Afduubka ardeyda Nigeria: 'Sida aan uga badbaaday burcaddii i afduubatay'

Xigashada Sawirka, Getty Images
In uu geedaha ku gabaday, xoogaa feker degdeg ah iyo gurguurashada dhowr mayl oo keynta ka mid ah, ayaa wiil arday ah oo reer Nigeria ah ka caawiyay inuu ka baxsado burcad ka afduubatay duksi sare oo uu dhinayay.
Ardaygan oo 17 sano jir ah (oo aanaan magiciisa sheegi karin sababo la xiriira aminigiisa), ayaa habeenkii Jimcaha lala afduubay in ka badan 500 oo qof oo kale oo laga kaxeystay Dugsiga Sare ee Dowladda, waqooyiga-galbeed ee gobolka Katsina.
"Waa nala riixaayay oo waa nala garaacayay. Habeenkii oo dhan socod ayaan ku dhameysanay, mararka qaarna waxaan ku soconay qodxaan dushooda. 30 daqiiqo ka hor waaberigii ayaa naloo sheegay in aan seexanno," ayuu u sheegay BBC Hausa.
Wuxuu sheegay in intii ay kooxdu nasaneysay inuu helay geed uu hoos fariisto.
"Ka dib markii aan fadhiisanay, aniga dib ayaan u yara foorarsaday. Waxaan helay geed aan gadaashiisa isku qariyey, ka dibna waan jiiftay oo lugaha baan kala bixiyey.
Markii ay dableydii ku amartay kooxda inteeda kale in ay sii socdaan, ma aysan arkin wiilkan yar ee soo baxsaday, wuxuuna xoogaa ku dhuumanayay geedka gadaashii.
"Markii uu qof walba baxay, waxaan bilaabay in aan gurguurto oo aan hareeraha fiiriyo, illaa aan ka galo tuulo u dhow, waana nimcada gaarka ah ee Eebbe, taasi oo horseedday in aan ku guuleysto in aan baxsado," ayuu yiri.
In ka badan 300 oo carruur ah ayaa la sheegay in la la'yahay, sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan maamulka gobolkaas afduubka laga geystay.
'Waxay yirahdeen waxaan nahay ciidamo amni'
Ardayga soo baxsaday wuxuu sheegay in ragga hubeysan ay iskuulka yimaadeen abaare 21:30, waqtiga maxaliga ah, ee Jimcihii.
Waxa uu sheegay in arday badan ay u suuragashay in ay ka boodaan darbiga iskuulka ka dib markii ay maqleen dhawaqa rasaasta.
Ardaydu waxay markii dambe ogaadeen in raggan aysan ahayn ciidamo amni.

Xigashada Sawirka, Gail Kankara
"Ka dib markii ay ina geeyeen kenyta, mid ka mid ah burcadda ayaa nagu amray in aan istaagno aan inaga is tirino, ka hor inta aanan sii wadan socdaalkeena," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in 520 arday la tiriyay, sidoo kalena wuxuu xaqiijiyay in uusan arkin qof kale oo ka baxsaday kooxda. Keligii ayaana la aaminsan yahay in uu ka soo dhuuntay dableyda ka tirsan Boko Haram ee ardeydaa afduubatay.
Dowladda ayaa weerarkan ku eedeysay burcad ka howl gasha agagaarkaas, kuwaas oo inta badan dadka afduubta ka dibna madax-furasho weydiista.












