Doorashada Maraykanka: Maxay dadkan Afrikaanka ah ugu duceynayaan Trump si uu u guuleysto?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inkasta oo ay hadal gaf ah uu horay uga sheegay qaaradda Afrika, haddana waxaa jira bulshooyin badan oo ka mid ah Kirishtanka ku nool qaaraddan Afrika oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump aad ula dhacsan.

"U duceeya (Trump) sababta oo ah ilaahey mid ka mid ah carruurtiisa marka uu rabo inuu xil u dhiibo wuu u dhiibaa, balse dunida waxay sameysaa wax weliba oo ay ku burburineyso shaqsigaasi, ayuu yiri baadariga reer Nigeriya Chris Oyakhilome bishii June.

Wuxuu sida oo kale baadariga uu dhaleeceeyey Madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga, ee doonayo doorashada November in dib loo doorto isaga oo sheegay ineysan jecleen taageerayaal badan.

Madaxweyne Trump ayaa ah hoggaamiye caan ka ah dunida oo dhan wuxuuna si gaar ah uu caan uga yahay dalalka Nigeria iyo Kenya, sida ay tibaaxeyso warbixin uu shaaciyey machadka cilmi-baadhista Pew, aageerayaal badan inuu Trump ku waayey qaaraddan Afrika marki uu dalalka Afrika uu 2018 hadal gaf ah oo waddamada qaaradda Afrika badankood ka careysiiyey uu ka soo yeedhay.

Dalalka Nigeriya iyo Kenya ayaa ah waddamada ay diimaha ku xooggan yihiin. Dalka Nigeriya oo ah dalka ay ku nool yihiin tirada dadka ugu badan qaaraddan Afrika Koonfurtiisa waxaa ku nool dad aan yareen, halka ay siyaasiyiinta Kenya marka ay taageerayaashooda la hadlayaan ay kaniisadaha aadaan.

1px transparent line

Dadyow badan oo aaminsan Kirishtanka Evangelical oo ku nool qaaraddan Africa, intooda waxay ka soo horjeedaan ilma iska-xaaqidda, xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee iisu tago isla-markaana waxay tageeraan Israa'iil iyada oo madaxweynihi xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka soo maray ee Barack Obama uu Kenya ka soo jeedo.

Xaaladda dadka madowga 'oo la afduubay'

Ololihi ka socday dalka Mareykanka ee ku aaddanaa ee looga soo horjeeday cunsuriyadda loo geysto dadka madowga ee dalkaasi ku nool waxaa afduubay doodda siyaasadda mareykanka ee la xidhiidha Covid-19.

Siyaasiyiinta doorashada ku loollamayaa waxay doddooda xoogga ku saareen dhaqalaha, sida loo maareeye yfaayraska corona, iyo arrimo la xiriira.

Doodda ku saabsan ilma iska soo xaaqidda ayaa ah xuddunta siyaasadda Mareykanka 40-kii sano ee la soo dhaafay.

Dadka caddaanka ee aaminsan diinta Kirishtanka ee Evangelical ayaa iyaguna u dhaqaaqa ka hortagga ilma iska soo xaaqidda, iyaga oo dhaqdhaqaaqoodaasi u beddelo saameyn siyaasadeed oo xoog badan.

Madaxweyne Carter oo aaminsan diinta kirishtanka ee Evangelical, waxay u arkeen mid dhexdhexaad ah iyaga oo codkooda siiyey si markale loo soo doorto.

Trump oo la sawiran hoggaanka dadka madowga ee Mareykanka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mr Trump wuxuu ku faanayaa dadka madowga ah ee Mareykanka ku nool inuu wax u qabtay si ka duwan madaxweynayaasha Mareykanka soo maray

Daka caddaanka ee aaminsan Evangelical ayaa muhiim u ah codka uu helo xisbiga jamhuuriga ee dalka Mareykanka, si saameynta ay caalamka ku leeyihiin gaar ahaanna qaaradda Afrika ay u sii xoojiyaan.

"Diinta shaqsiga ayey ku xiran tahay, aniguna waxay ii tahay nolol...Kirishtanka qaaradda Afrika ku nool waxay aaminsan yihiin madaxweyne ka soo jeeda xisbiga jamhuuriga inuu u wanaagsan yahay Mareykanka iyo caalamka intiisa kalaba" ayuu yiri baadari Emeka Ezeji.

Kaniisad ku taalla Nigeria

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mr Trump dhawaan wuxuu taageerayaasha aamisan diinta Kirishtanka uu u gudbiyey farriin uu bartiisa Twitterka uu soo dhigay oo uu ku sheegay doorashada November haddii uu ku guuleysan iney khatar jirto xorriyadda diinta iyo ilma iska soo rididda.

"Haddii uu Trump guuleysto ama uu guul darreysto kuma xirna, waxay ku xiran tahay waxa kitaabka Kirishtanka uu sheegayo, haddii uu guuleysto waxay la micno tahay wakhti dheeri ah ayaan heleynaa haddiise uu guul darreysto ma haysanno wakhti badan ayey ka dhigan tahay," ayuu yiri baadari Ezeji.