Dagaalkii Labaad ee Adduunka: Maxay ahaayeen ciidankii 'aan la garaneynin' ee u dagaallamayay Hitler?

Marka lasoo hadal qaado farashaxamiisteyaashii ka qeyb galay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaa durba maskaxdeenna kusoo dhaca kuwii ka shaqeynayay buunbuuninta iyo faafinta sawirrada been abuurka ah.

Laakiin ka warran haddii lagu dhaho farshaxamiisteyaashu waxay ahaayeen halyeeyada dagaalka ee aan la ogeyn, waxayna kaalin muhiim ah ku lahaayeen in lasoo afjaro dirirta dadka badan ku dhinteen.

Dagaalladii dhacay qarnigii 20-aad, dadka xirfadaha kala duwan leh, oo isugu jiray haween, rag, ciidan iyo shacab intaba si unbay uga qeyb qaateen dagaalkaas.

Hase yeeshee ilaa hadda xog dhammeystiran lagama hayo doorkii ay farshaxamiisteyaasha ku lahaayeen Dagaalkii Koowaad iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Aad bay xiiso u leedahay in la ogaado sheekada ku saabsan labo ciidan oo ka qeyb galay Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo sida ay cashir uga soo barteen farshaxamiisteyaashii kasoo howl galay Dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Waxay la imaadeen xeelad cusub oo lagu wajaho dagaalka, kaalin aad u baaxad weyn ayayna ku lahaayeen.

Ciidamadan waxay markii ugu horreysay goobta dagaalka u arkayeen 'masrax weyn' waxayna u adeegsadeen hal abuurkooda.

Xilligii ay nabadda jirtay, dhammaan farshaxmiisteyaasha waxay sawiri jireen wixii ay indhahooda arkaan ama ay maskaxdooda kasoo hindisaan.

Waxay dadka daawadeyaasha ah u bidhaamin jireen arrimo ka qarsan iyagoo adeegsanaya hal abuurkooda hibada ah.

Ujeeddada laga lahaa farshaxan kasta ma ahayn in dadka lagu jah wareeriyo, inkastoo tix raacooda laga helo taariikhda farshaxanka Galbeedka.

1960-meeyadii, Farshaxamiistaha u dhashay Giriigga ee lagu magacaabi jiray Zuccis ayaa sameeyay sawir qurux badan oo muujinaya miraha canabka oo ay shimbir u timid si ay ugu cunto sida canabka runta ah oo kale.

Sidoo kale way jireen ujeeddooyin aan la shaacinin oo farshaxanka loo sameyn jiray.

Muddo sannado ah, intii uu dagaalka socday, ficillada farshaxamiisteyaasha looma arki jirin sida kuwa askarta iyo duuliyeyaasha. Laakiin markii lagu guda jiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, militarigu waxay gariwsadeen in shaqada hal abuureyaasha lagu xoojin karo dagaalka. Gaar ahaan marka indhaha caalamka la khiyaanayo.

Waqtigaas waxay farshaxamiisteyaasha wax sawira u adeegi jireen ciidamada iyagoo usoo aruurinaya xogta cadowga una soo sawiraya meela ay joogaan. Iyagoo diyaarado saaran ayey gacantooda ku sawiri jireen khariidadaha muujinaya saldhigyada iyo goobaha ay ku yaallaan. Cadowguna ma uusan fahmi jirin shaqadooda dhabta ah maadaama ay ku labisnaayeen dhar ka duwan midka ciidamada.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee farshaxanka loo adeegsado sida hubka oo kale.

Xilligii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, xoogaggii xulafada la ahaa hoggaamiyihii Jarmalka ee la oran jiray Adolf Hitler waxay si weyn u adeegsan jireen farsamada farshaxamiisteyaasha.

Marka laga soo tago aruurinta xogta, waxay farshaxamiisteyaasha dhalan rogi jireen muuqaalka ciidamada iyo qalabkoodaba. Tusaale ahaan waxay maraakiibta militariga marin jireen rinji midabbo kala duwan leh oo aan loo maleyneynin inuu yahay markab ciidan.

1942-kii, Ciidamadii Isbahaysiga ee uu hor kacayay Mareykanka waxay Waqooyiga Afrika kula dagaallamayeen ciidan ka koobkaa Jarmal, Talyaani iyo Japan. Ciidamada halkaas joogay waxay tageen iyagoo aan loo garaneynin wajigooda dhabta ah.

Inkastoo ay ciidan ahaan ugu dagaallamayeen farsamadooda, haddana waxay ahaayeen qeyb ka duwan askarta hubka caadiga ah adeegsaneysay.

Markii dambena labada dhinac ee uu dagaalka u dhaxeeyay waxay ka faa'iideysanayeen shaqada farshaxanka ee ay ku lifaaqayeen dagaalkooda.