Afghanistan: Maraykanka oo ciidammadiisa la baxaya

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa la filaya in uu ku dhawaaqo xilliga Ciidamadda Maraykanka ay kasoo baxayaan dalka Afghanistaan. Saraakiisha Maraykanka ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay in 11-ka bisha Sagaalad ee sanadkan lasoo saari doono ciidanka.
Maraykanka ayaa dib uga dhici doono xilligii ay la qorsheeyay ee bisha May ee sanadkan oo kooxda Taliban iyo xukumadii Madaxweynihi hore ee Maraykanka Donald Trump, ay ku heshiyeen sanadkii hore .
Waqtiga cusub ee la qabtay wuxuu ku beegan yahay sanad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay weeraradii argagixiso ee lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka iyo Pentagon-ka Mareykanka sanadkii 2001-dii.
Mr Biden ayaa horey u sheegay in wqtiga la cayimay ee Koowda bisha May ay aad u adkaan doonto.
Sarakiisha Maraykanka iyo Gaashaanbuurta Nato ayaa sheegay in Taliban, oo ah Urur xagjir ah, uu ilaa haatan ku guuldareystay in colaada yareeyo.
Taliban ayaase waxaa looga dhigay hadii ay weeraradan Ciidamada xilliga ay dalka ka baxayaan in ''ay la kulmi doonan jawaab culus'' waxaa sidaasi wariyasha u sheegay sarkal sare.

Xigashada Sawirka, AFP
Waxaa uu Sarkalka intaasi ku daray in Mr Biden uu go'aansaday in ka bixitaanka ciidamada ee Afghanistan inaysan npoqon mid degdeg ah si aan halis loo gelinin ciidanka.
Isla mar ahaantaana, waxaa dib u eegis lagu sameeyay danaha Mareykanka waxaana la go'aamiyay in hadda la joogo waqtigii la xiri lahaa colaadda 20-sano ee Afqanistaan si diirada loo saaro arrimaha kale ee aadka u daran.
La bixidda ciidammadan ayaa xaalad muhiim u ah heshiiskan taariikhiga ah ee ay wada galeen US iyo Taliban 29-kii bishii February.
Xukuumadda Afghanistan ayaan qayb ka ahayn heshiiskan, laakiin waxaa la rajeynayaa inay wadahadal la yeelan doonto Taliban.
Madaxweynaha Afghnaistan, Ashraf Ghani, ayaa hore u sheegay inuusan u hogaansami doonin heshiis lagu siidaayo maxaabiista Taliban taas oo shuruud u ah wadahadallada tooska ah ee lala galayo kooxdaan.
Laakiin warar ayaa sheegaya in madaxweynahan dib loo caleemo saaray mar labaad maalintii isniintii, uu soo saari doono amar ku saabsan ugu yaraan 1,000 maxbuus ooTalibaan ah in la siidaayo toddobaadkan.
Heshiiska nabadda ayaa u muuqday mid jilicsan usbuucii la soo dhaafay ka dib markii Mareykanku uu bilaabay duqeyn dhanka cirka ah isagoo ka jawaabaya dagaalyahannada Taliban ee weeraraya ciidammada Afghanistan ee gobolka Helmand.
Mareykanka iyo xulafadiisa Nato waxay ku heshiiyeen inay la baxaan dhammaan ciidammadooda muddo 14 bilood gudahood ah haddii Taliban oggolaadaan heshiiska.
Sida ku xusan heshiiskaas, dagaalyahannada Taliban ayaa lagula heshiiyey inay ka fogaadaan weerarrada ay qaadaan sidoo kale aysan u oggolaan al-Qaacida ama kooxaha kale ee xag-jirka ah inay ka shaqeeyaan aagagga ay ka taliyaan.
Mareykanka ayaa weerarey Afghanistan usbuucyo ka dib markii Al-Qaacida weerartay New York bishii september 2001, markaas kaddib waxa uu salka dhigtay Afghanistan. wuxuuna xukunka ka tuuray dowladdii Taliban, isagoo sababta ku sheegay in dagaalyahannadu ay gabbaad siiyeen shabakadda al-Qaeda si ay u abaabulaan weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September, laakiin waxay noqdeen xoogag muquunis ah oo ilaa iyo 2018 ka jirey in ka badan saddex-meeloodow laba meel waddanka.
In ka badan 2,400 oo ciidammada Mareykanka ah ayaa la diley tan intii uu socday khilaafkaasi.










