Waa kuma 94 jirka afarta saacadood ku helay milyan macaamiil ah oo bartiisa Instagram ku xiran?

Maxay ka siman yihiin David Beckham, Jennifer Anniston, Prince Harry iyo Pope Francis? Dhammaantood waxay mar jabiyeen rekoorka waqtiga ugu dhaqsiyaha badan ee uu qof milyan macaamiil ah ka helo barta Instagram.

Haatanna dhammaantood waxaa rekoorkii ka jabiyay David Attenborough oo ah 94 jir u dhashay dalka Britain. Waxa uu ahaa weriye sameeya dukumiintiyada la xiriira xayawaanaadka balse 24-kii bishii Sebteembar ayuu muddo afar saacadood ku helay macaamiil badan ka dib markii uu instagram uu soo dhigay muuqaalkiisii ugu horreeyay.

Waxa uu soo jiitay quluubta da'yarta xiiseeysa xayawaanaadka

Sannadadii ugu dambeeyay Sir David Attenborough ayaa waxa uu xoogga saarayay da'yarta, taasi oo qeyb ka ahayd la dagaalankiisa isbedalka cimilada.

Sababta aan caruurta u bartilmaameedsanaya ayaa ah: "Aniga xilligooda iyo barridooda ma joogayo marka sidaa darteed ayaan waqti u siinaya," ayuu BBC-da u sheegay Attenborough.

Waxaa uu leeyahay walaal ku guuleystay biladda Oskarka

David Attenborough waxa uu 8-dii May 1926-kii ku dhashay Isleworth, Greater London. Waa 17 maalmood kaddib markii ay dhalatay boqorad Elizabeth II oo ah boqoradda haatan ee Britain taasi oo isaga siisay mudnaanta Sir. David waxa la dhashay laba wiil oo uu midna ka yaryahay midna ka weyn yahay.

Markii uu yaraa David waxa uu uruurin jiray waxkasta oo la xiriira nolosha dabiiciga ah. Ka hor inta uusan ku biirin BBC-da sannadkii 1952-dii, David Attenborough waxa uu ka qalin jabiyay kuliyadda seeyniska dabiiciga ah ee Jaamacadda Cambridge.

1979-kii ayuu sameeyay 13 barnaamij oo la xiriira nolosha dabiiciga ah. Inkastoo aysan xilligaasi jirin baraha bulshada ay ku wada xiriirto hadana waxaa qiyaas ahaan barnaamiyadiisa daawatay 500 oo milyan guud ahaan dunida.

Waxa uu haystaa abaal-marino kala duwan, waxaa sidoo kale lagu sharfay in magiciisa loo bixiyay xayawaanaad badan

Shaqadii iyo dadaalkiisii la xiriiray dunida dabiiciga ah ayuu David ku muteeystay abaal-marino kala duwan. Dhanka kale David waxa loogu magac daray 20 xayawan oo kala duwan.

Waxa uu ku baaqayaa in la sameeyo ficilo lagu badbaadinayo dunida dabiiciga ah.

Dhoor bilood ka hor ayay ahayd markii uu khudbad soo jiidasho leh ka horjeediyay hogaamiyeyaasha dunida oo isugu yimaaday shirka sannad laha ah ee Dhaqaalaha Adduunka.

"Waxaanu u baahanahay inaanu si qoto dheer u fakarno oo aanu meesha ka saarno eedaha, waxaan u baahanahay inaan sameyno ficil la taaban karo."