Iiraan: Aargoosiga dilkii Suleymaani wuxuu ka dhici karaa gudaha Mareykanka

.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Taliyaha ciidamada khaaska ah ee ilaalada kacaanka Iiraan, Ismaaciil Qaani, ayaa sheegay in "dilka loo geystay taliyihii hore ee ciidankaas, Janaraal Qaasim Suleymaani, uusan Iiraan ka hor istaagi doonin inay sii waddo iska caabbinta".

Isagoo khudbad ka jeedinaya xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dilkii Suleymaani ayuu farriin u diray xukuumadda Washington.

"Qof ayey suuragal tahay inuu kasoo dhex baxo gurigiina oo uu ka fal celiyo dambigiinna." Ayuu yidhi Qaani.

Ismaaciil Qaani ayaa xaqiijiyay in dowladda Iiraan ay wali diyaar u tahay inay u aarguddo Janaraal Suleymaani, oo horaantii sanadkii lasoo dhaafay ay Mareykanka ku dileen gudaha dalka Ciraaq.

Wakaaladda wararka Iiraan ee Fars ayaa Qaani kasoo xigatay inuu sheegay in howlaha iskacaabbinta ee Ciidamada uu hoggaamiyo ee Quds "aysan hor joogsan karin ficillada gurracan ee uu sameeyo Mareykanka."

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay in ciidamadoodu ay dileen Janaraal Qaasim Suleymaani

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay in ciidamadoodu ay dileen Janaraal Qaasim Suleymaani

Wuxuu intaas raaciyay in raadkii Janaraal Qaasim Suleymaani uu wali ka muuqdo dalalka Falastiin iyo Lubnaan, taasoo uu ula jeedo in "howlo wax ku ool ah uu ka qabtay arrimaha la xiriira waddamadaas".

Khudbaddiisa ayuu Qaasni ku sheegay in Suleymaani uu howlo muhiim ah kasoo qabtay wax uu ugu yeeray "dadaallada xoreynta ee ka socday waddamada Suuriya iyo Ciraaq".

Wakaaladda wararka Iiraan ee lagu magacaabo Tanim ayaa sidoo kale shaacisay in Ismaaciil Qaani uu "Mareykanka ku eedeeyay in ay muddo 30 sano ah raadinayeen sidii ay ku dili lahaayeen Suleymaani, falka ay ku khaarijiyeenna uu albaabbada u furay in wiilashada reer Iiraan ay xor u yihiin u arrgudistiisa".

Hezbollah supporters in Lebanon hold picture of Qasem Soleimani (03/01/20)

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Suleymaani wuxuu ahaa nin saameyn ballaaran ku leh

Xukuumadda Washington ayaa Janaraal Qaasim Suleymaani ku eedeysay in uu qorsheeyay weerarro ay maleyshiyaad taageersan Iiraan ku bartilmaameedsadeen ciidamada Mareykanka ee ku sugan Gobolka.

Maalmo kaddib markii la dilay Suleymaani, dowladda Iiraan ayaa gantaallo ku bartilmaameedsatay saldhigyo ay milatariga Mareykanka ku leeyihiin Ciraaq. Sidoo kale Milatariga Iiraan ayaa si kama' ah usoo riday diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay waddanka Ukraine, taasoo sidday dad shacab ah kana duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Tehran.

Weerarka uu amray madaxweyne Donald Trump ee lagu dilay Janaraal Qaasim Suleymaani waxaa sidoo kale ku dhintay Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa siyaasi u dhashay Ciraaq oo guddoomiye ku xigeen ka ahaa guddiga caanka ah ee abaabulka Ciraaq iyo saraakiil kale oo Iiraan taageersan.