Maxay yihiin wararka been abuurka ah ee ku saabsan dagaalka Itoobiya

Xilli dowladda Itoobiya ay waddo howgalo militari oo ka dhan ah gobolka Tigreeda ee Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa dadka qaar ay uga faa'ideysteen inay baraha internet-ka ku baahiyaan warar been abuur ah.
Waxaa ka mid ah waxyaabaha la baahiyay sawirro aan la xiriirin dagaalka iyo waxyaabo kale oo dagaalka loo ekeysiinayo.
Sawiro been abuur ah oo ku saabsan gantaalada lidka diyaaradaha

Qaar ka mid ah dadka ayaa waxay baraha bulshada ku baahiyeen sawirka gantaalada difaaca hawada Ruushka ee S-400, iyaga oo ku andacooday inay yihiin gantaalo ay TPLF isaga difaacayaan duqeynta diyaaradaha dagaalka ee dowladda.
Waxay sidoo kale ku andacoodeen in hub kale oo lidka diyaaradaha ah oo Ruushka lagu farsameeyay in la isticmaalay.
Qoraal la soo raaciyay sawirka ayaa lagu tilmaamay: "Sawirka hubkan aad aragtaan xitaa Itoobiya iskama laha ka dal ahaan.
"Ciidamada Tigreeda ayaa haysta si ay isaga difaacaan duqeynta dhanka cirka."
Sawirka ayaa sidoo kale muujinaya wax u muuqda sawirka askari qaba dariiska ciidamada gaarka ah ee Tigreeda oo hubkaasi barbar taagan.
Balse sawirkan waa la been abuuray islamarkana waxaa lagu daray sawirka askariga.
Hooska sawirka ayaa muujininaya dhan qaldan marka loo barbar dhigo sawirka hubka.
Baaritaano dhanka sawirada ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in sawirka hubkaasi uu yahay dhoolatus milatari oo ay Ruushka ka sameynayeen gobolka Astrakhan, ee ku yaalla Koonfurta Ruushka.
Muuqaalka dhoolatuskaasi oo lagu tebinayay luuqadda Ruushka ayaa baraha internetka lagu baahiyay bishii September waxaa uuna muujinayay nidaamka difaaca Ruushka .
Gantaalada S-400 ayaa ah nidaamka difaaca cirka oo casri ah islamarkana lagu farsameeyay Ruushka waxaana gantaaladan haysta oo kali ah dhowr dal.
Balse dalka Itoobiya ka mid ma aha dalalka haysta nidaamkani difaaca ee hormarsan.
"Itoobiya waligeed ma aysan soo dhoofsan gantaalada S-300 amaba S-400, islamarkana ma jiro dal daris la ah oo haysta," waxaa sidaasi yiri Justin Bronk, oo ka tirsan machadka Royal United Services, ee fadhigiisu yahay London.
Diyaaradan dagaal ee la soo riday ma laha Itoobiya

Boqolaal ah dadka isticmaala barta Facebook ayaa baahinayay sawir lagu tilmaamay diyaarad militari oo ay Itoobiya leedahay oo la soo riday taasi oo gubnaysa.
Qoraalka lagu hoos qoray sawirka ayaa ahaa: "Ciidamada gaarka ee Tigreeda ayaa loo geystay duqeyn cirka ah, waxayna soo rideen mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Itoobiya"
"Dagaalka wali wuu socdaa"ayaa intaasi la raaciyay.
Balse baaritaan sawirkaasi lagu smaeeyay ayaa muujinaya in diyaaradasi aysan Itoobiya laheyn.
Sawirkan ayaa waxaa bishii July 2018 baahiyay telefishinka Press TV waxaa uuna ahaa sawirka diyaarad dagaal oo ay Sacuudiga leeyihiin oo lagu soo riday dalka Yeemen.
Sawirada diyaaraddii burburtay ee Itoobiya oo si xun loo isticmaalay

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa faafinayay burburka sawiradii diyaaraddii rakaabka ee shirkada diyaaradaha Itoobiya ee burburtay bishii March ee sanadkii aanu soo dhaafnay.
Shilkasi diyaaradeed ayaa waxaa xilligaasi ku dhintay 150 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalaha diyaaradda.
Mid ka mid ah dadka sawiradan baahiyay ayaa kiishashka goobta yaalla ku tilmaamay inay yihiin meydadkii askartii lagu laayay gobolka Amxaaradda.
Balse qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa sheegay in sawiradan iyo dagaalka imika socda aysan wax shaqo ah isku lahayn.
Sawiraadaas ayaa imika qaarkood laga tiray goobihii la soo dhigay.
Ma jiro Wasiir askarta ugu baaqay in ay xirtaan Maaskaraati

Sawiro loo ekeysiiyay in laga soo qaaday qoraal ay tweetarka ku baahisay wasiirka caafimaadka Lia Tadesse ayaa la iskula wadaagayay baraha bulshada, iyada oo ay dadka ku maadsanayeen islamarkana sheegayay in wasiirka ay ku baaqday in la xirto maaskaraadi si looga gaashaanto feyriska Corona xilligan uu dagalka socdo.
Balse sawirkna waxaa uu ahaa mid been abuur ah oo aan waxbo ka jirin.










