You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Coronavirus: Cristiano Ronaldo oo lagu dheggan yahay
Booliiska Talyaaniga ayaa baaritaan ku wada cayaar yahanka kooxda Juventus Cristiano Ronaldo kaddib markii la sheegay inuu safar u baxay si uu uga qeyb galo dhalashada gacalisadiisa.
Waxaa lagu eedeeyay inuu jebiyay shuruucda Covid-19 isagoo u kala safray gobollada Piedmont iyo Valle d'Aosta.
Muuqaal haatan la tirtiray oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya lammaanaha oo ku sugan hoteel buuraha ku yaalla, xilli Georgina Rodriguez ay u dabaal degeysay dhalashadeeda iyadoo 27 jir noqotay.
Talyaaniga ayaa waxaa maalin walba cudurka ugu dhintay boqollaal qof.
Dalkaas waxaa si xun u saameeyay xanuunka safmarka ah markii uu bilowga ahaa sanadkii hore, haatanna wuxuu ku jiraa jahwareer siyaasadeed, isagoo la daalaa dhacaya yareynta kiisaska mowjadda labaad ee xanuunka.
Boliiska Valle d'Aosta ayaa sheegay inay baarayaan in lammaanaha ay u safreen hoteelka Courmayeur.
- Talyaaniga oo ay ka mareyso laba daran mid dooro
- Coronavirus: Talyaaniga oo 16 milyan oo qof karantiilay
- Coronavirus: Talyaaniga oo tallaabooyin adag ku soo rogay gobollada qaar
- Tirada dadka coronavirus ugu dhintay Talyaaniga oo ay hal maalin gudaheed ku korortay 475
- Maxaad ka taqaannaa dhakhtarka Soomaaliga ah ee dagaalka Corona ka wada Talyaaniga?
Marka la eego shuruucda Talyaaniga, waxaa mamnuuc ah in la isaga kala goosho gobollada ay digniinta Covid ka jirto ee Qadka Oronjaha loo yaqaanno, marka laga reebo sababo shaqo amaba haddii ay yihiin hoygaaga labaad.
Wararka warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in lammaanaha ay Talaadadii u safreen ayna ku hoydeen hoteelka kahor inta aysan Arbacadii ku laaban Turin, oo ah saldhigga Naadiga Serie A ee Ronaldo.
Rodriguez, oo dharka xayeysiisa, ayaa sawirka la wadaagtay 23m oo ku xiran barteeda.
Haddii lagu helo inay jebiyeen shuruucda, waxay labadooduba wajihi doonaan ganaax.
Arrintan ayaa imaaneysa bilooyin kaddib markii Ronaldo qudhiisa uu ku dhacay Covid-19. Xilligaas wasiirka cayaaraha ee Talyaaniga ayaa ku eedeeyay inuu u safray Portugal wax yar kahor inta aan laga helin fayraska.
Vincenzo Spadafora ayaa Ronaldo ku tilmaamay "macangag" iyo "qof aan xushmad lahayn" wuxuuna ku eedeeyay inuu baal maray shuruucda Covid-19. Cayaar yahanka ayaase beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.