Ninkii shaaha oo sheegay in dumar badan ay ku soo duuleen si ay shaqada uga qaataan

Mehradaha Shaaha lagu iibiyo ee Jigjiga
Qoraalka sawirka, Meheradaha Shaaha lagu iibiyo ee Jigjiga

Karinta iyo iibinta shaaha ayaa waxaa inta badan lagu yaqaannaa dumarka balse magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa ka jira goobo dhowr ah oo ay ragga shaaha ku iibiyaan.

Jaamac Xasan, oo shaah ku iibiya Jigjiga ayaa cabasho ka muujinaya haween uu sheegay inay ku heystaan ka ganacsiga shaaha, wuxuuna ku andacooday in dhowr jeer ay koox haween ah isku dayeen inay kala wareegaan mehradda uu shaaha ku iibiyo ee uu ku leehayay Jigjiga.

"Caqabadaha aan la kulmay waxaa kamid ah in hadda ka hor ay dumar iskaashato lacag ii keeneen ayna igu yiraahdeen lacagta kaa gashay baan kuu celineynaa ninyahow ee waxan ka bax, shaqadan faraha kala bax. Aniguna waxaan ku iri, 'weli waxaan hayaa macankeedii aan ku talagalay in aan ku shaqeeyo, meel aan u baxana ma hayo arrintan waan usoo tafa xeeytay'." Ayuu yidhi Jaamac.

Wuxuu sheegay in dumar badan ay bartilmaameedsanayaan goobtiisa si ay gacanta ugu dhigaan isla markaana uu heegan ugu jiro sidii uu u horumarin lahaa ganacsigiisa.

"Laakinse, dumar badan waxay dadaal ugu jiraan helitaanka meeshan si ay shaqadan ragga uga dhex saaraan" ayuu yiri Jaamac oo hadlayay BBC-da.

Jaamac wuxuu sheegay in sababta dumar badan uu damac uga galay mehraddiisa ay tahay inay ku taallo goob mashuuql ah oo ganacsiga shaaha caan ku ah.

"Waxaan ku adkeystay in aan shaqadeydii sii wato, sidaas ayaan ku diray dumarkii"

Qoraalka Codka, Burco :Mikhaayado la amray in la xiro ka dib markii ay Shaaha qaali ka dhigeen

"Mehraddan shaaha la yiraahdo rag baa lahaaye halaga shaqeysto"

Jaamac wuxuu hoosta ka xariiqay in shaah karinta ay dan u geysay sidaas darteedna wuxuu ku doodayaa in markii uu dhex galay uu ogaaday in sideedaba ragga uu lahaa shaqadan.

"Wakhtigan maanta boqolkiiba sagaashan shaqadan aan gacanta ku hayo haween baa gacanta ku haya, aniguna waxa shaaha aan ugu tafa xeytay ayaan qabaa, kow wax soo saarkeygu in uu noqdo in aan wax kasoo saaro shaahaas shiilan anigoo cidna u jeedin ganacsigeeda ayaan ragga waxaan leeyahay mehradda shaaha la yiraahdo rag baa lahaaye halaga shaqeysto."

"Aniga marka hore biyaha ayaan karkariyaa, waxaan biyaha ku kariyaa bahal beyliso la yiraahdo, xaabo ayaana ku shidaa, dhuxul la gubay kuma kariyo, markey biyuhu karkaraan ka bacdi waxaan ku wareejiyaa kirli, sokorta marka ay bislaato caleenta ayaan ku shubaa markaas kadib ayaana caano ku daraa," ayuu yiri Jaamac.

Wuxuu sheegay in "Shaqadan uu ka tegi karo marka uu dalaco oo uu darajo wacan ka gaaro".