Erdogan iyo Macron ma waxaa ka dhex taagan loolan dhanka caqiidada ah?

Hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay khudbadda madaxweynaha Faransiiska ee uu kaga hadlay arrimaha islaamka toddobaadkii lasoo dhaafay, taas oo uu shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeray "Muslimiinta gooni u goosadka ah" si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Wuxuu sheegay in qorshahan lagu beegsanayo dhammaan dhaqamada ururada xagjirka ah iyo kuwa arrimaha diinta adeegsanayo kuwaas oo su'aal gelinayo jamhuuriyadda Faransiiska, sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hadalka kasoo baxay Macron ku tilmaamay "Mid daandaansi ah oo aanay ku dhehneyn asluub"

Dooddan ayaa imaaneysaa xilli labada dal uu ka dhex taagan yahay khilaaf siyaasadeed balse haatan ay arrinta isugu baddali doonto mid 'diimeed', sida ay sheegayaan dadka ka faalooda siyaasadda gobolka.

Xaaladda Libya ayaa noqotay arrinta ugu weyn ee khilaafka badan ka dhex dhalisay Macron iyo Erdogan, xukuumadda waxay taageertaa dowladda Qaramada Midoobey ictirifaasan tahay halka Faransiiska uu taageero Janaraal Khaliifa Haftar.

Xiisadda ayaa sare u sii kacday bilooyinkii lasoo dhaafay kaddib markii Turkiga uu markab shidaal baaris ah u diray xeebta badda Mediterranean-ka, Giriigga iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad ka dhalatay howlaha shidaal baarista, xilliggaas Faransiiska wuxuu ku dhawaaqay in ciidamo militari ah uu u dirayo gobolka si ay u taageeraan Giriigga.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin in Macron iyo Erdogan ay adeegsadaan hadallo ku saabsan diinta si ay u xoojiyaan hadafyadooda siyaasadeed.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Erdogan uu soo hadal qaado arrintani, wuxuu doonayaa in kaalin weyn uu ka qaato dunida islaamka ha ahaato taageeridda dalalka Carabta ama in dareenka uu la qeybsado malaayiinta muslimiinta ah ee ku nool caalamka.

Caalamka ayaa si weyn u dhaleeceeyay tallaabadii Turkiga uu masaajid kaga dhigay madxaftkii Aayaa Soofiya.

Adeegsiga diinta

Faransiiska wuxuu doonayaa in kaalin weyn ka qaato siyaasadaha Midowga Yurub xilli dalkiisa ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan ee Yurub. waana arrin taariikhii ah laga bilaabo ololihii janaraalkii u dhashay Faransiiska ee Napoleon uu ka waday Masar, qabsashadii Aljeeriya, waana arrin xusuus badan leh oo dhibaato ku ah muslimiinta.

Dhinaca kale, doodda ku saabsan xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub waxaa harreeyay arrimaha diinta iyo dhaqanka, waxaana kamid aha su'aasha ku saabsan xiriirka ka dhexeeyo Yurub iyo islaamka, iyo xiriirka ku aadan islaamka iyo mabaadiida cilmaaniga iyo casriga.

Waxyaabaha sii xumeeyay xiriirka Turkiga iyo Yurub waxaa kamid ahaa hadal kasoo baxay qaar kamid ah hogaamiyeyasha Yurub, waxaana kamid ah madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy oo yiri "Arrinta aanan suurtagalka aheyn waxay tahay in Midowga Yurub uu kusoo biiro dal ay ku nool yihiin 80 malyan oo qof"

Alain Gresh oo ah weriye iyo khabiir u dhashay Faransiiska ayaa BBC-da u sheegay in kala aragti duwanaanshaha Macron iyo Erdogan uusan ku saabsaneyn 'dagaal dhanka diinta ah' balse arrimaha diinta ay u adeegsanayaan inay kusoo leexiyaan xiisadda siyaasaddeed ee ka aloosan gobolka.

Islam Ozcan, oo ah khabiir u dhashay Turkiga kana faalooda arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in 'Arrimaha diinta aysan kaalin weyn ka ciyaarin siyaasadda Turkiga balse loo adeegsado ka hadalka arrimaha dhaqanka"

Islam Ozcan wuxuu yiri "Mas'uuliyiinta Turkiga waxay arrintan u adeegsadaan sidii ay awoodda ku sii heyn lahaayeen gaar ahaan Erdogan wuxuu adeegsanayaa arrin aanan qaabilsaneyn diblomaasiyadda oo qoto dheer si uu usoo bandhigo tallaabooyinkiisa madaxa banaan"

Doodaha kulul

Khubdadda Macron ee ku wajahneyd waxa uu ugu yeeray 'islaamka gooni u goosadka ah' ma ahaan hadalkii ugu horreeyay ee ku saabsan islaamka ee muranka badan ka dhex dhaliyay Faransiiska, sanadihii lasoo dhaafay waxaa Faransiiska ku soo badanayay hadallada ku saabsan islaam naceybka iyo doodda ka dhalatay xijaabka in gabadhaha ay la adaan iskuullada.

Alan Gresh wuxuu rumeysan yahay in dhibaatadan ay tahay mid casri ah oo ka dhalatay tallaabooyinka Gacaanka Iiraan iyo saameynta sii ballaareysno ay caalamka ka wadaan ururada sida Al Qaacidda.

Siyaasadaha is baddalayo waxay horseedeen hadallada ku saabsan cunsurinimada ee gudaha Faransiiska "Kaddib markii garabka midig ee Faransiiska uu qaaday olole ka dhan ah carabta, Aljeeriyaanka iyo dadka u dhashay Morocco ee muslimiinta ah, waxay arrintani isu baddashay naceyb loo qabo muslimiinta taas oo ay wadaan labada garab" ayuu yiri Alan Gresh.

"Sanadihii lixdamaadkii iyo toddobaatamaadkii Faransiiska waxaa ka jirtay falal cunsurinimo ah oo ka dhan ah carabta, dadka Faraniiska iyo carabta waxay aaminsanayeen in dadka soo galootiga ah ay ugu dambeyntii dib ugu laaban doonaan dalalkooda, durbadiiba, Faransiiska wuxuu arkay in islaamka uu noqday diiinta labaad ee laga aaminsan yahay dalkaas taas oo cabsi ku abuurtay Faransiiska kuwaas oo aan waxbo ka ogeyn diintan"

Cilmi baaraha u dhashay Turkiga Islam Ozkan wuxuu sheegaya in saameyn xun ay ka dhalan karto hadalka Macron ee ka dhanka ah islaamka, "Waa nin reer galbeed ah oo aan wax shuqul ah ku laheyn diinta islaamka"

'Duullaanka dibadda'

Koox ku sugan Faransiiska waxay rumeysan yihiin in muslimiinta ay kaalin ku leeyihiin qalalaasha ka dhaca Faransiiska gaar ahaan weeraradii is xig xigay ee lu qaaday wageyska "Charlie Hebdo" sanadkii 2015-kii.

"Markii aan maqalnay hadalka Macron, waxaan u maleynay weerar dibad ka yimid dibadda oo lagu soo qaaday diinta ee uu ku xoojinayay fikirka laga qabo xagjiriinta sababta oo ah kooxda la magac baxday dowladda islaamka iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah waxay ku anddacoodaan in muslimiinta Yurub la dhibaateynayo" ayuu yiri Islam Ozkan.