Maxamed Cabdi Waare: Waa Kuma madaxweynaha Hirshabeelle ee xilka iska casilay?

.

Xigashada Sawirka, MOHAMED ABDI WARE/TWITTER

Waxaa xilkii madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya iska casilay madaxweynihii maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa xalay saqdii dhexe soo saaray bayaan uu ku faafaahinayo sababta keentay inuu xilka banneeyo.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli maanta ay musharraxiinta guddoonka baarlamaanka ee Hirshabeelle ay jeedin doonaan khudbadaha ay ku doonayaan inay xilkaasi ku hantaan.

Warqad uu soo saaray Waare wuxuu kaga sheekeeyay heerarkii ay soo martay Hirshabeelle, wuxuu sheegay in markii la dhisay 2016-kii uu ka jiray khilaaf badan isla markaana beelo badan aysan ku qanacsaneyn habka awood qeybsiga iyo habkii loo soo xulay baarlamaankii koowaad ee Hirshabeelle.

Wuxuu intaas ku daray in arrintaas ay horseeday qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo khilaafaad fara badan oo saameyn ku yeeshay maamulka.

"Hadda maadama taladii aan soo jeediyay la aqbali waayey, iina muuqato in xaaladda Hirshabeelle ay weli sideedii tahay ama ka xun tahay, dadkaas muhiimka ah oo talada wax ku lehne ay la qurxoontahay sida wax u socdaan, anigoo weliba ku daray samir iyo sugitaan badan, bal in ugu dambeynta ay wax is baddalaan" ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Bishii September ee sanadkii 2017-kii ayay aheyd markii baralamaanka Hirshabeelle ay u doorteen in nuu noqdo madaxweynaha maamulkaas.

Waa Kuma Waare?

Maxamed Cabdi Waare wuxuu waxbarashadiisa dugsiga hoose kusoo qaatay tuulada Halgan ee degmada Buulobarde, wuxuuna dugsida dhexe ka dhameeyay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Waare ayaa ka baxay dugsiga sare ee Beeraha ee ku yaalla Afgooye.

Wuxuu kasoo baxay jaamacadda Indiana University ee ku taalla Mareykanka.

Waare oo xariga ka jarayay mashruuc horumarineed gudaha degmada Warsheekh

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Waare oo xariga ka jarayay mashruuc horumarineed gudaha degmada Warsheekh

Wuxuu dowladda ka shaqo bilaabay markii uu ka qalin jebiyay dugsiga sare ee beeraha Afgooye sanadkii 1979-kii.

Wuxuu kamid ahaa ardeydii deeqda waxbarashada ka heshay Mareykanka si loo xoojiyo wax soo saarka beeraha dalka.

Wuxuu muddo 10 sano ah ka shaqeyanayay wasaaradda beeraha, wuxuu ahaa isu duwaha arrimaha beeraha u qaabilsanaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wuxuu burburkii kaddib muddo 10 sano ah lasoo shaqeeyay ha'yadda Laanqeyrta Cas, gaar ahaan xilliggii dhibaatooyinka amni darrada iyo macluusha ay dalka saameeyeen.

Wuxuu lasoo shaqeeyay ha'yadda Qaramada Midoobey ee u qaabilsan cuntada iyo beeraha.

Wuxuu sidoo kale wakhti gaaban lasoo shaqeeyay ha'yadda UNDP gaar ahaan mashruuca dib u dhiska dowladdii kumeel gaarka aheyd ee uu hogaaminayay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.