Saddex arrimood o uu Farmaajo ka hadlay iyo saddex kale oo uu ka gaabsaday

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii khudbad ka hor jeediyay xildhibaannada golaha shacabka, ka dib fashilkii ku yimid shirkii Dhuusamareeb ee uu la lahaa madaxda maamul goboleedyada.
Shirka natiijo la'aanta ku soo dhammaaday ee Dhuusamareeb ayaa u jedadiisu ahayd in laga heshiiya khilaaf hareeyay fulintii heshiiskii September ee ay dhinacayadu ku heshiiyeen in la qabto doorasho dadban ka hor inta uusan muddo xileedka madaxweynaha dhammaanin.
Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday inuu hadal u jeediyo labada aqal ee barlamaanka federaalka ayaanay taasi suurtagalin kadib markii uu gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi uu sheegay inaanu jirin codsi si sharci ah madaxweynuhu ku soo waydiistay aqalka sare si uu hadal ugu jeediyo, sidaas oo ay tahayna senataro ka biyo diiday hadalka gudoomiyahooda oo tagay golaha shacabka iyana gudoomiye Mursal ayaa u sheegay inay golaha ka baxaan maadaama cidda lala hadlayo ay tahay xildhibaannada golaha shacabka oo kaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisii kaga hadlay arrrimaha doorashada, Waxaan halkan ku soo koobeynaa saddexdii arrimood ee ugu muhimsanaa ee uu madaxweynahu maanta kaga hadaly iyo saddex kale oo uusan soo hadal qaadin.
Arrimaha uu ka hadlay madaxweynaha
Arimaha badan ayuu so hadal qaaday madaxweynaha oo ku tacaluqa khilaafka doorashada isagoo eedooyin dusha uga tuuray madaxda Jubaland iyo Puntland oo uu ku eedeyay inay is hortaageen fulinta heshiisyadii doorashada ay markii horaba saxiixeen. Labaduba waxay iyagana isla eedaasi oo kale u so jeediyay dowladda uu Farmaajo hoggaamiya. Halkan waxaan ku soo koobeynaa qodobadii ugu muhimsanaa khudbada madaxweynaha.
8 Feb 2021ayuu dhammaanayaa muddo xileedka madaxweynaha
27 Dec 2020ayuu dhacay muddo xileedka baarlamaanka Soomaaliya
17 Sept 2020waxaa dhacay heshiis siyaasadeed oo ku aadan qabashada doorasho dadban
05 Feb 2021Shirkii Dhuusamareeb ee looga hadlyay khilaafka heshiiskii hore oo burburay
1. Talada baarlamaanka ayaan ku soo celin doonaa
Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday fashilka shirkii Dhuusa-mareeb, ayaa tilmaamay iney jirto hal fursad oo kale, taasoo sida uu sheegay ay doorashada isaga imaan doonaan madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, hadii kulankan is af-garad laga gaari waayanna ay talada u soo celin doonaan baarlamaanka.
"Waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo inaan diyaar u nahay hirgelinta heshiiskii 17 september, waxaana idinka codsaneynaa inaad nagu garab gashaan sidii walaaleheen naga maqan u qancin leheyn iney qeyb ka ahaadaan hirgalinta heshiiska," ayuu yiri madaxweynaha.
2. Shisheeya ayaa gacmaha kula jira arrimaha doorashooyinka
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ku sheegay in ay jirto farogalin shisheeye oo dabada ka riixaysa in aan lagu guulaysan heshiiska doorashada. Wuxuuna ka gaabsaday inuu carrabka ku dhufto cidda fara galintaas ku haysa doorashada heshiiskeeda.

"Guud ahaan xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka xaqiiqatan waxaa ku jirta fargelin shisheeye. Aniga ma oranayo gobol hebel ayay ku badan tahay faragelinta. Laakiin xaqiiqatan faragelintaasi ayay wax noogu hagagi la' yihiin", ayuu yiri farmaajo
Farmaajo ayaa xildhibaanada u sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax bannaan, islamarkaana ay tahay inaan la dhageysan "waxey sheegayaan shisheeyaha," taasina ay tahay go'aan masiiri ah oo qof walba u taalla, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha ma uusan sheegin dalka ama dalalka uu ka hadlayay, balse dhowr jeer oo hore ayay dowladiisu ku eedeysay dalka Kenya inuu ku lug leeyahay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubaland. Kenya ayaa beenisay eedeyamhaasi, sheegtayna in khilaafka jubaland ay tahay arrin u dhexeysa Soomaalida.
3. Diyaar ayaan u nnahay fulinta heshiiska 17-kii September
Madaxweyne Dawladda Federaalka ayaa ku eedeeyay Siciid Cabdillaahi Dani iyo Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe) inay diideen hirgalinta heshiiskii 17 kii September ee sanadkii hore lagu gaaray Muqdisho ee looga heshiiyay doorashada Soomaaliya.
Khudbada madaxweyne Maxamad Cabdillaahi Farmaajo ayaa inteeda badan waxay daarnayd tanaasul uu sheegay inuu ka soo sameyanayay arimaha doorashooyinka tan iyo shirkii Baydhabo ee doorasho qof iyo cod ah lagu ansixiyay illaa laga soo gaaro shirkii xalay guuldarrada ku soo dhamaaday ee Dhuusamareeb.
Balse wuxuu sheegay in inay jirta "rajo aan xal ku gaari karno haddii aan mar kale ku soo laabanno"

Xigashada Sawirka, GALMUDUG STATE HOUSE
Wuxuu xildhibaanada golaha shacabka ka codsaday iney gacan ka geystaan qancinta labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland, wuxuuna rajo ka muujiyay in kulamo kale la isugu yimaado.
Arrimaha uusan ka hadlin madaxweynaha
Arrimo dhowr ah ayuusan madaxweynaha ku so hadal qaadin khudbadiisa ama uusan ka bixnin faahfaahin dheeraad ah. Waxaan halkan ku soo koobeynaa sadex ka mid a arrimahaasi.
1. Muddo xileedka dhammaaday maxaa laga yelei doonaa?
Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan "jiri doonin firaaq dastuuri ah" balse ma sharcin qaabka looga baaqsan doono firaaqigaasi maadama xil hayntiisa dastuurka ku eg tahay 8-da Febraayo oo Isniint ah.
Musharrixiinta mucaaradka ayaa horay u sheegay inaysan yeeli doonin muddo kordhin. Waxayna sheegen in loo baahan yahay in la yeesho kullan ballaaran oo dhinacyadu u dhan yihiin oo looga arrinsado xilliga kala guurka haddii uu fashilmo shirka Dhusamreeb muddo xileedka madaweynuhuna dhammaado

Xigashada Sawirka, SOCIAL
2. Fashilka Shirka Dhuusamareeb
Arrinta khilaafka doorashada ee muddada dheer soo jiitamayay ayaa lagu gorfeeynayay shirka Dhuusamareeb ee shalay fashilmay, waxaana ugu muhiimsanaa muddo xileedka dowladda, muranka gobolka Gedo ee u dhaxeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, arrinta xildhibaannada gobollada woqooyi iyo tan guddiga doorasha oo uu muran ka taagnaa.
Madaxweynaha faahfaahin kama bixnin waxa la isku mari waayay, balse wuxuu ku soo koobay in wasiirkiisa warfaafinta uu arrintaaasi faahfaahin ka bixiyay.
3. Kulan kale iyo mar kale
Inkastoo madaxweynaha uu sheegay inu jiri doono klan kale oo dhinacayda khilaafka ay isugu imaan doonaan haddana ma sheegin goorta iyo halka uu kulankaasi ka dhici doono iyadoo wakhtigu uu ad isu guraya.










