Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo IMF kala qeybgalaya shirka Indonesia
Wali waxaa soconaya dedaallada ay Soomaaliya ugu jirto sidii looga cafin lahaa deymaha tirada badan ee dalka lagu leeyahay, waxaana haatan dalka Indonesia ku sugan wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya oo halkaasi kulamo kula qaadanayay sanduuqa lacagaha adduunka ee IMF-ta iyo baanka adduunka.
Iyadoo ay dedaaladaasi jiraan ayaa haddana waxaa la is-weydiinayaa suurtagal ma tahay in hay'adahani ay soomaaliya ka hawlgalaan maadaama shirarka dibadda looga qeybgalayo ay ku baxayaan kharashaad aad u badan.
Su'aashaasi iyo kuwa kale ayaanu weydiinay wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.