Naxashkii uu isagu naqshadeeyay ayaa lagu aasay

Xigashada Sawirka, Reuters
Meydka naqshadeeyihii caanka ahaa ee u dhashay Faransiiska, Pierre Cardin, ayaa loo sameeyay aas khaas ah oo ka dhacay qabuuraha Montmartre ee magaalada Paris.
Cardin, oo geeriyooday maalintii talaadada ee lasoo dhaafay, xilli ay da'diisu ahayd 98 sano, ayaa lagu aasay meel u dhow qabriga xaaskiisii hore, Andre Oliver, oo iyaduna geeriyootay sanadkii 1993-kii.
Naxashka ninkan qabrigaga lala galiyay ayaa ahaa mid uu isagu ku naqshadeeyay gacantiisa, qaabka loo sameeyayna uu ahaa mid fikirkiisa lagu saleeyay.
Waxaa nashashka lagu xardhay waxyaabo uu Cardin naqshadeeyay oo ay ka mid ahaayeen seef, toorri, labo maqas iyo irbad iyo dun dhammeystiran.
Kumuu ahaa Pierre Cardin

Xigashada Sawirka, FRANCOIS GUILLOT
Pierre Cardin wuxuu dhashay 2-dii bishii July ee sanadkii 1922-kii, xilligaas oo magaciisa saxda ah uu ahaa Pietro Costante Cardin. Wuxuu ku dhashay magaalada San Biagio di Callalta ee dalka Talyaaniga.
Kaddib isagoo carruur ah wuxuu u wareegay waddanka Faransiiska, halkaas oo uu muwaadin ka noqday kaddib markii uu muddo dheer ku noolaa.
Xirfaddiisa naqshadeynta oo socotay in ka badan 70 sano ayuu gacan weyn uga geystay horumarinta naqshadaha dharka iyo qurxinta qalabka. Wixii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka wuxuu naqshadaha caalamka kusoo kordhiyay fikrado u horseeday horumar ballaaran.
Sanadkii 1950-kii ayuu Cardin abuuray shirkad wax naqshadeysa oo isaga u gaar ah. Wuxuu magaciisa aad usoo caan baxay markii uu sanadkii 1954-kii naqshadeeyay dharka caan baxay ee dumarka ee loo yaqaanno "bubble dress" oo ah canbuur qarinaya inta u dhaxeysa xabadka iyo cajirrada ama jilbaha korkooda, garbihiisuna ay dhuuban yihiin. Sidoo kale isku joogga dharka ragga ee uu soo saaray sanadkii 1964-kii.

Xigashada Sawirka, KEYSTONE
Maalintii Talaadada ayey xubno ka mid ah qoyskiisa xaqiijiyeen in uu ku dhintay isbitaal u dhow magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.
Wuxuu ka tagay xasuus ballaaran oo dhinaca naqshadeynta dharka ah, taasoo uu ku howlanaa intii uu noolaa oo dhan.
Dadka farsamadiisii aan illoobi doonin waxaa ka mid ah dhar naqshadeeyaha kale ee u dhashay Faransiiska ee lagu magacaabo Jean Paul Gaultier, kaasoo uga mahad celiyay farsamadiihii wax ku oolka ahayd.
"Waxaan uga mahad sheeganayaa sida uu ulbaabbada ugu furay naqshadeynta dharka iyo sida uu aniga riyadeyda u rumeeyay," ayuu yidhi Jean Paul Gaultier.










