You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sawirro la qaaday marki la iclaamiyey geerida Amiir Philip
Qasriga Buckingham waxaa jimcihi laga iclaamiyey Amiir Philip oo ah seyga boqorad Elizabeth II inuu ku geeriyooday Windsor Castle.
Amiir Philip oo ah shaqsiga waqtiga ugu dheer u soo adeegay UK ayaa geeriyooday isaga oo ay da'diisu ahayd 99 jir.
Windsor Castle wuxuu ku soo laabtay 16-kii March kaddib marki uu muddo bil ah isbitaal ku jiray.
Haddaba waa kuwan qaar ka mid ah sawirrada la qaaday xilliga la iclaamiyey geeridiisa.
Bayaan qasriga Buckingham ka soo baxay waxyar un kaddib xilliga duhurka waxaa lagu yiri: "Boqornimadiisa sarreysa subaxnimadi maanta wuxuu ku geeriyooday Windsor Castle"
Shaacinta geerida Amiirka kaddibna ogeysiiskan hoos ka muuqda ayaa lagu dhajiyey dhammaan albaabbada laga soo galo qasriga Buckingham.
Calanki surnaa qasriga Buckingham kala bar ayaa hoos loo dhigay.
Shacb ubaxyo ay la socdaan farriimo tacsi ah dhigaya qasriga Buckingham hortiisa.
Dowladda waxay shacabka dalka UK ugu baaqday iney isugu imaanin qasriga boqortooyada ay deggan yihiin hortiisa si looga gaashaanto faafitaanka cudurka safmarka.
Qoyska boqortooyada waxay shacabka ka codsadeen iney shacabku deeq u bedelaan halki ay ubaxyo ay dhigi lahaayeen si ay Amiirka ugu xusaan.
Bogga ay leeyihiin qoyska boqortooyada waxaa lagu diyaariyey hab dadka u sahlayo iney farriimahooda tacsida ay ku soo diraan.
Westminster Abbey 60 ilbiriqsi 99 ku garaacday jalas taasoo looga talagalay xushmeynta Amiir Philip ee geeriyooday saacaddu markay ahayd 9-kii fiidnimo xilliga UK.
Sida oo kale shacabku waxay ubaxyo dhigeen dhismaha Windsor Castle, oo ah halka uu Duke toddobaadyadi u dambeeyey joogay inta aan isbitaalka laga soo saarin.
Waxaa hoos loo dhigay calanki surnaa qasriga Edinburgh ku yaalla ee Holyroodhouse, iyada oo ay shacabkuna billaabeen iney ubaxyo halkaasi dhigaan.
Albaabbada qasrigana waxaa la suray ogeysiis lagu shaacinayo geerida Amiir Philip.
Dad aamusnaan ugu baroordiiqay Amiirka geeriyooday oo ku sugan Liverpool.
Ciyaartooyda iyo shaqaalaha goob lagu ciyaaro Rikeetka oo ku sugan magaalada London ayaa laba daqiiqo u aamusay si ay u maamusaan Amiir Philip.
Magaalada London dhala weyn oo bartamaha magaalada suran ayaa laga soo saaray sawir weyn oo lagu maamusayo Amiir Philip.
Qasriga boqortooyadana wuxuu sheegay in shaacin dheeri ah la sameeynayo.