Warar sheegaya in la sii daayay badmaaxayaashii Turkiga ee lagu afduubtay xeebaha Nigeria

Xigashada Sawirka, Getty Images
Toban badmaax oo u dhashay dalka Turkiga oo bishii la soo dhaafay laga afduubtay xeebaha Galbeedka Afrika ayaa la sii daayay, sida ay ku warramayso warbaahinta qaranka ee Turkiga.
10-ka nin ayaa saarnaa markab siday konteennaro oo ku socday dalka Ivery Coast markii markabkooda ay 16-kii July dhexda u galeen burcad badeed ka qowlaysata xeebaha Nigeria.
Burcad badeedda ayaa 10 qof kula haray gudaha markabka halka sideed kalana ay ku amreen inay iska tagaan.
Warbaahinta qaranka Turkiga ee TRT ayaa sheegtay in badmaaxayaasha la sii daayay uu caafimaadkoodu wanaagsan yahay, hasayeeshee wax faafaahin ah oo intaasi dheer ma aysan sheegin.
Ma ay cadda cidda afduubatay raggaasi ama in madaxfurasho la bixiyay iyo in kale.
Markabkan qaada konteenarrada ee lagu magacaabo Paksoy-1, ayaa waxa uu ka shareecanayay Cameroon waxa uuna ku sii jeeday Ivory Coast markii ay burcad badeedda ku sugan Gacanka Guinea ay soo fuulaysay.
Numan Paksoy, oo ka tirsan shirkadda maamusha markabka ee Kadıoğlu ayaa sheegay "ku dhawaad 12 burcad badeed oo si weyn u hubaysan ayaa waxa ay soo weerrareen doonnida".
Waxa uu BBC-da u sheegay in shaqaalihii markabku ay isku qariyeen qol ammaan ah markii burcad badeeddu ay markabka soo fuuleen hasayee ay soo baxeen markii dadka weerrarka soo qaaday "ay ku goodiyeen inay markabka gubi doonaan ayna dili doonaan dhammaantood".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka weerrarka soo qaaday ayaa waxa markaa kaddib xusheen 10 badmaaxeyaal halka sideedna ay iska sii daayeen, ayuu yiri.
Markabka ayaa markii dambe ku soo xirtay dekadda Tema ee dalka Ghana.
Sida ay ku warramayso hay'adda International Maritime Bureau, Gacanka Guinea ayaa ah marinka badda ee ugu halista badan burcad badeednimada, iyadoo 73% afduubyada ka dhaca badda iyo 92% afduubyada ay ka dhacaan Gacanka ka baxsan xeebaha Nigeria, Guinea, Togo, Benin, iyo Cameroon.

Weerrar midkaa ka duwan, afar muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga oo 19 July lagu afduubtay gobolka Kwara ee dalka Nigeria aya waxaa la soo badbaadiyay 26 July, sida ay ku warramayso warbaahinta qaranka Turkiga ee TRT.










