Maxaad ka ogtahay Soomaalida saacadaha ugu badan soonta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Iceland oo ka mid ah dalalka Yurub ayaa waxaa ku nool tira ad u yar oo Soomaali ah. Dalkan waxaa uu ka mid yahay dalalka saacadaha aadka u dheer ay dadka Muslimiinta soomaan oo ku dhawaad 20 saacadood ayay dadku soomaaan.
Inta badan dalalka Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay waxaa la soomaa 12-13 saacadood oo kali ah.
Maxamed Axmed Norway oo ka mid ah Soomaalida degan dalka Iceland oo ay BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in Soomaalida ku nool Iceland ay qiyaas ahaan gaarayaan ilaa 80 qof. Wuxuu sheegay in Soomaalida ay bilaabeen in Iceland ay tagaan 2009-kii wixii ka dambeeyay.
Farqiga u dhaxeeya Soonka Soomaaliya iyo kan Jasiiradda Iceland
Maxamed ayaa sheegay in farqiga ugu weyn uu yahay in Soomaaliya ay tahay dal Islaam oo aad markasta maqlaysid aadanka misaajidada iyo salaadaha, halka Iceland-na ay gabi ahaanba ka duwan tahay Soomaaliya oo waa dal Masiixi.
"Saacadaha la soomayo jasiiradda Iceland aad ay uga badan yihiin marka loo barbar dhigo saacdaha laga soomo Soomaaliya amaba Geeska Afrika," ayuu yiri Maxamed Axmed.
"Soomaaliya waxaa laga soomaa 12 saacadood,halkaan waxaa laga soomayaa 19 sacaadood iyo 55 daqiiqo, xagga cimiladana waa dhul aad u qaboow oo xitaa waxaa qofka ku adkaanaya ciibadadii."
Maxamed oo la weydiiyay in Soomaalida Jasiiradda ku nool ay is wada yaqaanaan iyo inkale ayaa sheegay in inkastoo ay yaryihiin Soomaalida ay hadan kala joogaan maagaalooyin kala duwan laakin waxuu sheegay inay iska warqabaan intooda badan.
Maxay Soomaalida ku doorteen Jasiiradda Iceland?
Wuxuu Maxamed ku jawaabay inaysan jirin wax gaar ah oo ay ku doorteen oo halkaasi nasiibka uun geeyay Soomaalida.
"Cidna ma dooran ee Alle ayaa inoo dooray in aan halkaan ku noolaano, qofkasta markii uu dalka ka soo tagay ka dib halkii uu nasiibka geeyay unbuu tagay." ayuu Norway
Wuxuu sheegay in dhanka Sharciga ay kala siman yihiin Yurubta kale, Soomaalida joogtana ay isugu jiraan kuwa sharci haysta iyo kuwa aanan haysanba.
Maxay ahaayeen waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee uu Maxamed arkay intii uu joogay Iceland?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu Maxamed sheegay in waxa ka yaabiyay uu ka mid yahay kala duwaanshaha dhaqanka oo ku sheegay dhibaato weyn.
Dhanka kale wuxuu sheegay in sidoo kale ay la yaab ku noqotay isbadalka cimilada oo 5-tii daqiiqaba mar is badalaysa.
"Iyadoo imika qaboow ahayd ayay kuleyl isku badaleysaa, hadana iyadoo kuleyl ah ayay dabay isku badleysaa, hadana baraf baa soo da'aya oo aan ku tashad lahayn."










