaray waxay ahayd in la soo gabagabeeyo April 23/2021.

Hase yeeshee maadaamaa ay gooba badan ay howlaha diiwaangelinta hakad galeen ama ay la kulmeen arrimo saameeyey guddiga wuxuu go'aamiyey in diiwaan gelinta codbixiyeyaasha bisha ku koobneed lagu kordhiyo ilaa seddex toddobaad.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Birtukan Mideqsa toddobaadki hore waxay sheegtay 50 kun oo goobood oo goobaha codbixinta oo deegaannada dalka Itoobiya u ka kooban yahay ku kala yaalla oo la filayey iney diiwaangelinta billaabaan kala badh oo keli ah ay shaqeynayeen .

Sida oo kalana deegaannada Soomaalida iyo Canfarta oo ka mid ah deegaannada ay diiwaangelinta codbixiyeyaasha xilli dambe ka billaabatay, deegaannadaasi iney codbixiyeyaasha diiwaangeliyaan waxaa lagu kordhiyey seddex toddobaad taasoo ka dhigan iney diiwaangelinta soconeyso ilaa iyo May 14/2021.

Goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaannada kale ku yaalla ee ay diiwaangelinta kadib dhacdayna diiwaan gelinta waxaa lagu kordhiyey laba toddobaad.

Doorashada Itoobiya 2021

Doorashada lagu wado dabayaaqada bisha June ee sanadkan iney dalka Itoobiya ka dhacdo waxaa ku loollamaya 47 xisbi, oo isugu jira kuwa u tartama heer qaran iyo kuwa heer deegaan.

Seddexda xisbi ee musharrixiiinta ugu badan diiwaan geliyey ayaa kala ah EPP (xisbiga talada dalkaasi haya), EZEMA iyo INNAT, waxayna soo sharraxdeen musharraxiin kor u dhaafaya 8,200.

Wuxuuna guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya uu sheegay inuu dadaal xooggan uu ugu jiro goobaha sababa amniga la xiriira ay diiwaangelinta codbixiyeyaasha uga billaabmin diiwaangelinta looga billaabi lahaa.

Doorashada Itoobiya ka dhaceyso sanadkan 2021-ka ayaa ka dhici doonto dhammaan deegaannada uu dalkaasi ka kooban yahay iyo labada maamul magaalo ee Addis Ababa iyo Diridhaba, balse doorashada ayaan ka dhaceyn deegaanka Tigraay uu ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda dhexe iyo kuwa daacadda u ah Jabhadda TPLF.