Doorashada Maraykanka 2020: Sidee Biden u bedeli doonaa siyaasadda dibadda Maraykanka?

Dunidu sida uu qabo Madaxweyne Trump waa mid "Maraykanku kow ka yahay" wadaniyadda, waxaanu tuuray heshiisyadii caalamiga ahaa isaga oo u arka in aan Maraykanka faa'iido ugu jirin.

Waxay ahayd mid keligeed isla quman oo wax kala qaybinaysa. Waxay sidoo kale ahayd mid gebi dhaclayn shakhsi ku salaysan oo uu qaabaynayey dariinkiisu xidhiidhka lala leeyahay hogaamiyeyaasha waxaana waday Twitter-kiisa.

Dunidu siday la tahay guusha Joe Biden waa in ay noqotaa mid habdhaqankii doorka Maraykanka iyo danihiisa ilaalinaysay ee ku salaysnayd hay'ada caalamiga ah ee la aasaasay Dagaalkii Labaad ee Aduunka ka dib kuna salaysan qiyamka dimuqraadiga ah ee reer Galbeedku wadaago.

Waxaa mid isxulufaysi dunida ah ku dhisan oo Maraykanku hogaan u yahay qaramada xorta ah ka hor tagga halista dunida soo food saartay. Maxaa hadaba is bedeli doona marka Biden xilka qabto? Dhawr arimoo ayaa muuqda - sida uu u waajahayo xulufada, isbedelka cimilada iyo Bariga Dhexe

LA DHAQANKA XULUFADA

Madaxweyne Trump wuxuu amaanay keli teliyeyaasha oo wuxu caayey xulufada. Joe Biden waxa halka hore kaga jira liiska wax qabadkiisa in uu hagaajiyo xidhiidhadaa xumaaday, gaar ahaan NATO iyo in dib loogu noqdo iskaashiga dunida.

Maamulka Biden waxa kale oo uu ku noqon doonaa Hay'ada Caafimaadka Aduunka ee WHO, waxaanu isku dayi doonaa inuu hogaanka u qabto dagaalka dunidu kula jirto fayraska korona.

Ololaha Trump wuxuu arimahan u dhigay dib u hagajain loogu gurmanayo sumcadda Maraykanka ee dhaawacantay iyo in uu dimuqraadiyiinta ka hor keeno waxa uu u arkayey mawjada keli talisnimada ah ee soo kordhayay.

Laakiin waxa dhici karta in ay muuqa uun tahay ee aanay nuxur ka ahayn, Danielle Pletka oo ka tirsan mac-hadka muxaafidka ah ee American Enterprise Institue ayaa isdaa qabta. Waxay ku dooday in maamulka Trump guulo badan ka soo hooyey dunida isaga oo suxul kulul adeegsanaya.

"Ma saaxiibo ayaynu weynayay aynu la damaashaadno? Sharad ma ku gelaysaa" ayay tidhi. '' Qofna ma doonayo in uu fagaare la soo joogsado Donald Trump. Ma awood baynu weynay iyo saamayn aynu kasbanayn 70 sano ee u dambeeyey? Maya".

ISBEDELKA CIMILADA

Marka nuxurka laga hadlo, Joe Biden wuxu sheegay inuu ka dhigi doono la dagaalanka isbedelka cimilada mudnaan iyo inuu ku noqon doono heshiiksa Paris Climate Agreement oo ka mid ah heshiisyada caalamiga ah ee Donald Trump ka baxay.

Arintan labad anin waxay kala kala joogaan labada daraf. Trump wuxuu u arkaa wax ka qabashada kulka dunida inay halis ku tahay dhaqaalaha. Wuxuu dhiiri geliyey shidaalka la qodo waxaanu meesha ka saaray xeerarka ilaalinta deegaanka iyo cimilada.

Mr Biden wuxuu dhiiri gleinayaa qorshe himilo leh oo 2 tiriliyan oo doolar ku baxayso oo lagu yaraynayo qiiqa warshadaha. Wuxuu sheegay in uu sidan u yeelayo si uu u dhiso dhaqaale tamar nadiifka ku taagan oo abuura malaayiin shaqo.

IRAN

Joe Biden wuxu sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro heshiisyada kale ee caalamiga ah ee Madaxweyne Trump ka baxay- heshiiskii Iran cunoqabataynta ka debciyey ee iyaduna ay ku yaraynaysay barnaamijkeeda nukliyeerka.

Maamulka Trump wuxuu heshiiskaa ka baxay 2018 isaga oo sheegay in heshiiska xakamaynta hubku uu ahaa mid aad u kooban oo aan ka hortagayn halista Iran ka soo fool leh iyo sidoo kale inuu diciif yahay qodobada xakamaynaya hawlaha nukliyeerka oo wakhti go'an lahaa.

Wuxuu cunoqabaytayntii dib ugu soo rogay oo culays dhaqaale saaray, dhawaanna waxa uu liiska madow ku daray dhamaan laamaha maaliyadeed ee Iran. Iran oo arintaa ka jawaabaysayna waxay joojisay in ay u hogaansantayo heshiiskaa.

Biden wuxuu sheegay in siyaasadan "cadaadiska weyn" fashilantay waxaanu ku adkaystay in ay keentay in xiisaddo sii korodho , in xulufadii diidaan in Iran imika ay u dhawdahay inay hub nulkiyeer ah yeelato marka la barbar dhigo intaan Trump xilka qaban

Wuxuu sheegay in uu ku biiri doono heshiiskaa hadii Iran u hogaansanto laakiin aanu cunoqabataynta ka qaadi doonin ilaa inta ay sidaa yeelayso. Mr Biden waxa uu bilaabi doonaa wada xaajood walaacaa wax lagaga qabto.

YEMEN

Mr Biden waxa kale oo uu joojin doonaa Taageerada Maraykanku siiyo dagaalka xulafada Sucuudig ka wado Yemen. Tirada dhimashada rayidka ah ee badan ayaa mucaaradad xoog leh u abuurta ka qayb galka Maryakanka oo ka timid garabka bidix ee xisbiga iyo sidoo kale sharci sameeyeyaasha Congress-ka.

Sucuudigu waa dalka Carbeed ee xulufada isugu dhaw ay yihiin Madaxweyne Trump, waxaanu tiir u yahay xulufada Iran lidka ku ah. Dadka siyaasadda lafa gura waxay u arkaan in Biden dib uga guran doon isku marankii boqortooyadaa Khaliijka.

"Waxaan u malaynayaa in Bariga Dhexe bad dhan oo isbedel ahi ka dhici doonto" ayay tidhi Ms Pletka, "siyaasad u janjeedha Iran oo aan aad Sucuudiga ula hayn xaqiiqdii".

COLAADDA CARABTA IYO ISRAEL

Joe Biden wuxuu soo dhaweeyey heshiiska Madaxweyne Trump dhex dhigay Israel iyo Imaaraadka. Sida Dimuqraadi ruug cadaa ah, Mr Biden waa nin aad u taageera oo muddo dheer difaacayey Israel. Erayga dhul haysasho kuma jiro siyaasadda arimaha dibada ee xisbiga.

Laakiin waxa laga yaabaan in aanu qaadan siyaasadihii maamulka Trump ee ku aadana Daanta Galbeed ee la haysto.

Wax aka mid ah kuwaas in degsiimooyinka Israle lagu sheego in aanay xad gudub ku ahayn sharciga caalamaga ah iyo in iska caabinti -hadii aanay xamaasad u ahayn- Israel qorsheyaasheeda ay keligeed qaybo dhulkaas ah dhuleeda ku darsatay .

Xisbiga Dimuqraadiga garabkiisa bidix ayaa haatan dejista siyaasad arimaha dibada isbahaysi oo ka duwan sanadihii hore. Waxauu doonayaa in wax dheeraad ah laga qabto xuquuqda Falastiiniyiinta.

Maxaa iska sidoodii ahaan doona?

Sida Madaxweyne Trump oo kale, Mr Biden wuxuu doonayaa in dagaalada ka socda Afghanistan iyo Ciraaq la soo afjaro in kasta oo uu ciidamo kooban ku dayn doono labadaa dal si ay dagaalka argagixisada uga gacan gaystaan. Sidoo kale yaran maayo miisaaniyada Pentagon-ka mana joojin doono weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn in kasta oo cadaadis kaga imanaya garabka bidixda.

Marka ay timaado loolanka juquraafiyad siyaasadeed, waxa isbedel badan ah lama filayo

RUUSHKA

Xidhiidhka xaga sare is bedeli maayo. Madaxweyne Trump badanaa wuxuu u muuqday inuu diyaar u yahay inuu saamaxo habdhaqanka Vladimir Putin ee ku xadgudubka dhaqanka caalamiga ah.

Laakiin maamulka Trump wuxuu ku adkaa Ruushka oo wuxuu ku ciqaabay cunoqabatayno. Kuwaas oo laga yaabo in ay sii socdaan inta Biden madaxweynaha yahay iyada oo aan wax fariin ah oo si dhaafa laga bixinayn.

Madaxweyne ku xigeenkan hore wuxuu si cad ugu sheegay CNN inuu rumaysan yahay in Ruushku yahay "lid". Waxaanu balan qaaday inuu jawaab adag ka bixin doono hadii uu farogeliyo doorashada iyo sidoo kale eeda la sheegay ee ah inuu lacago ku bixiyey in askarta Maraykanka ee Afghanistan jooga la laayo, arimaas oo Trump aanu ka hadal.

Sidoo kale Mr Biden wuxuu cadeeyey in uu doonayo inuu Moscow kala shaqeeyo ilaalinta wax aka hadhay heshiisyadii xakamaynta hubka ee lagu xamaynayo saanad nukliyeerka. Madaxweyne Trump wuu ka baxay laba isaga oo Ruushka ku eedeeyey inuu khiyaameeyey oo wuxuu isku dayey inuu qaab saddexaad kula xaajoodo oo ku eeg Feeberweri. Biden wuxuu sheegay inay ka go'ntahay in heshiiskaasi sii jiro isaga oon shuruud ku xidhayn hadii la doorto.

SHIINAHA

Sannadkii 2017 Mr Trump wuxuu ka sheekeeyay sida isaga iyo Xi Jinping ay keeg shaglayd laga sameeyey u wada cuneen oo isku fahmeen. Laakiin hadana Mr Trump ayaa saaxiibtinimadiisii uu sheegayey eeka dhaxaysay madaxweynaha Shiinaha u bedelay eed ah inuu faafinayo fayraska korona. Talaabooyin adag iyo hadal dagaal qabow oo cusub ah.

Xaqiiqdii waa dhif in xisbigu isku wada raacsan yahay in Shiinaha lagu adkaado marka ay taagan tahay arimaha ganacsiga. Arintu waa taatiko.

Mr Biden wuu sii wadi doonaa siyaasadda Madaxweyne Trump eek a hortagga Shiinaha ee "habdhaqanka tacaddiga ah ee ganacsiga" laakiin isaga oo wata xulufada sidaas oo ka duwan qaabkii Trump doorbidayey ee heshiisyada ganacsi ee keli socodka ah.

Suxulka adag ee maamulka trump wuxu ku guulaystay inuu taageero caalam ah oo lagu go'doominaya tiknoolajiyada isgaadhsiinta ee Shiinaha. Waxay arintaasi qab ka tahay sii kordhinta dedaalka Maraykanka u doonayo inuu Beijin dhinacyo badan cadaadis ka saaro kuwaas oo xidhiidhkooda halkii ugu hoosaysay gaadhsiiyey mudo todobaan sano ah.

Ololahan waxa waday gorgorada Trump ee Shiinaha ku aadan- tartan istaraatiji ah ayay ku sheegeen laakiin istaraatijiyad ka loolan ah aay ku sheegeen dadka siyaasada lafa gura qaarkood. Joe Biden wuxuu si aad u dardar qabta u eegi doona meelaha ay iska kaashan karaan Shiinaha koraya.

Wuxu sheegay inuu doonayo inuu soo celiyo hogaamintii Maraykanka.

Laakiin dunidu haatan way is bedeshay afartii sano ee la soo dhaafay, iyada oo ay soo noqotay tartanka quwadaha waaweyne ee ra'yi ururintii u dambaysay muujisay sumcada Marayknka ee hoos u dhacday ee ay qabaan xulufada doonayey in Mr Biden hogaanka qabto.