You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Khabib Nurmagomedov oo noqday xiddiga ciyaaraha caalamka ee sanadkan ee BBC-da
Feeryahanka caanka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa noqday xiddiga ciyaaraha caalamka ee sanadkan ee BBC-da.
Khabib oo ah muwaadin u dhashay dalka Ruushka oo 32 sano jir ah ayaa baal dahab ah ka galay tartanka addimo-dirirka kaddib markii guushiisii 29-aad uu kaga badiyay Justin Gaethje bishii bishii Oktobar.
Ninkan ku guuleystay horyaalka miisaanka fudud ee UFC ayaa tartankii addimo-dirirka ee ugu dambeeyay galay bilo uun kaddib markii uu dhintay aabihii Abdulmanap oo ahaa tababarihiisa iyo la taliyihiisa.
Khabib oo dadka qaar ay u arkaan ninka ugu addimo-dirirka wanaasgan ee wakhtigan ayaa tartankaasii ka fariistay isla markii uu ka guuleystay Justin Gaethje, guushaasi oo noqoneyso tii 29-aad ee uu ka soo hooyo tartankaasi.
13 ka mid ah 29-ka jeer ee uu ku guuleystay tartankani addimo-dirirka (Mixed Martial Arts) ayaa guushiisu waxay ahayd mid toos ah oo aan ama wakhti loogu darin ama aan lagu celin ciyaarta.
Wuxuu si wanaagsan u difaacay kaalinta uu kaga jiro tartanka miisaanka fudud muddo saddex jeer ah, waxaana loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu sarreysa taariikhda tartamada addimo-dirirka.
Khabib Nurmagomedov ayaa tartanka codeynta xiddiga ciyaaraha caalamka ee sanadkan ee BBC-da waxaa uu kaga guuleystay cayaaryahanno ay ka mid yihiin vaulter Armand Duplantis oo reer Sweden ah, ciyaaryahanka kubadda koleyga ee Mareykanka u dhashay LeBron James, Dustin Johnson, ciyaaryahanka kubadda cagta ee Wendie Renard, iyo sidoo kale feeryahanka Katie Taylor.
Tartankan xiddiga isboortiga caalamka ee BBC-da ee sanadkii hore waxaa ku guuleystay Eliud Kipchoge oo muddo afar jeer ah ku guuleystay tartanka orodda dheer ee marathon-ka.