'Waxaan ganacsigeyga ka bilaabay laba boorso oo dhar ah hadana waxaa ii shaqeysa 40 qof'

Xigashada Sawirka, Jeroen Van Loon
Taxanaha BBC da ee todobaadlaha ah oo aan ku eegno nolosha dadka hogaanka u haya ganacsiga daafaha caalamka. Todobaadkan waxaan la hadalnay Joselyne Umutoniwase oo ah gabar Rwandan ah oo naqshadeynta ku takhasustay.
2010-kii Joselyne Umutoniwase waxaa ay qaadatay go'aan adag. Waxaa ay muddo shan sanno ah ka shaqeynaysay tafaftiridda filimada balse waxaa ay go'aansatay in ay riyadeeda ka rumeyso taas oo ah in ay noqoto naqshadeeyaha dhanka faashiyoon-ka ah.
Waxay naqshadeedii faashiyoonka ee ugu horreeysay sameeysay kaddib markii ay Jarmarka ugu safartay deeq wax barasho oo dhanka filimada ah xilligaasi oo ay horay u sii qaadday labo boorso oo ay ku jireen dharkii ay iyada naqshadeysay. Waxaana dharkaasi ka mid ahaa goonooyin iyo saakooyin.
"Dhalinyarada Jarmalka ah waxay aad ula dhaceen qaabka iyo midabada dharka Africanka ah," ayay tiri.
Dhammaan dharkii ay qaadday waxay ku iibisay muddo Seddex bilood gudahood ah.
"Ma aanan ogeyn in aan lacag badan ka sameyn karo iibinta alaab aniga aan naqshadeeyay.," ayay tiri Joselyne.

Xigashada Sawirka, Jeroen Van Loon
Khibradeedii Jarmalka ayaa oo u horseedday isku kalsoonaansho buuxda iyo lacag yar oo lagu caawiyay ayaa nolosheeda wax ka badalay.
Waxay joojisay shaqadii tifaftiridda filimaanta, kaddibna waxay soo iibsatay Saddex harqaan, waxay shaqaaleysiisay laba qof oo harqaanka u tola, kaddib ayay meheraddeeda ganacsiga u bixisay Rwanda Clothing.
Haatan 8 sannadood kaddib, waxay noqotay macallimad dadka barta naqshadeynta dharka, waxay sidoo kale sameysay boorsooyin kala duwan oo ay qiimahooda u dhaxeeya 50-120 doolar.
Joselyne, waxay ku soo barbaartaay qoys ay noloshooda ahayd dabaqadda dhexe oo deganaa magaalo madaxda Rwanda.

Xigashada Sawirka, Jeroen Van Loon
Waxay soo iibisay alaabo raqiis ah oo aanan cusbeyn, jirinna cid rabto, ayay tiri. "Waxaan u kala dhig-dhigay qeyb-qeyb si aan u ogaado sida dharkaasi loo sameeyay."
Balse shaqadaasi way u cuntami weysay oo waxay ka door-bidday iney barato filimaanta.

Xigashada Sawirka, Jeroen Van Loon
Waxaa ku adkaatay iney hesho lacag u abuuri karto ganacsi, bangiyada Rwandana ma ogolayn iney maal geliyaan dharka lagu sameeyo gudaha dalka.
"Naqshadeeynta xilligaasi ma jirin cid si dhab ah uga fakarta." ayay tiri
Hase yeeshee waxay Jarmalka kula kulantay nin qareen ah sidoo kalana ganacsade ah oo lagu magacaabo Roman Schulz xilli ay dalkaasi booqatay sannadkii 2010-kii. Aad ayuu fikirkeeda u soo jiitay iyo hibadeeda naqshadeynta, waa uu aaminay waxa ayna noqdeen shuraako kaddibna waxa uu noqday seeygeeda.
Waxay meel dhigteen 10,000 oo doolar, waxayna shaqaaleysiisay qofkii ugu horreeyay. Waxay qiratay iney khaladaad yar yar sameeyay oo ay ka mid ahaayeen labadii bandhig ee naqshadeynta ee ugu horreeyay.

Xigashada Sawirka, Jeroen Van Loon
Haatan shirkadeeda waa ay kortay oo waxaa ka shaqeya dad ka badan 40 qof. Joselyne waxay aasaastay naqshad faashiyoon ah oo dunida laga aqoonsan yahay.
Waxay sheegeysaa iney jeclaan lahayd in ay biloowdo ganacsi dhanka online-ka oo caalamka oo dhan laga iibiyo.

Xigashada Sawirka, Jeroen Van Loon
Waxay haatan qorsheyneysaa iney dukaan dhanka online-ka ah ka furto Yurub oo ay ku iibiso qamaarrada, barkimaha iyo boorsooyinka ay ku naqshadeeysay gudaha dalka Rwanda inkasoo uu qorsheheedaasi uu caqabad ku noqday fayraska corona.
Joselyne iyo qoyskeeda waxaa saameyn ku yeelatay xasuuqii Rwanda ee 1994-tii, xilligaasi oo ay iyada iyo qoyskeeda ka lugeeyeen dalka. Waxay xasuuqaasi ku weysay ayeeyayaasheed, dhowr adeerradeeda ah iyo eeddoyaasheeda.
"Uur ku taallo aan aad u xusuusnayn ayuu xasuuqa igu reebay sababtoo ah, waxaan jiray lix sanno oo keliya." ayay tiri.
"Sannadadii ka dambeeyay, waxaan xusuustaa in sheekada xasuuqa aan aad uga fakaray oo waxaan is weydiiyay, maxay tahay sababta ay dalkaaga waxaan uga dhaceen."

Xigashada Sawirka, Jeroen Van Loon










