Wax ka ogow muraayadaha baadhista ee eeyda tababaran ee Maraykanka

A Rottweiler is seen wearing a set of what look like ski goggles above its snout, with cabling running around its edges

Xigashada Sawirka, Command Sight / US Army

Qoraalka sawirka, Waxay leeyahiin camera iyo meel laga daawan karo

Ciidanka Mareykanka waxay soo bandhigeen muraayadaha indhaha ee oo casri ah oo loogu talagalay eeyda dagaalka, si ay ugu fududayso in ay amar ka helaan meel fog.

Teknoolojiyaddan oo ay sameysay shirkad lagu magacaabo Command Sight, ayaa waxaa maamusha Waaxda baadhista ee Ciidanka Mareykanka.

Eeyda militariga ayaa horay u baadhi kara waxyaabaha qarxa iyo khataraha kale, laakiin waxay u baahan yihiin in la tilmaamo ama qof ag socdo.

Muraayadaha indhaha waxaa loogu talagalay inay u oggolaadaan ilaaliyayaashoodu inay toos u hogaamiyaan, si nabadgelyo ah si looga hortago khatarta.

Goobaha dagaal ee hadda la geeyo, askartu badiyaa waxay ku hagtaa astaamaha gacanta ama tilmaamayaasha laysarka - oo labaduba u baahan in ilaaliyaha uu ka ag dhowaado.

Laakiin taasi uma baahna inay dhacdo haddii noocyada muraayadaha indhaha ee AR-ta lala qabsado, ayay ciidamadu yidhaahdeen.

Gudaha muraayadaha indhaha, eeydu waxay ku arki karaan tilmaame muuqaal ah oo loo tababbari karo inay raacaan, iyaga oo ku hagaya meel cayiman.

Hagahu, dhanka kale, wuu arki karaa waxa eygu ka dhex arko muuqaalka ay tusayaan muraayaduhu.

AR waxaa loo adeegsan doonaa in eeyda lagu siiyo amarro iyo tilmaamo; maahan eeyga in aan ula macaamillo sida aadanaha oo kale," ayuu yidhi Dr Stephen Lee, oo ah saynisyahan sare oo ka tirsan Waaxda Cilmi-baarista Ciidanka (ARL).

Qeyb kasta oo ka mid ah muraayadaha indhaha ayaa si gaar ah ugu habboon eey kasta, taaas waxa uu ka dhex arkaa ku hagayo eyga in lagu tilmaamo meel gaar ah isla markaana uu la falgalo muuqaalka muuqaalka uu ka arko indhaha.

Muraayadaha indhaha laftoodu maaha kuwo cusub - eeyaha milatariga ayaa horay loogu bartay inay u xirtaan sidii ay uga badbaadin lahaayeen xaaladaha xun, laakiin nidaamka cusub ee la soo kordhiyay waa horumar cusub.

The Rottweiler dog sits, showing how the head-mounted goggles are cabled to its body vest

Xigashada Sawirka, Command Sight / US Army

Qoraalka sawirka, Weli baadhistan ayaa gaadhin natiijo kama danbaysa

Aasaasaha Command Sight, Dr AJ Peper ayaa sheegay in mashruucu wali ku jiro "bilowgiisii heerarka cilmi baadhista", laakiin natiijooyinkii hore ay ahaayeen "kuwo aad loogu rajo weyn yahay".

Baadhitaano badan ayaa lagu sameeyay eygiisa oo lagu soo tijaabiyey qalabkan - oo lagu magacaabo Mater.

Justin Bronk, oo ah cilmi baare ka tirsan machadka difaaca ee Royal United Services Institute (Rusi), ayaa u sheegay BBC-da in inkasta oo ay fikraddu u egtahay "qarash xad dhaaf ah", haddana ay wali faa iido leedahay.

"Awoodda lagu hago eeyda ee ah tilmaamid muuqaal iyadoo la adeegsanayo muraayadaha indhaha oo la casriyeey, sida ooo kalena aan loo baahnayn in la dhowro dhawaanshaha jir ahaaneed waxay leedahay faa iidooyin xeeladeysan oo muuqda marka loo eego xaaladaha kala duwan," ayuu yidhi.

Command Sight ayaa la siiyay maaliyad dheeraad ah si loo sameeyo nooc wireless ah oo ah badeecaddan, taas oo noqonaysa mid aad uga waxtar badan tan bilowga ah.