Doorashada Uganda: Waxyaabo been abuur ah oo laga sheegay Joe Biden iyo kuwa kale

Iyadoo dalka Uganda ay doorasho ka dhici doonto bisha Janaayo, ayaa waxa ay dadku ololaha kulul ee soconaya ku wadaagayaan xog badan oo marin habaabin ah taas oo loo arkay inay mushkilad abuuri karto.

Madaxweyne Yoweri Museveni, oo xilka madaxtinimada hayay tan iyo 1986-kii, ayaa waxa uu loollan kala kulmayaa 11 musharrax, oo uu ka mid yahay heesaaga da'da yar ee loo yaqaan Bobi Wine.

Qaar ka mid ah xogta beenta ah ee ololaha la xiriira ayaa waxaa ka mid ah xog laga badbadiyay, iyadoo xaaladaha qaar la soo bandhigayo muuqaalo loo dhigayo qaab ka baxsan waxa ay ka hadlayaan.

Joe Biden ma taageerayo mucaaradka

Tusaalahayaga ugu horreeya waa muuqaal si wayn ay dadku iskula wadaageen, iyadoo dadka isticmaalaha baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan ay ku andacoonayaan in muuqaalka uu muujinayo Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden oo ku sugan xaflad oo ku baaqaya in la sii daayo Bobi Wine (magaciisa rasmiga ah waa Robert Kyagulanyi).

Qaar ka mid ah ayaa waxa ay xitaa ku andacoonayaan in Mr Biden uu doorashada Uganda ka taageerayo ninkaas.

Ninka cad ee muuqaalka ka muuqanaya ayaa la maqli karaa isagoo leh: "Dhammaantayo waynu danaynaynaa inaan xor u ahaanno diintayada. Waynu wada jiraynaa, waxaanan doonaynaa in Uganda ay dimuqraadiyad gaarto."

Hasayeesee ninka hadlayay ma ahan Joe Biden, muuqaalkana waxaa la duubay laba sanadood ka hor.

Waxaanan ogaannay in muuqaalkaas laga duubay mid ka mid dibadbaxyadii ay kooxaha taageera mucaaradka ku qabsadeen magaalooyin kala duwan oo ku yaal dunida kaddib markii Bobi Wine la xiray bishii Agoosto ee 2018.

Dhacdadan ayaa waxa lagu qabtay magaalada Boston, ninka hadlayana waa Nick Carter, oo ah siyaasi ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga kaas oo u tartamayay doorasho maxalli ah.

Waxaa la maqli karaa isagoo saddexda daqiiqo ee hore ku sheegaya inuu doonayo taageerada dadka deegaanka ee siduu uu uga mid noqon lahaa golaha Barasaabka ee gobolka Massachusetts.

Waxaannu sidoo kale arrintan kala xiriirnay kooxda warbaahinta ee Mr Biden, kuwaas oo noo sheegay: "Madaxweynaha la doortay ma uusan dirin wax farriin ah ama ma uusan soo saarin wax bayaan ah oo arrintan ku saabsan [waa doorashooyinka haatan ee Uganda]."

Waxa ay sheegeen in farriintii Twitterka uu soo dhigay Mr Biden ee Uganda ku saabsaneyd ay ugu dambaysay mid uu soo dhigay bishii Oktoobar 2019 taas oo uu kaga hadlayay xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee wax iska doona.

Barack Obama isna lug kuma laha arrintan

Bishii la soo dhaafay, madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa lagu soo qaatay xog mucaaradka u hiillinaysa oo lagu wadaagayay baraha bulshada.

Mr Obama ayaa la arki karaa isagoo la leeyahay waxa uu ka qeybqaadanayaa farriimaha baraha bulshada lagu wadaagayo ee hal ku dhigga looga dhigay #FreeBobiWine, oo weliba bartiisa Twitter-ka ayaa farriinta la soo diray.

Hasayeeshee lama hayo meel uu Mr Obama farriin noocaas ah maalintaas uu ku soo dhigay, walow sawir laga qaaday Twitterka uu muujinayo in hal milyan oo qof ay sii faafiyeen farriintaas.

Sidoo kale waxaa farriinta ku jira khalad yar oo dhanka qoraalka ah waa kalmadda "iPhone" oo si khaldan loogu bilaabay xaraf wayn.

Halka calaamadda buluugga ah ee sare ay muujinayso koonto la ogyahay qofka leh ay tahay mid cad.

Sawirrada laga qaaday farriinta ayaa waxa ay u muuqanayaan farriimo kale oo Twitterka la soo dhigay oo lagu soo diyaariyay barnaamij dhanka online-ka ah oo loo adeegsado in wax looga badelo farriimaha Twitterka la soo dhigo.

Bobi Wine ma waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo taariikhdiisa siyaasadda?

Koontooyinka baraha bulshada ee ay leeyihiin dadka taageera dowladda ayaa waxaa ay iyana soo dhigayeen farriimo ay ku andacoonayaan in musharraxa mucaaradka Bobi Wine uu ka gaabsaday su'aal ku saabsaneyd taariikhdiisa baarlamaanka xilli idaacad laga wareysanayay.

"Weriye, waqti igu filan uma hayo inaan raadiyaha uga jawaabo su'aashaas, ee u gudub su'aasha xigta," waa jawaabta la sheegay inuu bixiyay Bobi Wine. Hasayeeshee dhowr waxyaabood oo khaldan ayaa halkan ka muuqanaya.

Sawirka Idaacadda farriinta loo adeegsaday ayaa waxaa lagu soo qaatay farriimo kale oo ay soo bandhigtay Idaacadda Radio Wa 98.9 FM ee waqooyiga Uganda.

Hasayeeshee waxa uu halkaas joogay bartamihii Nofeembar, halka dhammaan farriimaha ay yihiin bartamaha bishan Diseembar.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in wareysiga lagu qaaday magaalada Kabale koonfur galbeed Uganda, halkaas oo ay ka howlgasho idaacad kale oo maxalli ah oo lagu magacaabo 100.4 Hills FM.

Waa run in Bobi Wine uu idaacaddaas ka hadlay 16-kii Diseembar. Hasayeeshee Idaacaddaas ayaa waxa ay inoo sheegtay, in dhab ahaantii, uu taariikhdiisa baarlamaanka, isagoo ka hadlay dhowr waxyaabood oo uu qabtay.

"Haa, su'aashaas ayaan waydiinnay si qoto dheer ayuuna uga jawaabay isagoo soo qaadanaya mashaariic kala duwan oo uu ku lug lahaa," agaasimaha Idaacaddaas Nick Kanyesigye ayaa inoo yiri.

Sarkaal ka tirsan xisbiga Bobi Wine ayaa arrintaas BBCda u xaqiijiyay, isagoo intaas ku daray in Bobi uu weriyuhu waydiiyay inuu u gudbo su'aasha xigta, wareysigaas ayuuna ahaa midka idaacad ka baxay ee uu bixiyay 16-kii Diseembar.

Tani ma ahan qaabka ay u samaysan yihiin warqadaha codbixinta

Wax u eg warqado codbixineed oo ay ku qoran yihiin magacyada musharrixiinta madaxweyne iyo calaamadaha xisbiyada ayaa wareegayey baraha ay bulshadu ku wada xiriirto.

Hasayeeshee guddiga doorashooyinka ee dalkaas ayaa sheegay in waraaqahaas codbixinta aysan ahayn kuwo ay ayagu soo saareen.

"Guddiga Doorashooyinku ma aysan soo saarin waraaqaha doorashada madaxtinimada ee 2021. Fadlan iska ilaawa waxaas". Ayuu yiri guddigu.

Waxaana jira waxyaabo muujinaya in wax qaldameen.

Doorashooyinkii hore, waxaa warqadaha codbixinta ku qornaan jiray magacyada musharrixiinta, sawirradooda iyo calaamada xisbiyadooda iyo meel loogu talagay in qofka codka dhiibanaya uu calaamadeeyo.

Balse kuwa baraha bulshada dhex wareegaya waxaa xagga sare ku yaal sawirrada musharraxiinta.

Paul Bukenya, oo ah afhayeenka guddiga doorashooyinka, ayaa noo sheegay in waraaqaha codbixinta ay soo saaraan marka maalin uun ay doorashada ka harsan tahay.

Hasayeeshee wuxuu sidoo kale sheegay in aanay soo daabicin magacyada dhabta ah, sawirrada iyo calaamadaha xisbiyada siyaasadda.