Nin soo saaray Aalad turjumi karta codadka bisadaha

Injineer hore uga shaqeyn jiray shirkadda Amazon, islamarkana ka caawin jiray dhanka codadka Alexa ayaa soo saaray Aalad ama (app)fasiriya codka ama Ci'da Bisadaha.

Aaladan oo lagu magacaabo Miao Tok ayaa duubaysa codka Bisadda ka dib-na go'aan ka gaarsa oo turjumaya micnaha shanqarta iyo codka ka soo baxaya Bisadda.

Qofka iska leh Bisadda ayay arrintan waxyaabo badan ka caawinaysaa, isaga oo ogaanaya qaar ka mid ah waxyaabaha ay Bisaddiisa u baahan tahay.

Aaladan ilaa iyo imika waxay turjumi kartaa 13 Jumlo oo ay ka mid yihiin "I quudi!"Gaajo ayaa i haysa!" iyo"Banaanka iga mar!"

Cilmibaarid la sameeyay ayaa muujinaysa in Bisadaha sida bina'aadamka oo kale aysan wadaagin luuqada ay isku gartaan.

Bisad kasta codkeedu waa gaar, waxaana aaladdan loo sameeyey si uu codka gaarka ah ee bisadda u macnayn karo.

Waxaan arintaa looga maarmayaa in la sameeyo Aalad keliya oo lagu saleeyey cod keliya oo miceeya ci'da Bisadaha, laakiin waxa loogu talo galay in uu Bisad kasta codkeeda gaarka ah garan karo.

Javier Sanchez, oo ah agaasimaha shirkadda sameysa Aaladaha ee loo yaaaano Ackfelton ayaa yiri, "Waxaan u maleynayaa inay Aaladan si gaar ah Muhiim u tahay xilligan, sababto ah dadka la yiri kala fogaada iyo dadka inta badan guriyaha jooga, marka waa muhiim in Xayawaaanada guriga kugula nool sida bisadda aad fahantaa."

"Waxay tani u suuragaleysa in ay xiriir la sameeyaan Bisadahooda amaba ugu yaraan waxa ay dooneyso taasi oo isu soo dhaweysa Bisadda iyo qofka iska leh, ayuu intaa ku daray ."

Aaladan ama app-kan ayaa waxaa lagu heli karaa si bilaash gaar ahaan haddii aad haystid taleefoonada casriga ah oo aad la soo degi karo.

"Waan soo dajistay balse ma isticmaali karo"Waxaan dareemayaa caro ," waxaa sidaasi yiri mid ka mid ah dadka isticmaala Aaladana".

Qof kale oo isticmaalay ayaa yiri : "Waxaan helayay turjumaad aan 90% aad u jecleystay. "