Samuel Paty: Gabar qiratay inay ka been sheegtay arrintii lagu dilay macallinkii Faransiiska

Gabar ardayad ah oo u dhalatay Faransiiska ayaa qiratay inay been ka faafisay arrintii la xiriirtay macallinka ka hor inta aan la dilin sanadkii hore.

Samuel Party ayaa la gowracay bishii October kaddib markii uu ardayda fasalkiisa tusay sawir gacmeedyo lagu tilmaamay Nabi Muxammad NNKH.

Gabadhan, oo dadka u doodaya ay baraha bulshada ka sameeyeen olole ka dhan ahaa Mr Party, ayaa hadda qiratay in aysan fasalkaas ku jirin.

Dilkii Mr Party ayaa argagax galiyay Faransiiska waxaana loo sameeyay dibadbaxyo iyo munaasabado lagu xusayo.

Ardayadda 13 jirka ah, oo aan magaceeda si rasmi ah loo shaacinin ayaa markii hore aabbeheed u sheegtay in Party uu ka codsaday ardayda Muslimiinta in ay isaga baxaan Fasalka xilli uu soo bandhigay Sawir gacmeedyada uuna isku diyaarinayay in uu bixiyo cashir ku saabsan xorriyadda hadalka iyo ku xad gudubka diinta.

Sida lagu ogaaday caddeymo ay gabadha bixisay oo ay arkeen warbaahinta Faransiiska, waxay iyadoo sharraxeysa tidhi: "Ma aanan arkin sawir gacmeedyada, gabar fasalkeyga ku jirtay ayaa i tustay."

"Been ayey sheegtay sababtoo ah waxay dareentay inay dabin ku dhacday maadaama ardayda fasalkeeda ay ka codsadeen in ay afhayeen u noqoto<" ayuu yidhi qareenkeeda, oo lagu magacaabo Mbeko Tabula, mar uu la hadlayay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Aabaha dhalay gabdhaas ayaa dacwad maxkamadeed ka gudbiyay macallinka, wuxuuna olole ka billaabay baraha bulshada, isagoo isticmaalaya gabadhiisa cinwaankeeda.

Wuxuu fashilay magaca macallinka iyo meesha uu ku yaallo iskuulka Conflans-Sainte-Honorine, ee galbeedka Paris.

Dacwad oogeyaasha Faransiiska ayaa sheegay in uu jiro xiriir toos ah oo ka dhaxeeya ololaha kicinta ah ee baraha bulshada looga soo horjeeday Party iyo dilkiisa.

Ninka macallinka gowracay, oo ahaa 18 jir lagu magacaabi jiray Abdullakh Anzorov, ayaa ku dhintay toogasho ay booliska ku fuliyeen wax yar kaddib weerarka.

Waxaa markaas kaddib la ogaaday in dhacdada ay daba socotay olole ka dhan ahaa macallinta dhigi jiray taariikhda iyo Juqraafiga, kaasoo loo adeegsaday sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan wax fasalkiisa ka dhacay maalmo ka hor.

Maadaama uu macallinkan cashirro hore oo noocaas ah u bixiyay sanadkii hore, wuxuu ardayda ku wargaliyay in qofkii dhib u arka sawir gacmeedyada uu indhaha daboosho.

Laakiin gabadha ayaa markii hore sheegtay in macallinka uu amray ardayda Muslimiinta ah in ay u baxaan fasalka bannaankiisa. Markii ay iyadu diiddayna laga eryay iskuulka. Haddase waxaa la ogaaday in gabadhan iskuulka laga eryay maalintii ka horreeyay marka sawir gacmeedka fasalka la keenay, sida uu shaaciyay wargeyska Le Parisien. Sababta loo eryayna waxay ahayd inay marar badan iskuulka goysay.

Macluumaadka lasoo dusiyay ee ay gabadhan markhaatiga ku furtay ayay ku sheegtay in ay sheekadaas u sameysatay si aysan aabbeheed u niyad jabinin. Isaguna labo muuqaal ayuu baraha bulshada galiyay, kuwaasoo uu uga hadlayay eedeymaha.

Yoska Pary oo Talaadadii maanta la hadlayay warbaahinta Faransiiska ayaa sheegay in qoyska gabadha yar ay ogaayeen in aysan fasalka joogin maalintii eedeymaha soo baxeen iyo waliba sababta loo eryayba.

"Marka in hadda la imaado oo la dhoho raalli noqda, waxaan aaminay beenta gabadheyda, taasi runtii waa daciifnimo," ayuu Le Roy ku yidhi Idaacadda RTL.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa goor dambe qoyska macalinkii la dilay maamuusay .

Ninkii dilka gaystay iyo Laba arday

Labo ardey ah oo ku sugan Faransiiska ayaa lacag la siiyay si ninkii weerarka geystay ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalin Samuel Paty, kaas oo markii dambe la gowracay kaddib markii ardeydiisa uu tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed NNKH, sida ay sheegayaan dacwad oogayaasha.

Dacwad oogayaasha waxay sheegeen in Abdullakh Anzorov uu labada ardey siiyay 355 doolar si ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalinka ka hor inta uusan weerarka qaadin.

Ninkii dilka geystay wuxuu ardeyda ka dhaadhiciyay "In uu doonayay in uu muuqaal ka duubo macalinka si uu raalli gelin uga bixiyo sawir gacmeedka laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH ee uu ardeyda tusay" sida uu sheegay dacwad oogaha qaabilsan dambiyada la xiriira argagixisada Jean-François Ricard.

Wuxuu intaas ku daray in labada ardey ee lagu tuhmayay in ninka ay tuseen macalin Paty isla markaana uu in ka badan laba saacadood kula qaatay xiligaas afaafka hore ee iskuulka ilaa inta uu kasoo baxayay macalinku.

Olole naceyb ah oo ka socday Online-ka

Dacwad oogaha wuxuu sheegay wakhtigaas inay jireen olole ku saleysan naceyb oo ka socday baraha bulshada kaas oo ka dhan ahaa Mr Paty.Waxaana ololahas lagu eedeeyay inuu garwadeen ka ahaa aabaha dhalay mid kamid ahaa ardeyda uu wax u dhigayay macalinku.

Aabaha dhalay ardayga lagu eedeeyay inuu online-ka ka bilaabay olole ka dhan ah Samuel Paty, macallinkii Faransiiska ahaa ee madaxa laga jaray, ayaa farriimo u diray ninka macallinkaas dilay ka hor inta uusan weerrarku dhicin.Waxaa dacwad lagu soo oogay isaga iyo nin sheekh ah oo ay warbaahinta Faransiiska ku tilmaameen Islaami xagjir ah, oo ku baaqay in Paty la ciqaabo, xilli uu soo saaray "fatwo".

Sawir gacmeedyada laga faafiyay Nabi Muxamed NNKH waxaa aad uga xumaaday Muslimiinta caalamka waxaana xiligaas dhacay dibaxyo lagu cambaareynayo arrintaas.