Dawada Coronavirus: Talaalka Karoonaha Australia ee keenay shakiga cudurka HIV/Aids

Xigashada Sawirka, University of Oxford
Tallaal ay ku howlaneyd Australia oo la filayay in uu ka hortaggo cudurka Covid-19 ayaa tijaabadiisa laiska dhafaay kaddib markii dadkii lagu tijaabiyay uu soo saaray natiijo been oo ah inay qabaan cudurka HIV.
Australia waxay horraan heshiis ay kaga iibsaneysno 51 malyan oo kuuro oo tallaal ah la gashay shirkadda CSL oo Australia laga leeyahay iyo jaamacadda Queensland (UQ).
Dowladda waxay sheegtay in dalabyada tallaal kale ay wax ka qaban doonto baahida.
Shirkadda CSL iyo jaamacadda Queensland waxay carabka ku adkeeyeen in natiijada kasoo baxday tallaalka uu ahaa mid been ah- taasi micnaheedu kama dhigno in dadkii ka qeybqaatay tijaabada caafimaadkooda uusan wax halis ah ku jirin.
Dowladda Australia waxay sheegtay in haatan ay heshiis la gashay shirkadda Novavax si ay tallaal uga hesho isla markaana lagu wado inay sare u qaado dalabka tallaalka ee jaamacadda Oxford iyo AstraZeneca.
UK ayaa ahaa dalkii ugu horreeyay ee bilaabo in dadkiisa uu siiyo tallaalka ka hortagga cudurka toddobaadkan
Maxaa ku dhacay tallaalka UQ/CSL?
Tallaalka wuxuu marayay heeerka koowaad ee tallaalada la marsiiyo, wuxuuna muujinayay in uu ka hortaggi karo caabuqyada iyo xoojinta difaaca jirka.
Balse qaar kamid ah dadkii lagu tijaabaiyay wuxuu soo saaray inay qabaan cudurka HIV-kaas oo ah been ah, markii dadkaas baaritaan kale la marsiiyay waxaa la ogaaday in aysan qabin HIV.
Shirkadda CSL iyo jaamacadda Queensland waxay sheegen in la saxo khaladaadkaas ay qaadan karto muddo sanad ah isla markaana ay gaareen go'aan ah in laiska dhaafo tijaabadiisa.
"Wuxuu u muuqday mid shaqeynayo, balse ma dooneyno in wax saameyn ah ku yeelano kalsoonida balse natiijadan beenta ah waxay abuuri kartaa jahwareer iyo kalsooni darro" ayuu yiri Brendan Murphy, oo ah xoghayaha arrimaha caafimaadka ee waaxda caafimaadka Australia.


Paul Young oo kamid ahaa dadkii hogaaminayay tallalkan ayaa ku tilmaamay mid "murugo leh" kaddib 11 bilood oo uu dadaal xooggan ku bixinayay.
"Iyadoo go'aankan uu yahay mid adag oo la qaado, balse in si deg deg ah lagu helo tallaalka waxay dan ugu jirtay qof kasta" ayuu yiri Paul.
Khuburrada kale ee caafimaadka dalkaas ayaa bogaadiyay go'aanka ku saabsan in laiska dhaafo tallaalkan maadama uu muujinayo arrinta dhabta ah ee ku saabsan horumarka tallaalkan.
Maxay Australia uga dhigan tahay arrintani?
Australia waxay qarka u saarneyd inay hesho tallaal balse waxay ku guuleysatay ka hortagga in bulshada ay isku gudbiyaan feyraska kaddib markii bilihii ugu horreeyay ee cudurka ku fiday dalkaas.
Profesoor Brendan Murphy, wuxuu sheegay in dalka haatan uu qaaday tallaabo wanaagsan balse lagu waday in labada tallaal la gaarsiiyo shacabka dalkaas marka la gaaro 2021-ka.
"Ma dooneyno in si deg deg ah lagu ansixiyo tallaalka- waxaan horumar ka gaarnay xakameynta feyraska" ayuu yiri Brendan Murphy.
Wuxuu intaas ku daray "Waxaan sanadka dambe rajo ka qabnaa in aan helo qorshe guuleysta oo ku saabsan tallaalka"
Ra'iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu sheegay in dadaalka ku aadan sameynta tallaalka ka hortagga cudurka ay ka dhigan tahay rajada ah in tallaalka la gaarsiiyo guud ahaan shacabka.
Tallaalka jaamacadda Oxford ayaa la ogaaday in uu yahay 'mid waxtar leh oo laisku haleyn karo' balse wuxuu u baahan yahay in dunida laga ansixiyo.
Bilowga sanadka 2021-ka ayaa la filayaa in markii ugu horreysay shacabka Australia la siiyo tallaalka ka hortagga Covid-19 kaas oo ay soo saareen Oxford/AstraZeneca.
Australia waxaa ku nool dad gaarayo 25 malyan, dowladda waxay toddobaadkii hore diiwaangelisay hal kiis oo cudurka ah.
Dowladda waxay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortaggayo fiditaanka cudurka, wuxuu cudurka dalkaas ku dhacay 28,000 qof ay u geeriyootay 908.











