Natiijada Doorashada Mareykanka 2020: Mareykanka ma wuxuu wajahayaa "qalalaase siyaasadeed" oo la xiriira xilka madaxweynaha?

ترامب وبايدن

Wargeysyada ka soo baxa dalalka Cayaa ayaa ka hadlay fursadaha lagu xalin karo natiijada doorashada Mareykanka haddii la adeegsado maxkamadda sare, xilli ay jirto eedeymo waaweyn oo madaxweyne Donald Trump u jeedinayo Dimuquraadiyiinta, taas oo ah in la khiyaamay.

Dadka ka faallooda arrimahan waxay tartanka doorashada Mareykanka ku tilmaameen sida "dagaal weyn", halka kuwa kalena ay ka digayaan astaamo muujinaya "xiisad siyaasadeed" oo ka dhalata Mareykanka, gaar ahaan, sida ay tiro ahaan isugu dhow yihiin Donald Trump iyo ninka ay tartamayaan ee xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, oo gobollada qaar wacdaro ka dhigay.

Dagaalkii Tom iyo Jerry

Wargeyska dalka Sacuudiga ka soo baxa, ee Al-Riyad, ayaa doorashada Mareykanka ee 2020-ka ku tilmaamay "doorashadii ugu layaabka badneyd ,uguna xiisaha badnayd, ee ka dhacda dalka Mareykanka".

Wargeyska ayaa muujiyay in ay dhici kartay in "doorashadan ay baabi'in doonto dhammaan jidadka sharciga ah ee suurtogalka ah, ka hor inta aan natiijada kama dambaysta ah la soo saarin ama xisbiyadu aqbalin, sababtoo ah jawiga doorashadu waa mid kacsan oo murashaxiintuna waxayba bilaabeen inay su'aal ka keenaan hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka xilli hore".

Cabdalla Al-Salam ayaa ku qoray wargayska ka soo baxa dalka Masar ee Al-Ahram sidaan: "Illaa iyo inta ay runta ka imaaneyso, oo aan ka ogaaneyno cida noqon doonta madaxweynaha xiga ee Mareykanka, waxaan goob joog u noqon doonnaa khilaaf weyn, askarta hardameysana waxay noqon doonaan boqolaal qareeno ah, sidoo kale jeneraallada dagaalkan waa siyaasiyiinta xisbiyada, iyo hogaamiyayaashooda Trump iyo Biden."

"Sidoo kale, inta arrimahan socdaan lagama hadli doono arrimo ay ka mid yihiin karoonaha iyo Shiinaha - Tom iyo Jerry way dagaalami doonaan waxaan ula jeedaa Trump iyo Biden", ayuu yiri.

Sidoo kale wargeyska saldhigiisu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska laguna magacaabo Al- Carabiya Al jadiid, ayaa sheegay in iyadoo Biden uu ku dhowyahay in uu guul ka gaaro doorashada oo waliba uu ku kalsoonyahay ay haddana arrintaas Mareykanka u tahay marxalad cusub, marka la eego xiisaha doorashada iyo loollanka adag ee la galay.

Wargeyska AL Akhbaar ee ka soo baxa dalka Lubnaan ayaa isna sheegay in Mareykanku uu wajahayo "xiisad siyaasadeed oo mas'uliyadeeda uu leeyahay madaxweweyne Donald Trump".

Qalalaasaha siyaasadeed ee dhanka garsoorka

Iyadoo Trump uu wacad ku maray inuu tagayo maxkamadda si uu uga hor-tago sharci ahaanta waraaqaha cod-bixinta ee boostada, ayaa haddana wargayska London ka soo baxa ee Al-Quds Al-Arabi uu qoray in "jahwareerkan" siyaasadeed uu isu rogi karo "xiisad weyn oo xagga garsoorka ah, haddii Donald Trump uu fuliyo ballanqaadkiisa ahaa in uu maxakamad aadayo."

Si kastaba ha noqatee natiijadaan waxay horseedi kartaa dacwad ka dhan ah codbixinta iyo hannaanka tirinta codadka ee gobollada muhiimka ah. Waxaana Kiisas laga xareeyay gobollo gaar ah.

Wargeyska Al-Carab ee ka soo baxa magaalada London ayaa sidoo kale is waydiiyay su'aashaan: "Doorashada Mareykanka ma waxaa lagu go'aamin doonaa qolka maxkamadda?"

Wargeyska Al Sharqul Qadariya, ayaa isana meesha ka saaray in Biden ama Trump midkoodna uu quusan doono haddii midkood looga adkaado doorashada. "Madaxweynaha Jamhuuriga - waa Trump ee - wuxuu had iyo jeer sheegaa in codeynta boostada ay sahlayso wax isdabamarin ballaaran."