Bollywood: "Ilaa goormuu Hrithik Roshan ka ooyi doonaa arrintii na dhex martay?"

Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood-ka, Hrithik Roshan, ayaa tallaabo kale u qaaday dardargalinta dacwad uu ka gudbiyay atariishada lagu magacaabo Kangana Ranaut, oo iyada lafteeda xiddig ka ah Bollywood-ka.

Warbixinta ugu horreysa ee kiiska uu Roshan uga dacwooday Ranaut ayaa hadda loo gudbiyay sirdoonka dambi baarista Hindiya.

Markii hore waxaa arrintan baaritaan ku sameynayay waaxda dambiyada dhinaca internet-ka ee booliska Mumbai. Tallaabadan ugu dambeysay ayaa la qaaday kaddib markii qareenka Hrithik Roshan uu warqad u qoray taliyaha booliska Mumbai, taasoo uu uga dacwoonayay in ilaa 2016-kii aan wax horumar ah laga gaadhin baaritaanka kiiskaas ku saabsan.

Kangana Ranaut ayaa dhankeeda ka fal celisay isbaddalka cusub ee arrinta iyo dadaalka uu Roshan ugu jiro in laga miro dhaliyo baaritaanka kiiska iyada ka dhanka ah.

Qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in laga rabay jilaaga inuu arrintaas isaga gudbo oo uu noloshiisa sii wato. Waxay sidoo kale su'aal galisay, "goorta uu Hrithik Roshan joojin doono ka ooyitaanka xiriirkii yaraa ee labadooda dhex maray".

"Marka aan dhiirranaan u helo inaan rajo ka muujiyo nolosheyda shakhsi ahaaneed isaguna wuxuu mar kale billaabaa howshii mid la mid ah," ayey raacisay qoraalkeeda.

Laakiin Roshan mar walba wuu beeniyaa inuu xiriir la wadaagay atariishadan.

Labadan jilaa ayaa la sheegaa in uu dhex maray mid ka mid ah xiriirradii ugu foosha xumaa ee abid soo mara xiddigaha Bollywood-ka Hindiya.

Bollywood, oo ah shirkadda ugu weyn ee filimada dalka Hindiya, waxay muddooyinkii ugu dambeeyay ku jirtaa isqabqabsi.

Dhibaatooyinkaas waxaa bartanka ka taagan Kangana Ranaut - oo ah atariisho 33 jir ah oo u muuqata inay dagaal la galeyso inta badan jilayaasha ay isla shaqeeyaan.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxay dadka ugu sarreeya shirkaddaas ku eedeysay inay kala xigsadaan jilayaasha iyo inay geystaan xad-gudubyo dhinaca galmada ah. Si adag ayey u dhaleeceysay kuwo badan oo ka mid ah jilayaasha ay ka wada shaqeeyaan bollywood-ka, waxayna qaarkood ku tilmaantay inay daroogada isticmaalaan.

Guud ahaan shirkadda Bollywood-ka ayey ku tilmaantay "jiko dad gaar ah u shidan".