Macallin ardaydiisa tusay kartoon laga sameeyay Nebi Maxamed NNKH oo shaqada laga joojiyay

Macallin ardayda tusay kartoon aan habboonayn oo laga Nebi Muxamed NNKH- oo dhaliyay dibadbaxyo ka dhacay banaanka iskuulka ayaa shaqada laga joojiyay.
Sawirka ayaa loo adeegsaday cashar ka socday iskuulka Batley Grammar oo ku yaalla gobolka West Yorkshire Isniintii.
Muuqaallo maalintii Khamiista, la soo geliyay internetka ayaa muujinaya tiro dad ah oo taagan banaanka iskuulka iyadoo qaarkood ay dalbanayeen in macallinka la ceyriyo.
Dowladda ayaa sheegtay in aan marnaba la aqbali karin in "la cabsi geliyo" macallimiinta.
Maamulaha iskuulka Gary Kibble ayaa raaligelin ka bixiyay isaga oo intaa ku daray in macallinka ay raalli gelinayaan isla markaana shaqada laga joojiyay inta ay socoto baaritaanka.
"Waxaan isla markiiba meesha ka saarnay barista maadadan, waxaana dib u eegaynaa sida aan horay ugu socon laahyn anagoo taageero ka helayna dhammaan jaaliyadaha ku matala dugsigeena," ayuu yiri.
"Waa muhiim inay carruurtu wax ka bartaan caqiidooyinka iyo waxay aaminsan yihiin, laakiin waa in lagu sameeyaa hab ka turjumeysa dareenka ay dadku ka qabi karaan mowduucyada qaar."
Afhayeen u hadlay Waaxda Waxbarashada ayaa yiri: "Marnaba lama aqbali karo in la handado ama la cabsi geliyo macallimiinta."
Waxay sheegeen inay dhiirigalinayaan wadahadalada udhaxeeya iskuulada iyo waalidiinta markay arimuhu soo baxaan, iyagoo intaas ku daray: "Si kastaba ha noqotee, nooca mudaharaadka ee aan aragnay, oo ay ku jiraan bixinta hanjabaadaha iyo ku xad gudubka tallaabooyinka lagu xakameynaya coronavirus, gabi ahaanba lama aqbali karo waana in la soo afjaro.

Aayado ka mid ah Quraanka ayaa sheegaya in Allaah SW ama Muxammad NNKH midkoodna aan lagu matali karin sawir gacmeed iyadoo loo arko inay tahay aflagaaddo diini ah.
Mid ka mid ah dibadbaxayaasha dadka deegaanka oo magiciisa ku sheegay Abdullahi, ayaa sheegay in kartoonka ay dhibsadeen "dhammaan bulshada Muslimiinta ah".
Abdullah, oo BBC-da u sheegay in aanu waalid ahayn laakiin ay ehel ku leeyihiin iskuulka, ayaa sheegay in illaa 100 qof, oo ay ku jiraan arday, ay ka qaybgaleen bannaanbaxa.
"Waqtigan waa xilli aanan aamusi karin, waxaan u baahanahay inaan u istaagno oo aan u sheegno, maamulaha iyo guddiga iskuulka, in tani aysan aheyn wax fudud. Waxaa jira khad aadan ka gudbi karin", ayuu yidhi.
Mid ka mid ah waalidiintii ku suganaa banaanka iskuulka ayaa u sheegtay BBC Radio Leeds inay ka xumaatay in sawir gacmeedka la soo tuso ardeyda, laakiin kuma aysan raacsaneyn banaanbaxa, iyadoo sheegtay inay tahay "cabsi galin".
Hooyo kale ayaa sheegtay in adeegsiga walxahaasi ay ahayd "mid ka baxsan nidaamka oo aan la aqbali karin" waxayna sheegtay suurtagalnimada ah in ilmaheeda ay ka saarto iskuulka.

Dr Abdul Shaikh, oo ah aqoonyahan ka tirsan bulshada Muslimiinta oo ku sugan Batley ayaa wakaaladda wararka PA u sheegay: "Waxaan uga naxay si la mid ah sida muslimiinta kale."
Afhayeen u hadlay booliska West Yorkshire ayaa sheegay in wadada u dhow iskuulka ay xirneyd mudo kooban intii uu socday mudaharaadka.
Iskuulka Batley Grammar waxaa dhiganaysay 689 arday, kuwaas oo ku dhowaad saddex meelood meel ay ka soo jeedaan qowmiyadaha laga tirada badan yahay.












