Dhaqaalaha Soomaaliya: Afar qodob oo ku xusan warbixinta baarista maaliyadeed ee Hanti-dhowrka

Maxamed Cali Afgooye

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Xafiiska hanti dhawraha guud ee Soomaaliya Maxamed Cali Afgooye

Xafiiska hanti dhawraha guud ee Soomaaliya Maxamed Cali Afgooye ayaa soo saaray warbixinta baarista maaliyadeed iyo u hoggaan dhanka sharciga, warbaxintan ayaa ah mid waafaqsan Dastuurka, si loo ilaaliyo hufnaanta maamul maaliyadeed ee dawladda.

Warbixinta baarista u hoggaansanaanta sharciga ayaa waxaa lagu sameeyay 35 hay'adood oo ka mid ah hay'adaha dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo lagu xushay qorshaha baarista sannadlaha ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka.

Sida warbaxinta ku cadna, hay'adahaas boqolkiiba 55% waxay ku guul daraysteen in ay diyaariyaan soona gudbiyaan warbixinnada maaliyadeed ee sannad maaliyadeedkii dhammaaday 31 December 2019 si loo baaro.

Warbixintan ayaa waxaa ku xusan khaladaad dhanka maaliyadda ah oo dhacay sanadkii tegay ee 2019-kii

Waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa qaar kamid ah arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo hadal qaaday warbixinta xafiiska hantidhawrka guud ee Soomaaliya ayaa soo saaray warbixinnada baarista maaliyadeed sannadlaha.

Habacsanaanta maamulka hantida dowladda

Waxay warbaxintu sheegtay in ay jirtay liidasho ama dabacsanaan dhinaca hubinta kharashaadka, waxaa jirtay lacag 12 malyan ka badan oo miisaaniyadda hay'adaha dowladda, qaar ka mid ah lacag bixinnada ayaa la sameeyey iyada oo aan lagu lifaaqin caddeymo dhammaystiran, taas oo ka dhigan in aan la ogayn lacagtaas waxa lagu qarash gareeyay iyo halka ay aaday.

Waxay warbaxin sheegay in baarista lagu ogaaday in ay jireen qaar ka mid ah hay'adaha dowladda oo dakhli ku qabtay buugaag uusan daabicin Xafiiska Xisaabiyaha Guud sidoo kalana dakhliga isticmaalay iyaga oo aan ku shubin Bangiga Dhexe ee Dowladda. halkaasna ay ku maqan tahay lacag ka badan 1 milyan.

"Ma jiraan siyaasado iyo habraacyo loo ansixiyay in lagu maamulo hantida DFS, Diiwaanka hantida lama diyaarin, meelaha qaar oo la diyaariyayna lama cusboonaysiin, Intaas waxaa dheer in ay jireen gaadiid aan lagu diiwaan gelin magaca hay'adda iska leh iyo in aan gaadiidka la soo bandhigin muuqaal ahaan si loo hubiyo ama loo xaqiijiyo intii ay baaristu socotay." ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday xafiiska hanti dhawraha Soomaaliya.

Xajka iyo Cumrada

Warbixinta ayaa lagu sheegay in aysan jirin nidaam iyo siyaasad lagu maamulo arrimaha xajka iyo cumrada.

Sida ku cad warbixinta, waxaa la sheegay in arrintani ay caqabad ku noqotay xujeyda maadama la yareeyay tirada dadkii u khidmeyn lahaa xujeyda.

"Maadaama aysan jirin siyaasado cad oo arrinkan lagu hago, 21 dal kugal ah (visa) oo loogu tala galay 115ta hawlwadeen ee u qidmayn lahaa xujeyda ayay wasaaraddu siisay xubno ka tirsan baarlamaanka JFS, qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo mas'uuliyiin sare si ay ugu aadaan xajka 2019/1440 taas oo lid ku ah heshiiskii ay wada galeen Wasaaradda Awqaafta ee DFS iyo Wasaaradda Diinta ee Boqortooyada Sacuudiga"

Deymaha

Hanti dhowraha wuxuu sheegay in uusan jirin qorshe lagu maamulo deymaha Soomaaliya isla markaana ay adagtahay qaabka ay wasaaradda u maamusho deymaha qaranka.

"Sidaa owgeed, suurtagal ma'ahayn in la ogaado sida Wasaaraddu u maamusho deymaha Qaranka ee ay nagu leeyihiin dayn-bixiyeyaashakala duwani" ayaa lagu yiri warbixinta.

Maamulka Ciidanka

Waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay'adda Duulista Rayidka ayaa qabatay lacag dhan US $115,070.00 (boqol iyo shan iyo toban kun iyo toddobaatan) dakhligaasna waxay hay'adahan ku qabteen buugaag uusan daabicin Xafiiska Xisaabiyaha Guud sidoo kalana waxay hay'adahan isticmaaleen dakhliga ka hor inta aan lagu shubin Khasnadda Dhexe ee Dowladda.

Xafiiska hanti dhowraha ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dalka aysan laheyn qorshe lagu horumarinayo gaar ahaan shaqaaleysiinta, howlgelinta ama maamulka ciidanka.

Diiwaan gelintii ciidamada Soomaaliya

Xigashada Sawirka, RADIO MUQDISHO

Qoraalka sawirka, Diiwaan gelintii ciidamada Soomaaliya

"Waxaa baarista lagu ogaaday in Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidanka Booliska aysan laheyn Qaab-dhismeedka Ciidanka iyo Qalabka (QCQ) la ansixiyay si uu u hago shaqaalaysiinta, daabulidda/hawlgalinta iyo maamulka ciidanka"

Sidoo kale, wasaaradda awqaafta, arrimaha diinta ayaa qabatay dhakhli dhan US $1,742,100.00 (hal milyan toddobo boqol iyo laba iyo afartan kun iyo boqol), iyadoo dakhligaasna ku qabatay buugaag uusan daabicin Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Intaas waxay ka mid tahay khaladaadka ay warbixinta barista maaliyadeed ee Xafiiska hanti dhawraha guud ee qaranka soo sareen waxaana ku qornaa ilaa 12 khalad maaliyadeed ay dawladda gashay.