Dadka kufsiga ka badbaaday ee “xaaladah cakiran” kala kulmaya Brazil.

Paloma ayaa aruursatay lacag ku filan si ay isaga soo riddo ilmo markii dalka Brazil uu sida ba'an ugu faafayay fayraska karoona .

Haweeneydaan 27- jirka ah waxaa ku fusaday daba-yaaqadii sanadkii la soo dhaafay nin ay horey saaxiibbo u ahayeen kaas oo sidoo kale saaxiib dhow la' ahaa qoyskeyda .

Hooyadaan oo ay haysata laba caruur ah ayaa uur qaaday toddobaadyo uun kadib markii ay ka guurtay gobalkii ay ku nooleed ee Bahia una guurtay Minas Gerais, oo ah gobal u dhow halka ay ka shaqeeyso.

"Ma garaneyn waxaan sameeyo ," ayay tiri. " waxa kaliya ee aan hubey waxey ahaayeen in aana rabin ilmaha".

Brazil waxaa ay leedahay sharci adag oo la xiriira ilmo iska soo ridida.Waxaana loo oggalyahay oo kaliya kiisaska kufsiga marka hooyada nolasheeda looga cabsado in ay halis gasho ama marka ilmaha caloosha ku jira ay leeyihiin xaalad aan caadi aheyn.

Inkastoo Paloma sharci ahaan xaq u laheed in ay iska soo riddo ilmaha sida haween badan oo reer Braziil ah haddana si buuxda uguma caddeyn xuquudeeda.

Waxey ka walaacsaneed in ay booliska ku wargaliso kiiska kufsiga ah ee loo gaystay si ay u hesho ilmo iska soo ridid sharci ah ,iyadoo ay jiraan xeeladdo badanaa loo adeegsado in dumarka looga horjoogsado arrimahaan.

Balse waxay ka baqday aargoosi kaga yimaada qolyihii kufsiga gaystay. "Runtii waxaan ka walwalsanaa nabadgelyada caruurtayda," ayay tiri mar ay hadleysay.

Ilmo iska soo rididda qarsoodiga ah ayaa khatar ah marka la sameeyo iyadoon xaaladahaadaha qofku ku suganyahay aaney la socon howlwadeenada caafimaadka waxayna ay horseedi kartaa dhibaatooyin sidoo kale khatar ayay gelin kartaa nolosha haweenka. Haddii la ogaado, haweenku sidoo kale waxay wajihi karaan afar sano oo xabsi ah.

Balse Paloma ma aaney garaneyn wax kale oo ay sameeyso waxaana bilowday kaydsiga qarash gaaraya 3,700 oo doolar taas oo ay u baahneed si ay ilmaha isaga soo xaaqdo.

Dhakhtar ayaa ka duuli lahaa Rio de Janeiro, oo in ka badan 900 oo kilo mitir u jirta gurigeeda cusub ee Minas Gerais, si arrintaan loo soo afjaro. Ka dib, cudurka faafa ee Covid-19 ayaa cuuryaamiyay Brazil, wuxuuna xiray garoomada diyaaradaha, saldhigyada basaska iyo xarumaha caafimaadka.

Dabayaaqadii bishii Abriil, Paloma waxaa uurkeedu gaarayay in ka badan 23 toddobaad. "Markay wax walba xirmeen, runtii way adkaatay in la safro - dhammaantood waxay noqdeen kuwo aad u dhib badan," ayay tiri.

Daahitaanka ku yimid howlo badan ayaana sababay in Paloma ay Internedka ka raadiso xal waxaana ay ugu dambeyn heshay Milhas pela Vida das Mulheres, oo ah shabakad ka caawiso haweenka ilmo iska soo xaaqid bad qab ah .

Kooxda ayaa ku caawiyay in ay fahanto xuquuqdeeda ku aaddan arrintaan waxaana ay u tilmaameen mid ka mid ah xaruumo sharci ah oo ka shaqeeya howlahaan ilmo iska tuurista ah xili lagu gudo jiro fayraska faafa ee karoona goobtaas oo ka mid aheed meelaha yar ee shaqeynayay.

Arrintaas Paloma ahaan, waxay u ahayd arrin walaac badan galisay oo waliba nasiib-darro ah "Waxay ahayd inaan nafteyda khatar galiyo oo is waydiiyo malaha maanta ma noolaa doontaa ", ayay tiri iyadoo si dhuumaaleysi ah isaga soo rideysa ilmaha .

Xakameynta helitaanka

Haween badan oo reer Brazil ah ayaan helin nasiib lamid ah kii Paloma intii lagu jiray xanuunka safmarka ah ee karoona . Goor hore, dhibaatadu waxay si weyn u xaddiday helitaanka joojinta sharciga maaddaama rugo badan oo ilmaha la isaga soo rido la xiray xogta ay soo ururiyeen dadka u dhaqdhaqaaqa arrimahaan waxay muujineysaa in, 76 ka mid ah xarumaha caafimaad ee diiwaangashan ee bixiya ilmo iska soo ridka sharciga ah ee guud ahaan Brazil, kaliya 42 ka mid ahi ay weli furanaayeen intii lagu jiray Covid-19.

Mid ka mid ah waa Nuavidas, xarunta caafimaadka ee Uberlândia oo caawineysa dhibbanayaasha la kulma rabshadaha galmada halkaas oo looga soo ridayay ilmaha Paloma. "Faafidda fayraska waxay noqotey marmarsiinyo lagu soo bandhigo xuquuqda haweenka," ayey tiri dhakhtarka dhalmada waa Dr Helena Paro.

Sandra Leite waa isu duwaha xarunta loogu tala galay dumarka dhibanayaasha ah ee Recife, oo iyaduna furneyd intii uu socday faafitaanka fayraska karoona . Waxay tiri cudurkan safmarka ah wuxuu ku adkeeyay dumarka nugul inay gaaraan goobaha caafimaadka.

Intii lagu jiray karantiilka guryaha , "haweenku dhib badan ayey ku qabeen ka bixitaanka guriga si ay gargaar u raadsadaan" ayay tiri mar kale Sandra Leite. Mararka qaarna, kuwii iyaga weeraray waxay la joogeen guriga gudihiisa , sidaa darteed ma doonan karin daryeel caafimaad.

Hadda xayiraadaha ayaa yaraaday, dalabka ilmo iska soo ridka sharciga ah ayaa kordhay. "Waxaan aragnay in haweenku ay la kulmeen rabshado intaa ka badan intii ay ku go'doonsanaayeen guryahooda " ayay tiri Ms Leite.

Xaddidaad aan macquul ahayn,

Rugta caafimaadka ee Dr Paro, tirada haweenka doonaya ilmo iska soo ridka sharciga ah ayaa laba jibaarmay dhowaanahaan. Dumar badanna sida Paloma waxay la imaanayaan uurro ilmuhu kobceen marka waxay u badan tahay inay awoodi kari waayeen inay raadsadaan ama caawimaad u helaan inta lagu jiro cudurka safmarka ah .

"Mararka qaar,haweenkani waxay ku qasbanaadaan inay safraan masaafo dheer si ay u helaan waxa ay xaqa u leeyihiin," Dr Paro ayaa sidaasi leh. "Taasina badanaa waa sababta ay u imaanayaan iyagoo leh uur ilmo kobcay ama si wanaagsna u sameysmay ."

Arrintaani waxey caqabad kale ku noqon kartaa dumarka. Ilmo iska soo ridka illaa 22 toddobaad ka dib waa mida la isku haysto oo wasaaradda caafimaadka ee Brazil ayaa ka talo bixisay iyadoo ka soo horjeeda isla markaana sheegtay in arrintaani tahay halis sii kordheysa oo la xiriirta caafimaadka hooyada.

Rugta caafimaad ee Dr Paro waa mid ka mid ah dhowr xarumood oo ku yaalla Brazil oo dhan kuwaas oo fuliya ilmo iska soo xaaqidda in ka badan 22 toddobaad.

Waxay ugu yeertay 22-ka toddobaad "xadka aan loo meel dayin" iyadoo ku doodeyso in dhakhaatiir badan ay u isticmaalaan "marmarsiiyo ay ku diidayaan ilmo soo ridida oo ay horeyba uga soo horjeedeyn".

"Marka haddii haweeney ay dhaafto [22 toddobaad], waxay dhibaato weyn kala kulmi doontaa inay maanta hesho xarun caafimaad ka hesho Braziil taas oo lagu soo rido ilmaha si ay u joojiso arrintaan" ayay tiri , Dr Paro.